Waraysi Ay Hadhwanaagnews La Yeelatay Guddoo miye Ku-xigeenka Golaha Deegaanka Gabilay
Marwo Khadra Xaaji Gaydh



Khadra Xaaji Gaydh

 

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Deegaanka ee Degmada Gabilay Xildhibaan Khadra Xaaji Gaydh, ayaa sheegtay in tan iyo markii Gabilay Gobolnimada la siiyay aanay jirin wax muuqda oo iska bedalay dhinac kasta oo laga eego, isla markaana waxay Khadri daboolka ka qaaday in ay jirto wada shaqayn la’aan dhinaca maamulka Golaha Deegaanka ah, tan iyo intii ka dambaysay wakhtigii la bedalay Guddoomiyihii hore ee Golahaas Mr. Xuseen Jameeco.


Guddoomiye Khadra Xaaji Gaydh oo wakhtigan joogta Magaaladda Gabilay, waxa ay sidaa ku sheegtay Waraysi khaas ah oo uu khadka Taleefanka kula yeeshay Wariye C/fataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wariyayaasha Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews..com ee Magaaladda Hargeysa.


Waraysigan oo ah mid xiiso badan waxa ay Khadri kaga warantay, is bedalka ku yimi Golaha Deegaanka Gabilay wixii ka dambeeyay markii maamuus ka xayuubin lagu sameeyay Guddoomiyihii Golaha Deegaanka Xuseen Jameeco dabayaaqadii sannadkii aynu ka soo gudubnay, faraqa u dhexeeya Gabilay markii ay Degmada ahayd iyo imika oo ay Gobol tahay, Safaro ay dhawaan ku tagtay wadamo Afrikaan ah, himiladeeda sidaasadeed ee mustaqbalka iyo arrimo kale oo door ah.


Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Deegaanka Gabilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh Su’aalihii Waraysigan lagu waydiiyay iyo Jawaabihii ay ka bixisayba, waxa ay u dhaceen sidan:-



S>: Guddoomiye Khadra, bal waxaad nooga warantaa faraqa u dhexeeya Gabilay markii ay Degmada ahayd iyo imika oo ay Gobol tahay?



J>: “Walaahi is bedal muuqda oo aanu kuu sheego ama ku kordhay Gabilay intii Gobolka loo magacaabay ma jiro. Gabilay markii ay Degmada ahayd sidii ay ahayd ayuunbay weli tahay ee waxaan magacaabis ahayn oo Gobolnimadu Gabilay u kordhisay ma jiraan, waayo Miisaaniyad gaar ah, Dakhli kale oo ay ku shaqayso oo loo kordhiyay weli ma jiro, sidaa daraadeed, weli wixii aanu Gobolnimada ka filaynay ma hayno.”


S>: Guddoomiye, Gabilay markii ay Degmada ahayd ee ay Gobolka Hargeysa hoos iman jirtay, waxa ahayd Degmada ugu Dakhliga badan Degmooyinka dalka, miyaanay imika maadaama ay Gobol noqotay u madax-banaan maamul ahaan Dakhligeeda?


J>: “Ma jiro dakhli faraha loogala baxay Gabilay, ee sidii ay Degmo nimadeedii ahayd ayay weli tahay, Dakhli u kordhayna ma muuqdo.”


S>: Laakiin, muddo ayay imika Gabilay magaca Gobolnimada huwanayd, lamana odhan karo wakhtiga intaa le’eg wax u kordhay ma jiro, markaa dhinaca horumarka arrimaha bulshada, Ganacsiga iyo bilicda Magaaladda maxaad nooga sheegi kartaa?


J>: Dhinacyadaa laftooda waxba kuma kordhin, sababta oo ah waxaan ku odhan karaa haddii imika aad Gebilay timaado waxa kuu muuqanaya wado cusub oo Laamay ah, taasina ka hor intaan Gobolnimada Gabilay lagu dhawaaqin ayay qorshaysnayd in la sameeyo, sidoo kale Jaamacadda oo muddo qorshaysnayd ayaa la dhagax-dhigay. Markaa wax ku cusubi ma jiro.”


S>: Guddoomiye, marka aad leedahay, wax u kordhay ma jiro Gabilay tan iyo markii Gobolnimada loogu dhawaaqay, Addiguna aad Maamulkii Magaalo-madaxda Gabilay tahay, yaad ku dhaliilaysaa, xageese ay wax ka socon layihiin?


J>: Waa runtaa oo ka mid ayaan ahay Maamulka Degmada, hase ahaatee, waxa ay wax ka socon la’yihiin wada-shaqayn la’aan dhinaca maamulka ah, gaar ahaan Annagu Gole Deegaan ahaan ma jirto wax wada shaqayn ah oo naga dhaxaysa, tan iyo intii ka dambaysay markii la riday Guddoomiyihii hore Xuseen Jameeco, oo runtii aan odhan karo qorshayaasha imika dawladda hoose ku hawl-gasho kuwii uu kaga tagay wax ka dambeeyay oo aanu samaynay ma jiro. Markaa haddii aad I waydiisay halka ay wax ka socon la’yihiin, waa maamulkii oo aan shaqaynin, Xukuumaddii dhexe oo aan daacad ka ahayn in ay Gabilay wax noqoto, waayo haddii daacad laga yahay waxa loo dayn lahaa hadba maamulka wax qabanaya, laakiin kolba kii loo arko in uu wax qabanayo ayaa kar-kaarka la waydaarinayaa.”


S>: Guddoomiyihii hore ee Golihiinu bedalay miyaan musuq-maasuq, lunsi hantiyeed iyo arrimo noocaas ah lagu eedaynin, midda kale maxaad wakhtigaa u difaaci wayday intaan imika difaacayso?


J>: Horeba waan u sheegay taas, mana jirin wax uu musuqay, ee lacag kharash ah oo ku baxday Xaflado Xisbiga Talada haya ee UDUB leeyahay, lacag Masuuliyiin dawladda ah si kale u isticmaaleen ayuun baa laga dhigayay wax uu musuqay, ee markii uu suuragalin waayay dantii laga lahaa ee la arkay inuu danta guud ka shaqaynayo, ayaa laga ololeeyay, Golayaasha Deegaankuna waxba iskama bedalaan ee dhinaca Xukuumadda dhexe amar ka yimi ayaa lagu riday.


S>: Khadra dhawaan waxaad Safar ku tagtay dalal ay Sansaaniya ka mid tahay, maxay ahayd ujeedada safarkaagu?


J>: Ujeedada Safarkaygu waxa ay ku saabsanayd tayada shaqada dawladaha hoose, bilicda, sida Magaalooyinka waa weyn qashinka loogala tacaalo, markaa Siminaar ayaan muddo u joogay Magaaladda Daarasalam iyo meelo kale oo Sansaaiya ka mid ah, markaa arrimo dhinaca dawladaha hoose u gaar ah ayuun baan u tagay.


S>: Maamulkii Madaxweyne Rayaale Gobolka u soo magacaabay ee Badhisaabka iyo ku-xigeenkiisa, Gole Deegaan ahaan wada-shaqayn intee le’eg ayaa idinka dhaxaysa?


J>: Wallaahi wada shaqayn sidaasi nagama dhaxayso, Badhasaabka Gobolka loo soo magacaabayna kamaba shaqeeyo, ee kaliya waxa aad moodaa in uu Degmada ka shaqeeyo, oo uu shaqadii Golaha Deegaanka ee Degmada hayo, umana muuqdo nin ku hawlan shaqadii Badhasaabnimada.


S>: Khadra, waxaad tahay Gabadha kaliya ee Golayaasha Deegaanka Somaliland ee la soo doortay ka tirsan, dabcan maadaama aad kaligaa ka dhex muuqato Golayaasha Deegaanka, kalsooni badan oo siyaasadeed ayuu qofkastaa kaa filan karaa, markaa bal nooga waran kalsoonida aad ku qabto inaad mar kale isu sharaxdid dawladaha Hoose iyo himiladaada siyaasadeed ee mustaqbalka?


J>: Horta walaal su’aal fiican ayaad I waydiisay, laakiin salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa, waxaan taagnayna imikana in laga hadlaa ma qurux-badna Anniga aragtidayda. Markaa haddii aan soo ururiyo waxaan ku odhan karaa imika wax sharaxaad ah oo aan himiladayda siyaasadeed ka bixinayaa ma jirto, in badan oo horena taas waan ka sheegay warbaahinta, waayo siyaasadu wax meel fadhiya ma aha ee way is bedal badan tahay, markaa marxalad lama dhaafaan ahi marka ay timaado ayaan taas ka hadli doonaa.


S>: Guddiga horumarinta ee intii Gobolka la magacaabay iyaga dhaq-dhaqaaqooda ka waran?


J>: Guddigaasi wax ay soo kordhisay oo sidaasi ma jiraan, laakiin inta itaalkooda ah way dhaq-dhaqaaqaan, laakiin, qorshe cusub iyo dhaqaale ay wax ku qabtaan hadaanay haynin wax ay qaban karaan ayaa iska yar-ba.


S>: Guddoomiye waxaad sheegtay in dhaliilo badani ka jiraan Gabilay, gaar ahaan dhinaca wada-shaqaynta Maamulka, Dabcan Gole Deegaan ahaan wakhtigii laydin doortay wuu dhamaaday goor hore, si ku meel gaadh ah ayaad xilka u sii haysaan, maadaama khaatumadi sidan idiinka xumaatay oo wax qabadkii laydinka filayay khilaaf ku geba-gabeyseen, maxaad dadka kula soo noqonaysaan, maxaa taariikhda idiin galaya, maxaadse xalka u aragtaa Addigu shaqsi ahaan?


J>: Dhawr su’aalood ayaad isu kay raacisay, waa mide, waxaanu dadka kula soo noqonaa Golahayagani nooma yaale ee waa inaanu ciddii wax qaban karta ee nabadalaysa u banaynaa, taariikhdana waxa noo galayaa way iska cadahay. Waxaanan xalka u arkaa in laga fikiro sidii wax loogu qaban dalkan iyo dadkan, oo maskaxo fayaw oo aan cid gaar ah u adeegaynin loo soo xulo, Xukuumadda dhexena ay la shaqayso maamulka ummadda u adeegaya.


 

 



Source:Hadhwanaagnews