Gudoomiyaha Degmada
Tog-wajaale oo Faahfaahin ka Bixiyay waxyaabaha u Qabsoomay intii uu
Xilka hayay:-
Togwajaale (TNN)-Gudoomiyaha Degmada
Tog-Wajaale Mudane Cabdi Muuse Xuseen (Qaw
rax) oo s i faafaahsan uga waramay Xaalada Degmada Ganacsiga
ee Tog-wajaale iyo Guud ahaan w axyaabihii Uqabsoomay Mudadii
koobnay ee uu xilka ka hayay Degmada Tog-Waj aale.
Degmada Wajaale oo ah Degmo ku taal Xuduuda Somaliland iyo Ethopia
waa degmo balaad han, waa Xarunta Ganacsiga Somaliland, waa
degmo aad u dad badan oo kulmisa dadway ne kala duwan,
Gudoomiyaha Degmadaasi oo ay Waraysi la yeelatay
Wariye Nimco Muxu med Ibraahin,oo
ka tirsan hawl wadeenada Shabakada Wararka ee
Timacade News Netw ork TNN, ayaa waxay ugu horayn wax ka
waydiisay Xaalada Wakhtigan Degmada Wajaale ku sugantahay, waxaanu
si faahfaasan uga warbixiyay xaalada Degamada wajaale isaga oo
Sheegay in wakhtigna xaaladu aad u wanaagsantahay, guud ahaan
ganacsiga wajaale iyo Nadab galyada degmada xuduuda ah ee Togwajaale
iyana aad u wanaagsan tahay, waxa kale oo uu Xusay
mudada yar ee uu xilka hayay iyo waxyaabaha la taaban karo ee u
qabs oomay oo ay ka mid tahay dhamaystirka Xafiisyada Dawlada hoose
ee Degmada Waj aale, Kawaanka oo wax badan la qabtay, Dhismaha
laanta socdaalka degmada togwajaale oo iyna wax badan ayaa laga
qabtay , Baankii degmada ayaa isagana Dhawaan la dhagax
dhi gay, laguna tala jiraa in labilaabo sida ugu dhakhsiyaha badan.
Gudoomiyuhu waxa kale oo uu ka waramay Wadashaqayta Hayadaha Dawliga
ah ee ka Sh aqeeya Degmada Wajaale iyo kuwa aan Dawliga ahayn
ee Wada shaqayntu ka dhaxayso inay meel wanaagsan u marayso
xidhiidhkoodu yahay mid aad u heer sareeya.
Gudoomiyaha degmada wajaale mar uu ka waramayay Baahiya ka jira
Degmada wakhti xa adirka waxa uu xusay inay degmada baahi
badan ka muuqato isaga oo ka dhawaajiyay in dhawaan la soo talaali
doono ceelka biyaha ee Botor oo la soo gaadhsiin doono Degmada
wajaale, waxaanu gudoomiyuhu xusay inay arintaasi gacanta ku hayso
Wasaarada macda nta iyo biyaha Somaliland. Waxaa kale oo iyana
Baahi wayn loo qabaa ayuu yidhi Cisbitaa kii Degmadu yeelan
lahayd oo iyana ka mid ah Baahiyaha Ugu waawayn ee ka jira Degmada
Wajale, Maadaama Caafimaadku ka mid yahay Adeegyada Aasaasiga ah ee
Bulshada.
Mudane Qawrax Muuse mar uu ka waramayay Xidhiidhka ka dhexeeyay
Ganacsatada Deg mada iyo Maamulkiisa waxaa uu Xusay inay
Guddida Ganacsatada iyo Gudida Deegaankuba sifiican ula shaqeeyaan,
aadna ay usoo dhaweeyeen ka dib markii mar labaad dib loogu soo
Magacaabay Xilka Gudoomiye-nimo ee degamada Wajaale. Waxa kale oo
sheegay inay Jira an Balan qaad ay Ganacsatadu sameeyeen inay
wax kala qabtaan Jidadka dhex mara Bad htamaha Magaalada oo
runtii godad badan leh maadaama Wajaale carradeedu tahay Dho
obaley.Gudoomiyuhu waxaa uu aad ugu dheeraaday in Dhibaato badani ka
soo gaadho wa khtiyada roobka Gaadiidka Ganacsiga ee xidhan
Degmada Wajaale iyo dadka laftooda mar arka qaar.
Gudoomiyaha Wajaale mar la waydiiyay Su,aal ahayd Maadaama Maamulka
Wajaale ka mid yahay Maamulada ugu Bedelka badan Degmooyinka
Somaliland Murankoodu soo noqnoqd ay Isaguna (Qawrax) Mar
labaad loo soo magacaabay waxyaabaha uu ka qaban karo arim
ahaasi.
Qawrax muuse waxa uu Arintaasi kaga jawaabay “ Runtii waa wax jira
arimaahsi oo dhami anagu wakhtigii hore ee aan degmada ka tagay
waxaa iga danbeeyay laba Maayir oo mu dada ay joogeen lagu
qiyaasi karo Hal sanno. Sababtuna kolay qofku isagu isma badalo ee
shaqadu uu hayo ayaa hogaaminaysa, waxaanay ku xidhantahay qof iyo
kartida uu la yim aado, Waxyaabaha aan anigu isleeyahay way
keenayaan waxaa ka mid ah maamulka la soo magacaabo iyo Dadka
deegaanka oo wada jaan qaadi kari waaya, Dhinaca siyaasada iyo Wada
shaqaynta dawlada ka dhaxaysaana way keeni kartaa, Qadarkuna waa
halkiisa qof kasta wakhtigii illaahay u qoray ayuu ka tagaa, Laakiin
anigu inta aan joogo waxaan ku rajo waynahay inaan wax u qabo
dadkayga”
Gudoomiye Qawrax mar uu ka waramayay Adeegyada Aasaasiga ee Bulshada
iyo Waxyaa baha Dib u dhigay in wax laga qabto waxaa uu
sheegay Mudada ay Degmada ahayd oo aan sidaa u sii fogayn iyo
Maamulka Cusub ee iskaga Danbeeyay oo wakhtiga ay joogeen iska
koobnayd iyo Maamulka laftiisa oo aan Aqoon badan u lahayn deegaanka.
Gudoomiyuhu waxa uu Ugu baaqay Jaaliyadaha Somaliland Gaar ahaan
kuwa ka soo jeeda Degmada Togwajaale inay wax kala qabtaan Baahiyaha
Degmada wixii ka baxsan awood aooda gaar ahaan Cusbitaalka oo
ka mid ah Adeegyada aasaasiga ah ee Nolosha Bani aad amka
Degmada wajaalena Baahi wayn u qabto, Waxaanu Balan Qaaday inay
iyaguna intii Dadaalkooda ah insha allaahu ay rajaynayaana in
arintaasi cusbitaalka laga hawl gali doo no.
Ugu danbayntii Gudoomiyaha Degmada wajaale waxaa udhaliil u soo
jeediyay Saxaafada Madaxa banaan oo uu ugu baaqay inay Xog badan ka
haystaan Waxa ay wax ka qorayaan, iyaga oo ku toosinaya Maamulka
wixii dhaliil ay u hayaana u soo bandhigaya dhaliilaha ay u hayaan.
Weriye Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Network (TNN)
Tog-Wajaale , Somaliland
|