Guusha
ay Habalaha Jaamacada Burco waa Guul u soo hoyatay
Haween waynaha Reer Somaliland oo dhan:-
Sida aynu la wada socono Aqoontu waa Iftiinka Nolosha
waana kaabayaasha ugu Muhiimsan Nolosha ba
ni,aadamka, iyada oo aqoonta Bani aadamku heerar kala
duwan soo martay, Waxaa jiray Wakhtiyo Aqo onta la
bari jiray raga oo kaliya balse casrul jaahiligii ayay
ahayd wakhtigaasi oo aanay Dumarku u heli jirin Jaaniska
Wax barasho gaar ahaana Dumarka Somalida.
Waxaa jiray Wakhtiyo la moodi jiray hadii Qofku
yidhaahdo waxbaan baranayaa inuu ku gaaloobayo wa
xbarashada ama Diin kale la barayo, balse Horumarka
Aqoonta oo kor u kac badan sameeyay ayaa inoo saamaxay
in wax badani isbedalaan gaar ahaan dhaqankeenii hore ee
somaliga ahaa waa uu ka duwan aa dhaqanada kale
balse awooda waxaynu saari jirnay quraanka oo badanaa
lagu dari jiray malcaamad aha wiilalka oo kaliya,
Hablahana Guriga lagaga tagi jiray.
Iyada oo Diiniyan muhiim ah in wiilka iyo gabadha
waalidku u cadaalad sameeyo oo hadii jaanis
waxbara sho midkood la siiyo ka kalena xaq u leeyahay
inuu wax barto.
Hadii aan u daadago Dulucda mawduucayga ee ahaa Guulaha
ay ka soo hooyeen Habalaha Jaamacada Burco ee Gobolka
Tog-dheer Jaamacada Burco waxa ay Taariikhda Somaliland
ka gashay baal dahab ah waxayna ka mudanyihiin Qof kasta
oo jecel horumarka Somaliland in la hambalyeeyo.
Waxaa aad ii soo jiidatay Hablaha hormoodka Jaamacada
Burco ee Hogaanka Uqabtay, Kaalmo la taaban karo-na ka
soo hooyay Jaamacada Burco, Guusha waxaa dareemayay qof
kasta oo ka qayb galay Xafla dii Qalin jabinta
Jaamacada Burco.
Dad badan ayaa u haystay habluhu inaanay baran Karin
waxa ay Ragu bartaan Balse waxay Meesha ka saartay
Fikradaasi qaldan Hablihii ugu tirada badnaa ee ka
qalinjabiyay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Burco
iyaga oo waliba Kaalmaha hore ka galay jaamacadaasi.
Runtii Aniga Dumar ahaan Aad ayay ii soo jiidatay Markii
aan arkay Sida quruxda badan ee ay ubuuxiye en
kaalintoodii waliba hogaanka uqabteen Rag badan la
tartamayay, ha u badnaadaan Kuliyada Sharee cada
Islaamka iyo Kuliyada Ganacsiga.
Jaamacada Burco oo ka mid ah Jaamacadaha Cusub ee
Sanadihii ugu danbeeyay dalka laga hir galiyo Dufcadii
ugu horaysayna sanadka ka baxday ayaa waxay ka mid
noqotay jaamacad ku socota xawaare layaab badan iyada oo
ay gacanta ku hayan Gudida horumarinta Gobolka Togdheer
oo uu gudoomiye ka yahay Gudoomiyaha Jaamcada Burco
Pro.C/raxmaan Jaamac Ducaale oo ah Nin dalka wax badan
ku soo kordhiyay.
Dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa jaamacada oo loogu
labisay Dharka hidaha iyo Dhaqanka Somalida a yaa
ahayd mid ka duwan jaamacadaha kale iyada oo ragu
Xidhnaayeen labadii Go, ee cadcadaa iyo Goo nadii
Dumarkuna Subeeciyadii iyo Goonadii jaamacada.
Guntii iyo Gabogabadii Waxay mutaysteen in la
hanbalyeeyo Habalaha reer Togdheer, kudayasho ayay inaga
mudan yihiin, waana Guul u soo hoyatay Somaliland oo
dhan Gaar ahaana Dumarka.
Qalinkii
: Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Network (TNN)
Qaali540@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland |
|