Hambalyo  Madaxweyaha Somaliland,Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Dawladiisaba

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng Maxamed Cali Muse,ka dhammaan hawl wadeenada shabakadda Caalamiga ah ee Timacade News Network (TNN),waxaan hambalyo iyo ducaba u diraynaa Madaxwe ynaha Somaliland,  Mudane Axmed Maxameed Maxamuud (Siilaanyo),oo Bisha July 27,2010 , loo dha ariyey xilka madaxweynenimada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan dhammaantayo Allaha weyn  uga baryeynaa , in uu fududeeyo xilkaa loo dhaariyey,kuna as turo, kana yeello Madaxweynihii  dadlkiisa iyo dalkiisaba cadaalad  ku maamula, hormuar laxaad leh   iyo dhaxal lagu xasuustana  uga taga.

Waxaan kale oo hambalyo u diraynaa, dhammaan shacabka Somaliland ee degan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,sida sharafta , karaamada iyo  wadanimada  leh , ee  ay ugu guntadeen in Somaliland hal kan soo gaadho maanta,waana maalin taariikhi ah oo lagu xasuusan doono Dimuqraadiyada curdink a ah ee ka hana qaaday Somaliland.

Mar labaad ,waxaan hambalyo iyo duco u diraynaa, Madaxweynaha Somaliland,Mudane Axmed Maxa med Maxamuud (Siilaanyo) iyo dawladiisaba.

 

 

 


Eng . Mohamed Ali Muse
(Farshaxan)
Civil Engineer
Senior Computer Network Specialist
Editor in Chief & Webmaster
Timacade News Network TNN
www.TimacadeNews.com
www.LongLiveSomaliland.com