“Hadii Mar Walba Lagu Baac-Sado Oo Aad Tidhaahdo La Hadli Maa yo Somalia Taasi Waa Diciifnimo, Bulshaduna Xaqbay U Leedahay In Wixii Xukuumadu Xumayso Ay Sheegaan Oo Ay Ku Dhaliila an”
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame-Hadraawi

 



Hargeysa, April 25, 2012 (TNN) – Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Wada-hadalka xukuumadda Somaliland qaadacday ee la filayey inay la yeelato daw ladda TFG-da ee Soomaaliya, kaas oo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay inay wada-hadal dhexm aro labada dawladood.

Abwaan Hadraawi ayaa waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo Haatuf xalay khadka tilifoon ka ku siiyey isaga oo ku sugan Magaaladda Hargeysa, kaas oo si mugleh uga hadlay qaabka ugu habo on ee Somaliland iyo Somaliland u wada-hadli karaan, isla markaana tilmaamay inaanay haboonayn in wada-hadalka labada dhinac lagu soo daro Maamulka Puntland, maadaama oo ay hoostagto dawladda TFG-da ee uu hogaamiyaha ka yahay Sh. Shariif.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu sidoo kale tibaaxay in bulshadu xaq u leedah ay inay dhaliilaha xukuumadda ay sheegaan, shacbiga u soo jeediyey inay dhaliilaha xukuumadda ay u j eediyaan ay noqdaan kuwo ay toosinayaan maamulka jira, waxa kale oo uu ka hadlay tabashada urura da siyaasada ee iyagu hadhay, kaas oo tilmaamay inay xaq u leeyihiin in laga qanciyo tabashooyinkoo da, waxaanu ka digay in khilaafaad khalkhal ku keena dalka ay ku kacaan ururadaasi.

Ugu horayna Abwaan Hadraawi isaga oo ka hadlaya sida uu u arko wada-hadalka Somaliland iyo Sooma aliya, waxa uu yidhi “Waan taageersanahay inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan waliba jeclaa inaanay cid saddexaad soo dhex galin oo aanay odhanin wada hadla, waana wax loo baah an yahay wakhtigan inay labada dhinac wada hadlaan oo dhinac waliba mawqifkiisa sheegto, waana d aciifnimo hadii aad tidhaahdo anigu cid la hadli maayo oo aad garan waydaba cida ay wax iskaga kiin ji raan. Mida kale Qofka waxaad doontaba isku qabo oo waxa fiican inaad wada hadashaan oo aad maw qifkaaga iyada oo la wada arkayo aad cadaysato, waa taas ta ay raganimada iyo dadnimaduba ku jirt aa, laakiin hadii mar walba lagu baacsado oo aad tidhaahdo la hadli maayo Soomaaliya taas dhaliil ayaa ku jirta”.

Abwaan Hadraawi mar uu ka hadlayey rabitaanka shacbiga Somaliland, waxa uu yidhi “Shacabka Soma liland ku nool isaga ayaa Ikhtiyaarka leh, mana jirto cid odhan karta xaq aad leedihiin cid kale uga tana asula, laakiin sida aan sheegay Soomaalida mushaakil ayaa ku dhacay oo dhibaatooyin badan ayaa dha cay oo wali raadkoodii sii jiraa oo ma jirto Soomaali isku calool fayoobi, taasina waxay keenaysaa inay dadkani qaataan mawqifkaas gooni isku taaga. Markaa su’aashaadaas waxaanu ku daynayaa dadkani go’aanka Mustaqbalkooda iyagaa awal iyo aakhirkeedaba iska leh oo sidaan u sheegay cid ku dirqiyi karta arinkaas ka joogsada ma jirto, markaa Somaliland shacbigeedu iyaga ayaa aayahooda Ikhtiyaar u leh laakiin anigu waxaan jeclahay in wakhti walba ha dhacdo meeshay doontana ha ka dhacdee in la wada hadlo oo dhinac waliba muraadkooda sheegtaan”.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) mar wax laga waydiiyey qaabka ay u wada hadlayaa n Somaliland iyo Soomaaliya iyo in ay haboontahay in Maamulka Puntland lagu soo daro wada-hadalka labada dhinac, waxa ku jawaabay “Sida ay iila muuqato wada hadalku cida la rabo inuu dhexmaro waa Somaliland oo Waqooyi ah iyo Soomaaliya oo Koonfur ah, marka aynu xaqiiqda ka hadlayno-na Maamulk a Puntland waxa uu ka mid yahay oo uu hoos tagaa dawladda TFG-da ee Soomaaliya, inta aynu ognaha yna waa qaabkaas qaabka uu caalamku soo jeediyey inay u wada hadlaan labada dhinac”.

Hadraawi isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya sida uu u arko dhaliilaha xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo loo soo jeediyey mudadii ay jirtay, waxa uu yidhi “Mudada ay dawladdani jirtaa waa mudadaas kooban ee aynu wada ognahay, mida kale kolay waxa is barbar yaala dhaliil iyo amaan, labaduna waa kuwo dawlad walba ku dhaca oo dadka qaar waxay odhanayaan waxaas ayey xumaysa y, halka kuwo kalena ka odhanayaan waxaas ayey toosisay. Bulshadu xaqbay u leedahay in wixii xuku umadu xumayso ay sheegaan oo ay ku dhaliilaan, laakiin waa in dhaliilahaasi noqdaan kuwo aan ku koo bnaan maagis ee ay noqdaan dhaliilo wax lagu toosinayo oo wax lagu saxayo, markaa waa mihiin in wixii la khaldana la sheego wixii la saxana lagu hambalyeeyo cidii saxday”.

Ugu danbayn Hadraawi oo ka hadlay tabashada ururada hadhay, waxa uu yidhi “Inkasta oo arimaha ur urada ee aad i waydiisay aanan la socon oo aanan waxba kala soconin oo aan ogayba qorshaha xataa lagu talo galay ee ururadii tartamayey ay ku hawlgaleen, inkasta oo aanay jirin cid odhanaysa balaayo ha dhacdo laakiin aniga mawqifkayga arintaas aad i waydiisay ku aadani waa in cidii wax tabaysa la qan ciy oo wixii cabasho ah ee jirta in la islo eegaa waa marin sax ah, oo waa in muwaadin kasta oo wax tab anay arintiisa hoos loo eego, laakiin anigu in dhibi ay dhaco oo arintaasi dab inagu huriso oo dadkan Ila ahay uun ogyahay arinkooda in la isku dulqabsado marna ma jecli”.
 

 

source:Haatuf