Xaasidimadu waa wax qofka ku kacaya u hor-seeda aak hiro xumo iyo ifka oo uu magac xumo ka qaado

 

Waxaan uga jeedaa kalmadahasi aan soo qaatay in walaaka horumarka uu gaadho ama waxa uu kaaga firfircoon yahay inaad qirtid. taasi oo adiga kuu wanaagsan. Xisibiga  kul miye anigu kama tirsani, laakiin, marka runta iyo xaqiida laga halaayo, wey ka badiyeen labadii xisbi ee kale xaga siyaasada dibeda.

Maanta halka ay gaadheen Xisbiga kulmiye weli Dawladu Somaliland mey gaadhin, waa wax weli u dhiman. Waxaan u arkaa guusha uu soo hooyo xisbiga kulmiye inay tahay Guul Soomaaliland u soo hoyatay. Waana in dhamaanteen aan ku faanaa.

Waxaan aad kula yaabaa dadka qaar inkastoo aanan garan karin waxay ka tahay oo  yid haahda Siilaanyo iyo Maxamed Abdilaahi , waxay ku kaceen khayaamo qarran. waana wax laga xumaada dadaka noocaasi u dhaqmayaa.

Aniga shakhsi ahaan waxaan u arkaa inay guul weyn inoo soo hooyeen, ee aan u mahad celino. inkasta oo ay arrintu la shukr calal waajib.tahay hadana waxaan leeyahay haw loo baahnaa ayaad qabateen waanad mahadsantihiin.

 



Abdi Jaamac Xuseen

abdi-jamac@hotmail.com