Warsaxaafadeed

Soo Dhawayntii
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Jan8/10
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo
marwadiisa marwo Amina Sheekh Maxamed Jirdeh ayaa maanta oo Jimce ah
saacado markay aha yd 09:45 subaxnimo ee saacada bariga
Maraykan ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Washington-Dulles
Airport. Waxaa gudomiyaha iyo marwadisa halkaa ku qaabilay si heer
sare ahna ugu soo dhaweeyay xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga
Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, xubno ka tirsan gudida fulinta
xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan, jaaliyadaha reer Somaliland
ee gobolka Washington-Virginia iyo jaaliyada la dariska ah ee
gobalka Maryland.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Siilaanyo iyo marwadiisa oo
safar aad u dheer oo dhowr iyo toban saacadood qaatay diyaarad si
toos ah ugu soo jiray ayaa hadana wajigooda ay ka muuqatay xamaasad
iyo farxad aad u badane. Gudoomiyaha xisbiga kulmiye md Axmed
Maxamed Maxamud Siilanyo wuxuu mahad naq farabadan u soo jeediyay
dadweynihii ka tirsanaa jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan
Wash ington-Virginia iyo gobalada la dariska ah ee sida wanaagsan
ugu soo dhawayeen mad aarka Washington -Dulles Airport.
Dadweyne aad u triro badan oo ka tirsan jaaliyadaha reer Somliland
ee agagaarka Wa shington-Virginia ayaa si xamaasad leh baabuur
ugu sii galbiyay gudoomiyaha iyo mar wadiisa illa iyo intii
laga gaadhayay Hoteelkii loogu tala galay inay gudoomiyaha iyo
ma rwadiisu ku degaan.
Wararka gudoomiyaha waxaa kala socon doontaan shabakada xisbiga ee
www.kulmiye.org wixii faafaahina ee ku saabsan safarka gudoomiyahana
kala soo xidhiidh webmaster@kulmiye.org
Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye Ee waqooyiga Maraykan
|