Haddii Siilaanyo Qabiili Yahay Cabdiraxmaanoow Xilalkan Tirada Badan
beeshaada Muu Siiyeen
Aniga oo aan uga jeedin qof ka
daba hadal ama ku xumee waxaan jeclaystay inaan wax y ar ka idhaahdo
hadalo dhinaca saxaafada uu soo mariyay siyaasiga caanka ah ee
Cabdira xmaan cabdilqaadir Faarax Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee
xisbiga talada haya ee Ku lmiye.
Hadaladaa kuwa ugu waaweyn ama aan jeclaystay inaan wax ka idhaahdo
anigoo cidna aan ka wakiil ahayn balse mihnadaydu I tusayso
khaladaadka ku jira iyo sida nin siyaasiya aqoonyahana aanay ugu
fiicnayn inuu qoys hoos ugu noqdo waxaan wax ka odhanayaa hadalada
ku jiray sida Madaxweynuhu waa qabyaaladayste ta uu Mudanuhu kaga
hadlay sida beeshiisa aanu Madaxweye Axmed siilaanyo waxba ugu
ogolayn.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdilqaadir waa nin muxtarima siyaasi ah isla
markaana in badan la soo rafiiqay madaxweynaha,Mararka qaarna ay
keli isku ahaayeen oo aan cidi u dhaxa yn jirin.
Waa run halgan badan ayuu la soo galay madaxweynaha wuu u dhintay
geeri ayuu qarka u gaadhay wuu mudan yahay in la xanaaneeyo iyo in
la maamuusaba balse marar ayaa q of aad wax ka filayso aad ka waaayi
kartaa bini’aadan baynuhu nahay qof wada dhamays tirani ma jiro dad
badan oo madaxweynaha la soo halgamay xiligii xisbiga iyo xiligii
SNM-ba ayaa manta banaanka ka jooga maamulkiisa ceeb maaha mana wada
helayno inuu dhama anteen xilal inoo dhiibo maahana in lagu ceebsado
ama lagu cambaareeyo madaxweynaha waa oday dalkan iyo dadkanba abaal
ku leh sanad iyo bilo ayuu madaxweyne ahaa mucaa ridad badan ayaa
markiiba lagu furay balse waa nin ka dabaalan kara wax kasta haloo
samro.
Abti Cabdiraxmaanoow waxa fiicnayd inaad gogol u dhigato
madaxweynaha tabasho way dhici kartaa balse meeqaamkii aad joogtay
hoos baad uga soo dhacday aniga xagayga tixgelin baan kuu hayaa
balse arrimaha qaarkood waa {XINJIRO FAJAAS} waa meel ka dhac LIBEL
{GEF} markaa waxa kuu haboonayd inaanay ku qaadin caadifada iyo
waxaad filaysay han waad leedahay balse haddii wakhtigii aad wax
filaysay aad wayday lafta iyo jiidhkaba hays raacin hana noqon
Dagaal ooge iyo tolaay waa layna qadiyay.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyana muddo badan baanu soo
wada raf iiqnay isku hoy ahayn maaha nin Qabiil ku shaqeeya ilaa
xiligii dawladihii Soomaaliya ilaa SNM ilaa maanta wuu ka fogaadaa
beesha uu ka soo jeedo adigaana iiga markhaatiya in Beeluhu Isugu
mid yihiin waana siyaasi rug cadaaya oo jecel inuu magacc iyo
maamuus ummaddiisa uga tago caddaaladna ku hogaamiyo,
Way jiraan dad badan oo sidaadaa dedaal iyo wakhti badan geliyay
sidii mujaahidku hoga anka dalka u qaban lahaa oo xiliyadii adkaa ee
xisbiga kulmiye iyo xiligii SNM-ba la soo kifa axay wixii ay
filayeena aan ka helin madaxweynaha balse ku qancay hadafkoodii iyo
mabd a’ii ay madaxweynaha ku taageersanaayeen ee isbedelka
dhamaanteena xil laynooma wa da dhiibi karo,haddii maanta aan laguu
dhiibin beriba jaaniska waad heli,maalina adigaa le h maalina
khayrkaa ayaa leh dedaal badan waad gelisay iyo wakhti badan sidii
mujaahid ku kursiga u fuuli lahaa balse shuruudo ma jirin lagu
canaanto ama wax buu ii dhiibi waayay taasi rijaalnimo maaha.
Ta kale waa maan gaabnimo nin aqoonyhani inuu jifi { Reerkiisa Hoose}
ku noqdo hana k ala jeclaysan laba nin oo aad ilmaadeer tihiin inad
midna u doodo midna duudsido Shalay Maxamed Yaasiin ayaa Cabdi aw
daahir lagu Bedelay maanta Gaboose oo is casilay Maxa med Nuur
Carraale {Duur} ayaa lagu bedelay Xilku waa Meerto meel kalena
kursigii ma tegin.
Arrimaha Shaqaalaha la eryo waa haday jirto cidna loogu dulqaadan
maayo waa arin aan laga filayn Xukuumada Madaxweyne Axmed
Siilaanyo,Tusaale kooban anigu waxaan ka mi d ahaa Masuuliyiin
Xilalkii iyo shaqooyinkii ay hayeen looga eryey fikirkii ay
aaminsanaaye en xisbigii ay taageersanaayeen iyo weliba iyadoo
madaxweynaha beeshiisa oo xiliga muc aarid ahayd laga urinayey,bal
xusuuso hablihii inta la eryey xukuumadii rayaalle weliba a
flgaadada loogu daray,marwooyinkii laga hor istaagay shaqooyinkooda
tirada la eryey ee beesha madaxweynuhu waxay maraysay xiligaa 350
shaqaale iyo madax isugu jirtay cid ka hadashayna ma jirin balse
maanta intii hore oo kale dhacdo raali kama nihin waana kha lad
xukuumadana laga yeeli maayo adiguna ha ka dhiganin inaad ku dagaal
gasho arrima haas oo kale.
Bal yara milicsada shaxda xilalka beesha mudanaha uu Madaxweyne
Axmed Siilanyo u Magacaabay.
A. Wasiiradda
1.Wasiirka Arrimaha gudaha
2.Wasiirka Xannaanada Xoolaha
3.Wasiirka Kalluumaysiga & Khayraadka Badda
4.Wasiirka Caafimaadka
5.Wasiir ku xigeenka Maaliyada
6.Wasiirka Ku Xigeenka Caafimaadka
B. Agaasimayaasha & Maareeyayaasha.
7.Agaasimaha Guud ee Caddaalada
8.Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare
9.Agaasimaha Guud ee Xannaanada Xoolaha
10.Agaasimaha Guud ee Duulista Hawada
11.Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud
12.Maareeyaha Hay’adda Korontada
13.Maareeyaha Hay’adda ICT
14.Maareeye ku xigeenka Madbacada Qaranka
15.Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeisa
C. Madaxtooyada
16.La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada
17.La taliyaha Madaxweynaha arrimaha Doorashada
18.La taliyaha Madaxweynaha Saxaafada
19.Afhayeenka Madaxtooyada
20.Agaasimaha Xafiiska Siyaasada & Xidhiidhka Golayaasha ee
Madaxtooyada { wuxuu la mid yahay Wasiirkii xidhiidhka Golayaasha
Qaranka}
D. Saraakiisha Ciidamada ee Sare
21.Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland
22.Taliyha Aagga Bari ee ciidanka Qaranka
23.Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka
24.Taliyaha Ciidanka Burmadka
25.Taliyaha Ciidanka SPU { Ciidan si gaara u Tababaran oo Hay’addaha
u gaara}
26.Taliyaha Laanta Socdaalka {Immigration Officer}
27.Hogaanka Wacyigelinta Booliiska
28.Hogaanka Maamulka iyo Lacagta Booliiska Somaliland
29.Hogaanka Gaadiidka iyo Farsamada Ciidanka Qaranka
30.Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Caasimada
E. Hay’addaha Madaxa bannaan
31.Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland
32.Hantidhawraha Qaranka
33.Gudoomiyaha Maxkamada sare {Dhawaan ayaa xilka laga wareejiyay}
F. Badhasaabada Gobolada.
34.Badhasaabka Gobolka Sanaag
35.Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer
36.Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Saaxil
37.Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodijeex
38.Badhasaabka Gobolka Daad madheedh Oodweyne
39.Badhasaab ku xigeenka gobolka Hawd
G. Safiirada & Wakiilada Debadda.
40.Safiirka Somaliland U Fadhiya Ethoipia,Addis Ababa
41.Safiirka Somaliland u Fadhiya Kenya,Nairobi
42.Safiirka Somaliland u Fadhiya Bakistan,Islamabad
43.Safiirka Somaliland u Fadhiya Germany,Boon
44.Wakiilka Cusub Rasal Khayma Imaaraadka Carabta
H. Xubnaha loa Soo doortay Madaxweynuhu Kalsoonida buuxda ee wada
shaqayneed siiy ay.
45.Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda
46.Duqa Caasimada Hargeisa
47.Duqa Magaalada Ceerigaabo
48.Duqa Magaalada Burco
49.Duqa Oodweyne
50.Ku xigeenka Duqa Ceel Afweyn.
Dhammaan Xilalkaa iyo kuwa aan ka tegeyba waa kuwa mudane
Cabdiraxmaanoow Guud ahaan beesha aad ka soo jeedaa ay ku leedahay
Dawlada maanta ka jirta Somaliland ee Madaxweynaha ka yahay
Madaxweyne Axmed Siilaanyo halkaasayna ku cadahay inuu hagraday iyo
inuu u Sed Buriyay.
Allaa Mahadleh
Qallinkii Axmed Cabdiraxman Xirsi {Heello}
Freelance Journalism
|