HANBALYO  HANBALYO

 

Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karayn u dir ayaa Mustafe C/kariim Cali Buux (Mustefe Future) xilka cusub ee loo magacaabay oo ah in uu noqdo wakiilka Somaliland ee shabakada wararka Longlivesomaliland.com.

Mustafe C/kariiim Ilaahay ha kugu asturo oo ha kuu  fududee yo ku guulaysashada Hawshaasi.


Sidoo kale waxa aan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karaynin aan halkan uga gudbinayaa mulkiilaha shabakada wararka ee Longlivesomaliland.com , Engineer  Maxamed Cali Muse (Farshaxan).

Rajada aan qabaa waxay tahay in labada shabakadood ee Gabileynews iyo  Longliv esomalilan ay wada yeelan doonaan is kaashi dhinaca wararka ah iyo guud ahaan ba wada shaqayn wanaagsan oo dhex marta.

Waxaan ku kalsoonahay in hawshaasi loo igmaday uu Mustafe uga soo bixi doono si farshaxanimo iyo xilkasnimo leh, maxaa yeelay, Mustafe, Waa shaqsi Eebe hibo u  sii yay hanaan wax qorid oo saraysa, karti iyo dedaal dheeraad ah. Waxaanan filayaa in hawshaa loo igmaday uu uga soo bixi doono si hufan, wacan oo wanaagsan.



Waxaan mar labaad ku leeyahay Eebe ha kugu guulleeyo anaguna waanu ku garab taaganahay.


 

 

Saciid Khadar Cabdillaahi
Tifaftiraha Wararka
Gabileynews
Qaybta Hargeysa
Hargeysa Somaliland