Dhammaan maamulka,weriyayaasha ,iyo gudida fulinta ee shabakadda wararaka ee Longlivesomaliland News Media ,waxaanu hanbalyo u diray naa Golaha Guurtida,shir Gudoonka Golaha Guurtida,shacbiga Somaliland, saddexda Xisbi Qaran,saaxiibada Somaliland iyo dhammaan dawladaha g acanta weyn ka geysatay soo af jaridda khilaafkan.

Waxaad caalamka u muujiseen in ay Somaliland tahay dal iyo dad karaa madooda ,sharaftooda iyo qaranimadoodaba, meel uga soo wada jeeda, khilaafka kasta oo yimaadana ku dhammayn kara  miiska wada hadalka.

Maanta Somaliland gudaha iyo dibadaba, waxay  u tahay maalin taariikhi ah,oo muwaadiniinta Somaliland aad ugu diirsdadeen go'aanka laysku wa da raacay,waxaanay dhinbill daba ku noqotay kuwa neceb jiritaankeena, gooni isu taageenna iyo nabadda Somaliland  ee halganka dheer loo soo maray.

Mar labaad waxaan idin leenahay hanbalyo,ilaahayna ha idibku garab ga lo hawsha aad qaranka iyo ummadaba u haysaan

Allahayaw nimcadaad  na siisay noo siyaadi, nabad iyo caano .

 

Maamulka Longlivesomaliland News Media