Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)

 

Wacan oo wanaagsan TNN / LLSL, hormuudka xogta iyo wararka lagu kalsoon yahay ee Shabakadaha Afka-Somaliga, Hambalyo mar kale hawsha wacan ee aad haysaan.


Wa Bilaahi Tawfiiq


Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)


............................................................................................................................................
 

Xukuumaddii dalka Holland oo is casishay (dhacday):

 

(By: Architect/Eng. Hussein Deyr)
 


 

Premier Balkenende (midden) en de vicepremiers Bos (links) en Rouvoet (rechts) vlak voor aanvang van het Kamerdebat.   Foto Roel Rozenburg

(Xagga bidix: Wouter Bos-Vice PM/Finance Minister[PvdA]; Jan Pieter Balkannende-Prime Minister[CDA]; Anderé Rouvoet-Vice PM/Family and Youth Minister [CD])

Habeenimadii sabtidu soo galaysay 20/02/2010(xalay afartii aroornimo) ayey  xukuum addii talada dalka Holland xilligan haysay si rasmi ah u dhacday oo isku casishay. Waana markii saddexaad ee muddo 8 sanadood gudaheed ah ay xukuumad talada  Holl and haaysaa, iyada oo aan waqtigeedii dhamaysan ay is casisho. Xukuumadda xilligan talada haysaa waxay xilka qabatay 22/02/2007-dii, waxayna ka koobnayd dawlad wadaag ah oo ka kooban saddex xisbi (Xisbiga Dimuqraadiga Kiristaanka[CDA], Xisbiga shaqaalaha[PvdA] iyo xisbi aad u yar oo la yidhaa Ururka Kiristaanka/Christian Union[CD] ).
Haddaba arrinta ugu weyn ee ay xukuumaddu haatan isku casishay waxay salka ku  ha ysaa ciidamada dalka Holland ka jooga dalaka Afghanistan ee ka qayb qaadanaya dagaallada ay isbaahaysiga NATO kula jiraan dagaal yahannada Taaliban.


Dhammaadkii sannadkii 2007-dii ayaa xukuumadda hadda talada haysaa ee ka kooban saddexda xisbi ay ku ballameen in ciidamada dalka Holland ka jooga Afghanistan  (gob olka Urugzan) laga soo celin doono dhammaadka sannadkan 2010-ka. Haddaba  dagaa llada adag ee gaashaan buurta NATO waqtigan xaadirka ah ka waddo Afghanistan  aw geed, ayey gaashaan buurta NATO dawladda Holland ka codsatay inay ciidamadooda ka jooga Afghanistan (gobolka Urugzan) ayna kala soo bixin dhamaadka sannadkan 2010 ee illaa 08/2011-ka ay halkaa u daayaan.


Haddaba sida ku cad dastuurka iyo xeerarka dalaka Holland, go’aan kasta oo ay  xuku umadda talada haysaa rabto inay gaadho, waxa khasab ku ah inay hordhigto aqalka sare ee barlemaanka oo ah golaha wakiillada (House of Representatives) ee ay  shici bku sida tooska ah u soo doorteen. Haddaba waxa la odhan karaa codsiga ka yimid gaashaanbuurta NATO ayaa dariiqa u sii xaadhay in xukuumaddu is casisho. Wasiirka Maaliyadda oo ah hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha (Labour Party) Mr. Wouter Bos oo ka mid ah saddexda xisbi ee xukuumaddu ka kooban tahay, ayaa waxa uu ku eedeeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Holland oo ka tirsan xisbiga CDA (Xisbiga Dimuqraadiga Kiristaanka) iyada oo aan arrintan si fiican golaha wasiirrada loogaga wada tashan uu isagu afka ugu riday Xoghayaha Guud ee NATO inuu soo dalbado sii joogitaanka  ciidam ada dalka Holland.

Hooggaamiyaha Xisbiga shaqaalahu waxa uu ku doodayaa in Golaha Wakiilladu aanu marnaba oggolaan doonin haddii la hordhigo arrinta sii joogitaanka ciidamada Holland ee dalka Afghanistan. Shirkii golaha wasiirrada oo muddo 16-saacadood ah, (maalintii Jimcihii oo dhan illaa habeenimadii Sabtidu soo galaysay illaa afartii subaxnimo) ku jiray dood aad u dheer una adag ayaa ku guulaysan waayey inay xukuumadda ku sii wada jiraan. Dabadeedna xisbiga Shaqaalaha ayaa xukuumadda iskaga baxay, taasoo  horse eday in xukuumaddii dalka Holland talada haysay ay dhacdo.

Ra’iisal Wasaaraha Mr. Jan Pieter Balkennende ayaa Boqoradda u gudbin doona is  ces ilaadda xukuumadiisa, waana markii saddexaad ee muddo 8 sannadood ah, isaga oo  a an waqtigii xilka xukuumaddiisu aanu dhammaanin ay xukuumad uu isagu hoggaamiyaa is-casilaad Boqorrada u gudbiso. Balse Boqorradu (Queen Beatrix Orange Nassau)  wax ay ku maqan tahay fasaxeegii jiilaalka (Winter Hollidays).

Sida dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka ee dalka Holland ku qeexan, muddo  sadd ex bilood gudahood ah doorashooyin lagu qabtaa oo xukuumad cusub lagu soo dhisaa.
Xukuumadda hadda is casishay talada way sii hayn doontaa illaa doorashooyin ay ka dhacayaan oo xilka lagala wareego, balse ma laha go’aan ka gaadhis iyo soo jeedin  ar rimo cusub. Arrimihii hore u jirayse, si aanay hawlaha qaranku u xannibmin way sii wa di kartaa.
 

 



By: Architect/Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Holland & UK|