Gudigii soo qaban qaabisay xafladii madaxweynahu waa
in ay umada xaal siiyaan

 




 

Madaxwaynihii Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sharaftii laga riday Marti Sharaf, iyo Dadwaynihii reer Somaliland oo niyad jab ku dhacday.

Waxaa habeenkii sabtida27/11/10, ka dhacday magaalada Bariga London ee cariga Ingriiska, xaflad lagu soo dhowaynanyey oo loogu dabaaldegeyey madaxwaynaha cusub ee Somaliland, Mudane, Axmed  Maxa med M. (Siilaanyo.) Hadaba waxay xafladaasi bilaabantay abaaro 5 galabnimo, dhamatayna ilaa abaara 9 habeenimo.

Xafladaas oo aad iyo aad dadka reer Somaliland eek u dhaqan wadanka Ingland dhamaantiis ay sugayeen, waxaa loo xilsaaray abaabulkeeda gudi soo qabanqaabisa oo maamusha maamulka xafladaas sidii ay u dhici lahayd, hase yeeshee, xafladaas waxay noqotay mid aad iyo aad maamulkeeda, habsami u socodkeeda iyo hagideeduba ay lamid ahayd ruwaayadihii, arosyada, amaba xafladihii loogu dabaaldegi jiray xisbiyada, ee
ka dhici jiray London, kana fogayd meel madaxweyne la fadhiisiyo amaba lagusoo casuumo.

Sidoo kale, Boqolaal qof oo ah dadwaynihii reer Somaliland oo isagu jiray dumar caruur iyo waaayeelba, ku waaas oo kasoo ambabaxay dhamaan daafaha wadanka England,iyo kuwo ka yimi Europe, ayaa albaabkii laga xidhay, loona diiday inay soo galaan,waxayna taagnaayeen saacado farabadan dhaxantii ka dhacays ay debeda oo aad u qaboobayd, kadib, markii lagu wargeliyey inay ka buuxsantay madashuh hallka oo aan
loo ogalayn inay cid danbe geli doonto, taas oo albaabkana loo dhiibay rag mad madow (Jamaican  Bouncer s) oo dadka sixun ula dhaqmayey, taas oo aanay waxba kalasocon gudidii maamulaysay xaflada.

Waxaanay sababtay taasi, in Ilaahay Janadii hakawaraabiyee, uu ku geeriyooday meesha horteeda  marxu um loo diiday inuu galo xaflada,kadib markii uu dhaxanta debeda taagnaa waxbadan, madaxana kaga  furm ay dhiig,ilaahay janadaii haka waraabio.. aamiin.Hadaba, waxyaabihii ugu waa waynaa ee meesha ka  dhaca y ee aan xaga sare kusoo xusay,markaad ka timaadid, waxyaabihii kale ee gudaha kajiray oo ay ka mid  aha ayen:


Gudidii maamulaysay oo is dhex yaacaysay, wax maamulka ama hogaaminayaana uunan jirin. (Lack of lea dership, guidance and Confused.)


Waxaanan jirin wax maamul ah oo dadwaynaha lagu maamulo,(Crowd Control),iyadoo aad arkaysay, Fad hisinkii madaxwayanaha, wasiirada iyo marti sharaftii kale oo aad u buuxdhaafay, dadkii oo saf ugu jira inay ku dhowaadan amaba doonayaan inay salaamaan madaxwaynaha , dadka badan oo fadhiya dhulka,iyo  iyad oo la buuxdhaafieyey halka laga hadlayo, (Lecturn),


Dadwaynihii oo qaarkood iskaga baxeen gaar ahaan, dadkii waawaynaa, iyo caruurtoodii, kadib markay arkeen inaynan meeshu dhaamin Ruwaayad ama Aroos, oo heeso iyo qaylo ka socoto.


Hoboladii heesayey oo dhibaato ka dhextaagnayd, iyadoo ay aad ufarabadnaayeen ayna wada  doonaye en inay heesaan, wax maamul ahna uunan jirin.

Hadaba su'aalaha u baahan in lays waydiiyo mudan waxay tahay:

1. Sidee ayay u dhici kartaa in madaxwaynaha sharaftiisii madaxwaynenimo sidaas loogu tunto?


2. Sidee bay u dhacday in aany jirin wax sharci ah (Protocol) oo lagu maamulo xaflada?


3. Miyaanay jirin qorshayaal logu talagalay in lagu hogaamiyo dadwaynahaimanaya, (Programme, Process, and Procedure.)

4. Ma waxaa lawaayay hall ka wayn ka lagu qabtay xaflada, iyadoo la og yahay inay kumanaan qof oo reer Somaliland ah xafladaas imanayaan?

5. Gudida loo xilsaaray, soo dhowaynta madaxwaynaha, side loo xulay?

Ma garansiiyo ayaa lagu xulay?

Ma aqoon baa lagu xulay?

Ma magac baa lagu xulay?

6. Miyaa laga waayay wax aqoon iyo karti u leh (Event Management) sidii loo abaabuli lahaa soo Xafladan taariiqiga ah, ee aanan markale inasoo marayn?

7. London ugu yaraan waxaa ku yaala in kabadan 5 kun oo masrax oo lagu qabto xafladaha nooc kasta, gud idu ma waxay kari waayeen inay soo baadhaan (Research) masrax kawayn oo qaada dhamaan dadwaynihii reer Somaliland ee dib loo celiyey, kuwa dhulka fadhiyeey, iyo kuwa dhaxantu debeda ku dishay?

8. Maxaa loo kala saari waayay xaflada inay tahay mid waqti lala qaadanayo madaxwayanaha, (question and answers session) iyo inay tahay mid music iyo dabaal deg (Celebration)? Waayo iskuma galaan dabaal deg heeso iyo waraysi iyo wax iswaydaarsi madaxwayne lala qaadanyo!

Hadaba, Gudididii qabaan qaabisay xafladaii soo dhowayn madaxwaynaha, waxaan ku booriyaya inay raali gelin siiyaan, madaxwaynaha, shacbiga reer Somaliland iyo marti sharaftii kasoo qaybgashay. Waayo  wax ay meel wayn kaga dhaceen, sharaftii madaxwaynaha, tii marti sharafta, iyo shacbigii reer Somaliland ee la soo lu gooyey,kuwii dhaxantu ku qabsatay debeda, iyo kuwii iskaga baxay meesha ee ay lama filaanka ku n oqotay.

Hase yeeshee qaladka ugu wayn ee gudida maamulaysay samaysay waxay tahay,sharciga (Protocol) mada xwayne nimada oo aan la dhowrin, iyagoo keliya kuma eedaynayo taas, ee waxaan raacinayaa la  taliyayaa sha madaxwayanaha, oo aan kawarhayn madaxwaynaha waajibkiisa halkuu ka gudan lahaa, meesha ku hab oon inuu ka qaybgalo, iyo siduu ugudan lahaa, (sense of duty.)


Ugu danbayn, waxaan ku guubaabin lahaa cid kasta oo daneeya danta wadankeena, in laga digtoonaado, w ax u dhimida sumcada Somaliland, madaxwayneheeda, dadkeeda,dhaqankeeda iyo diinteenaba, layskuna d ayo sidii laysaga kaashaan lahaa wixii wanaaga iyo wax qabadka wadankeena.

Wasalam allaykum warahmatullahi wabarakatu.

Regards.

 

 

 

 

Farah Ahmed
London. UK.
habush69@hotmail.com