HAMBALYO  HAMBALYO  HAMBALYO
XUSKA 18 MAY 2012

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng. Maxamed  Cali Muse,ka dhammaan Bahda Timacade News,ee ku kala sugna dunida dacaladeed ,waxaan hambalyo iyo bogaadin  kal iyo laab ah ,  kuna wajahan  munaasaba dda ciidda  calankeena ee 18 May, 2012 , oo ah maalintii Somaliland la soo noqotay Dawladnimadeedii,Q aranimadeedii  iyo  karaamadeedii , aan u diraynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,mudane, Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , Marwada Koowaad , Amina-Weris Sheekh Maxamed  Jirde, Madaxweyne- ku- xigeenka Somaliland,Cabdiraxman Saylici iyo Marwadiisa, oon leenahay ku ciida nabad ,caafimaad,  farxad , wanaag , cisi  iyo sharaf.

 

Waxaa sidoo kale aan hambalyo iyo bogaadinbba u diryanaa ,dhammaan mujaahidiinta SNM , shacabka Somaliland meel ay joogaanbba , xubnaha Golaha Wasiirada, Golaha Wakiilada,Golaha Guurtida, Ciidama da Qaranka , Xisbiyada mucaaridka iyo dhammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimda Somaliland.

 

Madaxweyne,waxaan Allaha awoodda leh  kaaga baryaynaa, inaad caafimaad ku waarto, muftaaxa aq oonsigana Rabbi  midigta kaaga dhiibo , kaana yeelo Madaxweynihii  dalkiisa iyo dadkiisaba uga taga dh axal aan abid ka duugoobin, aamin,aamin,aamin.

 

Mar labaad,waa Bahda Timacade News oo idin leh  , Hambalyo  iyo salaan kal iyo laab ah  naga guddoo ma  walaalayaal meel aad joogtaanbba, kuna ciida farxad iyo ray rayn ,  munaasabadda  xuska ciida ca lankeenna , 18 May 2012.

 

 

 

 

 


Eng. Mohamed Ali Muse ( Farshaxan )
Civil Engineer

Senior Certified Computer Network Specialist
| CNA | CCNA | MCP | A+ |


Timacade News Network TNN
Long Live Somaliland News Media
Editor in Chief & Webmaster