Hablaha Somaliyeed Dhibaato intee leeg ayay kala kulmaan Dawada la isku cadeeyo?

 

Markasta oo jahligu bato waxaa ka dhasha Dhibaatooyin raadad xuxun ku reeba Qofka bani aadamka ah, ha ahaato Mustaqbalka Noloshiisa, Caafimaadkiisa iyo Dhaqaalihiisaba. qofkuna kama maarmo Aqoonta Diiniga ah iyo Maadigaba marka aad eegto Dunidu maanta halka ay marayso.

Waxaa jira waxyaabo badan oo ku cusub Dhaqanka Suuban ee Somalidu lahaan jirtay  ba rigii hore, iyada oo aad loo ilaalin jiray ceebna ay ku ahayd Qofka Somaliga ah inuu  dhaqa nkiisa badalo, Tusaale ahaan maanta hadii qof ka mid ah bulshada Somalida ee meel wada degta uu sameeyo wax ku cusub dhaqanka somalida ha xumaado ama ha wanaagsanaado waa lagaga dayanaa, waxaanad arkaysaa barri ka maalin hadii hebel surwaalka jilbaha ka rido in laga wada ridayo, hadii mid ka mid ah habalaha somaliyeed ay wax ismariso qaar badan kaga dayanayaan waxaasi ay isticmaashay iyada oo aan loo eegay dhib iyo dheef waxa uu ugaysan karo.

Hadii aan udaadago Dulucda mawduucayga waxaa igu kalifay maanta inaan qalinka uqaato si aan wax uga qoro Dhibaatada Dawada la isku cadeeyaa ku hayso hablaha somaliyeed oo aan udkaysan waayay inaan ka Aamuso, hadaba waxaa iswaydiin leh waa Maxay Dawada Ay dumarka somalidu isku Cadeeyaan?

Dawooyinka Dumarku isku Cadeeyaan waxaa ka mid ah Daawooyin loogu talo galay in lagu daaweeyo Elerjiga iyo Caabuqa naburada, qaar kalena ay ku yihiinba khatar jidhka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah Daawooyinkaasi.

 

Sheerli  Diyana

Roose  Moofeed

Farableen  Biliij

Riikoo  Top sheerli

Ritaana  Silfaana

Betnoofaad Riikoo dhiiqo

Suber Rose Riyo

Iyo Qaar kale oo farabadan oo lagu isticmaalo meelaha ay somalidu degto oo aanan kusoo koobi Karin magacyadooda halkan loona istimaalo qaybaha kala duwan ee Jidhka, Gaar ahaana Wajiga, Gacmaha, Lugaha, Qoorta, iyo Qaar la mariyo Jidhka oo dhan. Waxa intaasi dheer Bacaha lagu xidho Gacmaha, lugaha, iyo Qaar lagu seexdo habeenkii loo Gashato sida Dharka oo kale.

Badanaa Dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay Dhibaatooyin Laxaadle u gaystaan Caafimaadka Qofka ismariya waxaana ka dhalan kara Cudduro hor leh, tusaale ahaan:-

Waxa ay Dilaan unugyada Difaaca Maqaarka.
Waxa ay Raadad xunxun ku reebaan Maqaarka Qofka isticmaala.
Waxa uu unuglaadaa Qofka istimaalaa inuu ku dhaco Kansarka Maqaarka.
Waxaa dhibaato ugaystaa Aragtida indhaha ee Qofka isticmaala
Waxa aan hore ubogsan Naburada ku dhaca Jidhka qofka ismariya Dawooyinkani.
Waxaa ku sameeyaa Maqaarka Cuncun badan iyo Xasaasiyad.
Waxa uu ka soo saaraa Jidhka qofka ismariya Xaad farabadan iyo Diirka oo ka qubta qofkaasi.
Waxaa uu Cimri Degdeg ku keenaa Maqaarka.
Waxa uu Dibada usoo saaraa Xadidada Dhiiga qaada.
Waxa ay ku Abuuraan Maqaarka qofka ismariya, Canbaar, iyo finan farabadan.

Waxaa kale oo ay dhibaato Dhaqaale ku haysaa qofka istimaala oo hadh iyo habeen ay unoqotay balwad joogta ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi Karin, iyada oo taasi ay udheertahay Dumarka in ay biilkooda ka mid tahay dawada la isku cadaynayaa oo dhawrkii maalmoodba La dhexraacinayo.

Hadaba Maxaa Sababay In Dumarka Somaliyeed ugu Isticmaal Bataan Dawooyinka khatar ta ku Ah Jidhkooda?

Badanaa waxa ay tusaale gaaban iyo Jawaab ka Dhigtaan Dumarka Somaliyeed marka aad waydiiso, in Qofka madaw aan La tixgalin, Dhinaca guurka oo ay ka nasiib badantahay  inan ta Cad, oo ay somalida wakhtigani aaminsanyihiin Quruxda ugu mudani inay tahay  Cadaa nka.

Raga ayaa ku beerla xawsada Dumarka midabka madawleh badanaa iyaga oo ku  dheeldh eelaya Midabka dahabiga ah ee illaahay ku manaystay ama quudhsanaya Gabadha madaw, Doqon iyo Habeenbaa madaw ee is cadee?.

Taasi ay si qaldan ufasirtaan micnaha Maahmaada oo looga jeeday gabadh basari ah oo loogu maahmaahay iyada oo gurigeeda dabku ka bakhtiisanyahay oo uu madaw yahay, waxaanay hal hays unoqotay Hablaha is cadeeya oo faan ka dhigtay baryahan danbe “Doqon iyo Habeen baa madaw”.

Dumarku badanaa waa kii Nabi muxumada Xadiis laga soo wariyay uu lahaawaa Naaqisa atu Caqli wa diin”. way jiraan Dumar badan oo Dhaqanka iyo Diinteena Suuban ku dhaqma oo ka dheeraada wixii Dhibaato ukeeni kara Diintooda, dhaqankood, iyo Naftoobada.

Waxyaabaha ugu waawayn ee loo aanayn karo Dhibtaasi waxaa ka mid ah Aqoon la,aanta iyo Jahliga oo ku badan Dumarka Somaliyeed, hadday noqoto Xaga Diinta iyo Cilmiga kale ee Maadiga ah, Qofka bani aadamka ahna Aqoontu way toosisaa, wayna nuurisaa, Dariiqa Saxda ahna badanaa kama baydho.

Qodobka labaad ee loo aanayn karo waxaa weeyi Raga intiisa badan oo aan si uwada  tixg alin Dumarka Madaw iyo Dumarka cadaanka ah, iyada oo quruxdiiba baryahan danbe  noqo tay midabka cadaanka ah, oo aan loo eegay tusaalihii uu nabigeenu inaga siiyay  waxyaab aha Gabadha muslimada ah lagu dooranayo.


Talo soo jeedin:-

waxaan Talo iyo waano usoo jeedinayaa Hooyooyinka Somaliyeed meelkasta oo ay  jooga an, way ogyihiin Hablohoodu dhibta ay faraha kula jiraan, Aakhiro-na waa lagala  xisaabta mi Doonaa hadii ay ku gargaaraan Dhibkaasi ubadkooda. Runtii hooyo waliba way ka war haysaa Inanteeda iyo waxa ay isticmaalayso, markaa yaan la fudaydsan ayaan  odhonlah aa Dhibaatadaasi maalin walba ku faafaysa Dumarkeena.

Ta labaad waxaan usoo jeedin lahaa Dumarka Somaliyeed Aqoonta Diiniga ah oo qofku  ba rtaa Naftiisa ayay anfacaysaa, Dariiqa Saxda ahna way ku hanuuniyasaa, In lagu dhaqmo ayaa muhiim ah.

Ta seddexaad Xukuumada Masuuliyad wayn ayaa ka saran Daawooyinka Dhibaatada  bad an ukeenaya Dumarka Somaliyeed oo iyaga oo ka warhaya dekadaha laga soo dajinayo, Dukaamadana Camiranyihiin, Cid wax ka qabanaysaana aanay jirin.


Guntii iyo Gabagabadii waxaan hadal ku soo ururin lahaa Gurmad ayaa looga baahanyahay Cid kasta oo ay masuuliyadi ka saarantahay, Haday noqoto Waalidka, Xukuumada iyo  Aqo onyahankaba.

Dumarka Isticmaala Dawooyinkaasi aan kor ku soo xusayna midbaan odhon lahaa, Hibo  ee be ku siiyay habeen la iskama qaadee ha Saluugin Muuqaaga.


Illaahay dariiqa saxda ah ha ina waafajiyo.

 

 

 

Nimco Muxumed Ibraahin
Qaali@longlivesomaliland.com
Longlivesomaliland News Media
Hargeysa Somaliland