Hanbalyo iyo Bogaadin Tog-wajaale Foundation
Asalamu Alaikum Warahmatulaahi Wabarakaatuh,
Waxan hanbalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa Gudoomiyaha Haa'ayadda
Samo falka ee Tog-wajaale Foundation iyo cid kasta oo fikirka la
wadaagta.
Runtii farxad ayey noo tahay in dhawaaqani ka yimaad qurba joogta
deegaanka Tog-wajaale i yo nawaaxigeeda, runtii waxan u aragnaa kaalin
banaanayd oo ay baneeyeen qurba joogta oo ah dadka ugu muhiimsan ee
deegaanadooda wax ka qabta laakiin taasi ay ka maqnayd qurba joogta
u dhalatay ama ka soo jeeda deeganadan kor ku xusan, waxanu hiil iyo
hooba la garab taaganahay dhamaan cid kasta oo dareenkaasi ku jiro.
Baahiya ka jira Deegaankan lagama sheekayn karo, dakhliga soo galana
waa la yaqaanaa, nasi ib daradu waxay kaga timi
cid u hadasha iyo cid
ka damqata, midna ma laha, hadii ay jiraana w ay yar yihiin oo waa dad
iska niyad jabay.
Hadaba waxan ku boorinayaa in hawshan hada dhawaqeedi nasoo gaadhay
laga midha dhaliyo oo gudo iyo dibadba la isku xidho dadka (Network)
la sameeyo meelo laga wada xidhiidho. Guddiyo la sameeyo iyada oo
lagu salaynay daacad-nimo, karti, aqoon iyo rabitaan wax qabad,
diyaar ayaan u nahay aniga oo ku hadlaya afka dhalinyar badan oo
ka soo jeeda Deegaanka Tog-wajaale.
Allaa mahad leh
Ahmed Mohamed
Tog-wajaale,
Somaliland |
|