Guul daahan Gabiley

 



Asalaamu Calaykum

Sida aynu la wada socono waxa dhawaan ka bilaabmaya wadanka Doorashooyinkii  madaxtooy ada Jamhuuriyada Somaliland, Hadaba waxay dadka siyaasada odorosaa sheegayaan in Gobolka Gabiley ay si wayn isugu dayayaan axsaabta qaranku sidii midba midka kale uuga jiidanlahaa  iya da oo looga bartay ree Gabiley la shuruutan la’aan cida rabta in loo codeeyo.

Waxyaabaha keenay in ay noqoto meelaha tartanku uugu adagyahay waxa ka mid ah iyada oo Gobolka Gabiley ku jiro Gobolada ugu bulshada badan Jamhuuriyada Somaliland, iyada oo ay ku yartahay baayacaadda tartamayaasha halka gobola badan oo Somaliland ka mid ah kharash aad u badan loo diyaariyo si taageerayaal loo helo, taas waxay tusaale u tahay in ree Gabiley ay  yihi in dad la odhan karo waa dad ladan oo baahida meela badan ka jirtaa aanay ka jirin sababtoo ah waa Beerlay Boholo ayaa u aasan, waxyaabaha kale ee tartanka Gabiley muhiimka ka dhigay wax a weeyi ree Gabiley maaha dad ay macno badan u samayso siyaasadu waxana taas markhaati u ah heerka matalaada ay kaga jiraan axsaabta qaranka iyaga oo lagu tiriyo tiro iyo dhaqaale  aha anba dadka ugu roon, hadana safashada ciyaarta siyaasadeed waa lagaga horeeyaa.

Hadadaba Suaashu waxay tahay ma rumoobi doontaa dareen laga qabo in bulshada ree Gabilay ay abuurayaan isu xidhnaashihii hore loogu sheegi jiray, Tani hadii ay dhabawdo waxay  noqon  k artaa mid runtii guul wayn u ah dhamaan umada ree Gabiley iyo xisbiga fuliya baahiyaha ugu muh iimsan ee ree Gabiley rabaan in ay ku gorgortamaan, taas macnaheedu waxa weeyi fursad ayey siinaysaa Xisbiga iyo bulshada labadaba si danaha xisbigu leeyahayna ufushado oo codka  baaxa daa leh uu u helo ta bulshadu dareemaysaana u fusho.

Isusoo wada duuboo waxan wali cadayn oo guul daahan foojignaanta ay la iman karaan reer Gab iley, taasoo u baahan dabool ka qaadista guulaha ay gaadhikaraan ee ka daahan.

Waxyaabahaas oo dhan waxay ku xidhanyihiin sida ay u toosaan ama dareenka iyo isu duubnida ay yeeshaan bulsha waynta ree Gabiley.

 

 

 

 

Ahmed Mohamed Hussein (Dool)
ahmeddool@gmail.com
Hargeisa