Doorkii Salaadiintu ka Qaateen Xalinta Khilaafka w axaa Xusid Mudan Doorkii weynaa ee u ka qaatay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

 

Waxa toddobaadyadii ina dhaafay uu qof kastaa si weyn u dareemay khilkaafkii  siyaas ad eed ee ka dhex taagnaa saddexda xisbi qaran ee Somaliland, khilaafkaasi  siyaasade ed oo qoqdobkiisa ugu weyn ku saabsanaa murankii diwaangelintii Dalka ka dhacday.

Iyadoo axsaabtu isku khilaafsan yihiin arrintaasia yaa waxa xigtay in golaha wakiilada ee Somaliland ay soo bandhigeen laba mooshin oo buuqii iyo gacan kahadalkii keentay aan  ci dna loo sheegayn oo aynu ka wada dheregsanahay. Haddaba khilaafkaasi  isbi irsaday ee axsaabta qaranka ka dhex aloosnaa waxa dadkii xalintooda si weyn uga  ha wlgalay ka mid ahaa salaadiinta Somaliland kuwaasi oo xalkii ay keeneen isku soo jiiday dhinacyadii  khilaa fku ka dhex taagnaa.

Salaadiintaasi oo ay kamid ahaayeen Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan iyo Suldaan  Maxamed Suldaan C/qadir waxay si weyn uga shaqeeyeen inay si waadix ah ku  xaliya an  khil aafkii sii jiitamayay maalinba maalinta ka danbaysa. Waxaana taasi kaaga  mark haati  kaca ya hadalkii guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Warabe ka jeediyay  war baahinta uu  kuna sheegay in Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan inuu habeenimadii ilaa 3-dii habeenimo uu ka hawlgayay siddii uu iskugu soo jiidi lahaa dhinacyadii isku  kh ilaafsanaa siyaasada.

Sidaasi daraadeed waxaynu odhan karnaa Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo  ha dda wakhtigii Suldaanimada loo caleema saaray laga joogo 8 bilood, waxa uu muujiyay talaabo fiican oo dhinac kasta iyo shacbiga Somalilandba wada qancisay laguna farxay.

Waxaa sidookale xusid mudan Suldaanku kaalinta uu ka galay Golaha Guurtida ee   Som aliland, waxaana aynu odhan karaa waxa uu muujiyay sidii lagu bartay Aabihii Eebe  na xariistii janno ha ka waraabiyee Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed oo ka mid ahaa   Shantii Oday ee sida weyn uga shaqeeyay Nabadda aynu maanta hadhsanayno

Qof kastaa wuu dareesan yahay markii ay golaha guurtida ee Somaliland ay  go’aankoo dii ku dhawaaqeen dadweynihii taagnaa suuqyada iyo askartii amnigu waxa mid walba gacan qaaday ciidamadii iyadoo maalintaasi aanay rabshad iyo buuq midna aanay  dhic in.
 

 

 

Qalinkii Maxamed Muuse Inji
Hargeysa/Somaliland
somalilandradio@yahoo.com