Hanbalyo, Hanbalyo Maxamed Xaashi Cilmi oo ku geli waayey
baara-goysyada, buurya-qabka iyo baarqabkoodii. Gobanimo.
Todobaadkan iyo Weriyaha Laanta curdinka
“Hadduu xilhayo, umma guulwadeeyo Maxamed Xaashi Cilmi, ayaan lagaa
qaadin ee jilbiibso oo dhiidhiis bso guriga Madaxtooyada, Haddaanu
hayna umma guulwadeeyo xil ha laguu dhiibo eh, jilbiibso oo guda ha
Madaxtooyada dhiidhiibso”.
Sideedaba garbadiiri mid duuguugan ma weydo oo bulshadeena ayaa
sidaa u badan, dawladana waxaa lagu gartaa qudbiga danyarta iyo
maamul wanaaga Maxamed Xaashi Cilmi ayay marka ho re shidhka so o
dhigtaa, muddo gaabana gudaheedna kula colawdaa.
Maalintii la magacaabay anigu ma hanbalyayn, afmiinshaar magaalana
wuu ka naxay; mayeedhaanka, codkoodaa gaabane way ku farxeen. Beel
iyo jilib gaar loogu qoondeeyey oo lagu soo xero gelinayey amma
tirsanayey ma jirin. Beel iyo jilib gaar u difaacayaa sida
masu’uuliyiinta badankooda ma jirto, isna soo kicin maayo oo
umma
adeegsado beesha danihiisa gaarka ah iyo in uu salaan dheer ku fuulo,
marku u tiisa gaadhana dhagaha ka furaysto. Waxaan maanta u
hanbalyaynayaa, wuxuu u gacan banaanaa day xilkiisii ahaa in uu
dawlada iyo dadweynahaba u soo tebiyo waanooyin wax ku ool ah,
macluumaad iyo in uu xaqa ku eedaamo.
Ku dheeraan maayo oo taariikhdu iyadaa is qoriye, waxaa cadaadtay in
aan Maxamed Xaashi Cilmi, Riy aale iyo kuwii ka horeeyayba midna gaar
u necbayn ee habkuu ku socodo iyo habkaa ku socdaan kala duwan yahay.
Waxaa Cadaatay in yahay Ubax gudaafad ka baxay, waxaa caddaat ay in
uu yahay geed hadhac ah oo keligii ku yaal bankii giriyaad, sidaan
horeba u sheegay.
Waxaan leeyahay ammaan iigama baahna Maxamed Xaashi Cilmiye, waxaan
qirayaa uu gob gobi dhash ay yahay oo ay guni rifayso, waxaan qirayaa
in uu horseeday hab ku dayasho mudan ee dhallinyaroo adigu labada
jid mid uun raac.
Maxamed Xaashi Cilmi marka xil qaran loo magacaabo wuxuu u gutaa si
daacadnimo ah. Wuxuu dadwey naha tusaa maamul wanaaga fal ahaan iyo
ficil ahaan, af iyo adinba. Markaanu xil hayna wuxuu ku muu jiyaa
Qalinkiisa oo labada goorba wuxuu u arkaa in uu xil saaran yahay oo
uu gudanayo waajib qaran. Ma dudo, dagaal xildoonimo ahna weligii ma
galo, laakiin wuu u tartamaa xilka qaranka, isaga oo aan laa luusha
bixin, beelana soo kicin, si uu dadweynaha u tuso waxay kala
dooranayaan. Waa geesiga keliya ee taa u badheedha.
|