"Hadii Madaxweynihii Ololihii Ka Qayb-galay, Waxa Meesha Ka Maqan Cududii Saddexaad Ee Inoo Gar-qaadi Lahayd"


 

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta Shir Jaraa'id ku qabtay Xarunta dhexe ee Xisbigaasi...........


Hargeysa (TNN) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay adag-tahay sida ay Dalka uga dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanu eedo kulul u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta Shir Jaraa'id ku qabtay Xarunta d hexe ee Xisbigaasi, ayaa sheegay Xeerka Sirdoonka Qaranka Qaranka ee ay Baarlamaanku an sixiyeen, kaas oo uu ku tilmaamay inuu meel-ka dhac ku yahay Xoriyatul-qawlka Somaliland.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Shirkani waxa uu ku saabsan yahay guud ahaanba ololaha doorashooyinka Somaliland halka ay marayaan iyo laba xeer oo ay dhawaan labadda gole ee Guurtida iyo wakiiladu dhawaan ansixiyeen, kuwaas oo kala ah ka sirdoonka iyo waliba ka saxa afadda. Hadii aan ku horeeyo ololaha doorashooyinka waxa aynu gelaynaa wareegii saddexa ad, waxaanad moodaa in uu dalka guud ahaantiiba olole uu ku jiro. Hadii aynu soo qaadano Golaha Wakiiladda xeer 14 ayaa u ogolaanaya oo waxa ay galeen olole, xildhibaanadii Wa kii ladu nin waliba waxa uu galay urur dabadeedna, waxa ay u ololeynayaan, Golaha guurtidu dhincba u ololeynayaan, Wasiiraddii, Agaasimeyaashii, Maareeyihii ayaa iyaguna ololaynaya, markaa waxa meesha ka maqan cududii saddexaad ee inoo gar-qaadi lahayd, mar hadii ay xukuumaddii oo ugu sareeyo Madaxweynihii ololihii ka qayb galay”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ku daray “Xeerarkan la sameeyay ee ka hadl aya Sirdoonka waxa aad moodaa in laga soo dheegay xeerkii Maxamed Siyaad Barre, waxa aa d moodaa in uu yahay mid lagu Cabudhinayo dadka reer Somaliland, la doonayo in wixii aynu ka soo noolaanay ee ahayd Xorriyatul qawlka ka soo horjeeda, ilaa waxa uu doonayaa in dad ka reer Somaliland siyaasi iyo cid kastaba la duubo, waxa uu fasaxayaa in hadii aad madax we ynaha wax ka sheegto lagu xidho karo"

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Waxa aad moodaa in xeer 14 oo aynu dhawaan sii daynayo oo loo bixiyay shirqool 14, maalintii aynu kaa sii daynay aya ynu dhacnay. Kaas iminka Warbaahinta ee la leeyahay hadii uu wax qoro xitaa qalabkiisii ayaa lala wareegayaa, waxa aanu ugu baaqaynaa ururada siyaasadda inta madaxa banaan aanu ka hadalno, dadweynaha iyo ururadda bulshaddana waxa aanu doonaynaa in aanu iska kaash ano oo aynaan xeerkaasi sii daynin waayo qaranimadii Somaliland ayaa meel khatar ah geli doonta”.

Shirkan Jaraa’id ee uu qabtay Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa ku wehelinayey Xogyaha guud ee Xisbiga UCID Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-kayse) iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, kuwaas oo dhaliilo kulul u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo.
 

 


Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland