HABEENKII MUJAAHIDIINTII SNM
IYO FRANKFURT
 

      

Xaflad siweyn loosoo abaabuley ayaa Habeenkii xalay ahaa oo Taariikhdu ahayd 31/05 /09 lagu qabtay Magaalada Frankfurt am main ee Xudunta dhaqaalaha Yurub,Xafladaas oo laysaga yimi Gobolada Dalka Jarmalka iyo weliba meelo kamida wadamada jaarka la ah Germany ,Xafladaas oo qaybteeda weyn lagu xusayey laguna xasuusanayey sanadguur adii 21aad ee kasoo wereegtey maalintii ay Dalka soo galeen Mujaahidiintii xaq u dirirkii SNM,dabcan intoodii u shahiidey Dalka Somaliland iyo inta noolba, iyo maxsuulkii kasoo  ba xay ee maanta midheheeda laguranayo,inkastoo aanay iyana meesha kamadhnayn Xus labaad oo loo dhigayey Maalinta Qaranimada Somaliland.


Waxyar kadib Todabadii fiidnimo waxaa Xafladaas Aayado Qur'aan ah ku furay Axmed Xa aji Nuur,waxaa iyana halkaas hadalo kookooban kajeediyey Faysal C/Laahi Giire iyo  Axm ed Ducaale oo labaduba sikooban uga xog waramay ujeedada Xaflada oo ahayd tii  u hore ysey ee nooceeda ah ee lagu qabto Dalka Jarmalka khaasatan Magaalada Frankfurt am main.


Inkasta oo Xafladani ku kacday kharash aad u farabadan hadana waxaa la odhan karaa dhamaan kasoo qayb galayaashii Xafladu waxay ku gurya noqdeen iyagoo aad uga mabsu udsan qaabka loo maamulay iyo soo dhoweyntii diiranayd ee ay kala kulmeen isku  dubari dayaashii Xaflada,khaasatan Haweenka Ubadka yar-yar watey oo loo sii diyaariyey meelo ay Caruurtu seexdaan markay gataati dhacaan.


Xafladan oo inteeda badan isugu biyashubanaysey Miyuusig ay sidarandoori ah  uqaaday een Cabdi Nuur iyo cabdi Baadil iyo Cunto iyo cabitaan sihagar la'aan ah isu daba socotey ilaa waaga berigiisii,waxaan iyana meesha kamadhnayn Abaal marino lagu gudoonsiiyey qaar kamida kasoo qaybgalayaashii Xaflada oo uu kamid ahaa Mudane Xuseen Xasan Bad maax oo urur Dhalinyaro halkaa ku gudoonsiiyeen Shahaado sharaf uu ku mutaystay dad aalka dheeraadka ah ee uu ugalay sidii Ubadka soo koraya khaasatan kuwa kubar-baaray Dalkan amaba kudhashay aanay u dhaqan doorsoomin, Shahaada sharaftaas oo ay gudoonsiisey Marwo Dr. Zeinab M.Musse.


 

 

 

Hersi Osman
Frankfurt am main Germany