Geeska AFrika Oo Waraysi
Khaas Ah La Yeeshay Xasan Ciise Jaamac
Guddoomiyaha ururka SNM Md. Xasan
Ciise Jaamac, ayaa ka digay halista ka dhex dhallan karta Xukuumadda
Somaliland oo uu sheegay inay ka go'antahay inay ku sii faro adaygto
kursiga madaxtinimada Somaliland
iyo mucaaradka oo iyagana uu sheegay inay taaganyihiin in doorkani
yahay kalkoodii madaxtinimada Somaliland.
Md. Xasan Ciise, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee
Somaliland, waxa kale oo uu si adag uga hadlay xaaladda dhaqaale ee
dalka, gaar ahaan shidaalka oo qiimihiisu dunida hoos uga dhacay,
balse ay shirkadda TOTAL Somaliland kaga iibiso qiimihii uu taagnaa
xilligii uu dunida ka qaali garoobay. Waxaanu arrimahaas iyo kuwo
kale oo xiiso badan kaga hadlay waraysi khaas ah oo uu Wargeyska
Geeska Afrika shalay kula yeeshay magaalada Hargeysa. Waxaanu
waraysigaasi u dhacay sidan:
Ugu horayn, sidee ayaad u aragtaa xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo
amni ee Somaliland xilligan marayso?
"Xaaladda Somaliland ee maantu waa mid aad iyo aad u xiiso badan,
marka dhinacyo badan laga eego. Shiinaha ayaa waxyaabaha ay isku
habaaraan waxa ka mid ah Illaahay noloshaada mid xiiso badan ka yeel,
xagoodana waxay uga jeedaan habaar. Waxay uga jeedaan Alle
noloshaada ka dhig mid qulubaa gedi ah oo aad dhinac kasta iska
eegayso, markaas inkastoo ay Somailland meelo badan ka fiicantahay,
haddana cago adag oo faro badan kuma taagnin, ammaankaasi mid xidido
adag ku taagan maaha. Doorashooyinkii ayaa foodda inagu soo haya.
Shaygan la yidhaahdo Dimuqraadiyadda ee ah nooca uu reer galbeedku
imika diin uga dhigayo ee uu doonayo inuu adduunka oo dhan qasab
kaga dhigo, madaxda iyo maamulka dawladeenuna waxay leeyihiin
Dimuqraadiyadii ayaynu hirgelinaynaa oo ictiraaf iyo wax kasta
ayaynu ku helaynaa, arrintaasi aad loogama fiirsan oo wadamo badan
oo soo korayaa way la daalaa dhacayaan Dimuqraadiyadii oo iyadoon
aad looga fiirsan ayaa la doonayaa in dhar uu reer galbeedku toshay
sidiisii loo gashado. Waynu ka war haynaa doorashooyinkii Kenya ka
dhacay iyo waxyaabihii ka dhacay, meel kasta oo adduunka saddexaad
doorasho iyo dimuqraadiyad la isku dayo sidii la rabay u shaqayn
mayso, waa in la isweydiiyaa sababta, inaguna kama duwanin, sababaha
aynaan uga duwanayn waxa ka mid ah imika maamulka Somailland maanta
ka taliya way ka muuqataa inuu go'aankiisu yahay inuu kursiga ku
faro adaygo oo aan laga furfurin n wax ka xoog roon oo ka dhaqaajiya
mooyee way ka muuqataa inay doonayaan inaanay kursigaas ka kicin,
taasina waxay ku kelifaysaa inay ku shubtaan waana qasab oo waa
caddaan waanay ku shubanayaan. Su'aasha la isweydiinayaa maaha ma ku
shubanayaan mise kuma shubanayaan ee waxa la isweydiinayaa ilaa
heerkee ayay ku shubanayaan oo ay duruufu u saamaxaysaa, tii horena
way ku shubteen, oo shaki kuma jiro, waa caddaan, xiitaa mucaaradka
ayaa taas hore meelo badan ku shubtay, waa doorashadii u horaysay ee
aan maqlo mucaarad ku shubta, mucaarad lagaga shubto mooyee,
mucaarad isagii ku shubanaya weligeed dunida laguma arag, sababta ay
taasi ugu suurtoobaysaa waxa weeyaan doorashooyinka Somaliland waa
qabyaalad qarsoon oo nin kasta reerkiisa ayaa u codaynaya, taas ayaa
xisbiyo lagu tilmaamayaa, maynu magacyada xisbiyada qabiiladii u
bixino, taas ayaynu Dimuqraadiyad ku tilmaamaynaa, bal beenta intaas
leeg ee aan sheegayno eega.
Dhinaca ammaanka marka aynu ka eegno, marka ay maamulkii meesha
joogay ka go'antahay inuu kursigii ku soo noqdo oo uu ku shubto,
mucaaradkiina uu taaganyahay ilowba ilow waa inaan doorkan helaa,
Somaliland-na ay taasi ka muuqato, maxaad ka filaysaa markaas,
khatar weyn ayaa jirta oo la filan karaa, Alle haynooga sahlee.
Sidaas daraadeed xaaladda Somaliland waxyaabaha ay xiisaha ku
leedahay waa taas.
Arrinta kale ee khatarta ahi waxa weeye musuqmaasuqa iyo cadaalad
darada oo wada socda. Musuqmaasuqu wuxuu dhalayaa cadaalad darada
nooca ugu xun, oo wuxuu kaa galayaa cashuurihii, garsoorkii iyo meel
kasta, cidda wax helaysaana waxay noqonaysaa cidda dawladda ku dhex
jirta amaba u dhow, intii kale waxay noqonaysaa daadku ha qaado,
cadaalad darro aan arxan lahayn ayaana ka dhalanaysa, cadaalad
daraduna waxay keeni kartaa ammaan daro mar ay keentaba, waayo awr
dhinac ka rarani wuu dheeliyayaa."
Markaas Xasanoow, maadaama oo aad ka digayo doorashooyinkii, ma
waxaad soo jeedin lahayd aynu tallo kale keeno?
Anigu mabaan qarsan oo waagii Marxuum Cigaal ayaan odhan jiray
wakhtigii aynu umadda kubad ku dhex ciyaari lahayn ma joogno, waxa
ka horeeya waxyaabo badan oo loo baahanyahay inay dhismaan, waa in
garoonkii kubadda lagu ciyaari lahaa uu calaamadaysanyahay tusaale
ahaan.
Xalku waxa weeyaan in dawlad qaran la sameeyo, markay ummadu dagaal
ku jirto waa la joojiyaa siyaasadda iyo tartanka gudaha, marxaladan
aynu ku jirno waxa la yidhaahdaa xaalad dagaal oo ictiraaf ma hayno
oo dadku qabiilka ayay wadaninimada uga daacadsanyihiin, markaas
gurigii oo seeskii u baahan dabaq lama saari karo, waa in seeska la
dhisaa oo aan umadda marxaladan loo kala qaybin mucaarad iyo
muxaafad ee waan in la mideeyaa, oo ictiraafka la raadiyaa. Sidaas
daraadeed waxa xaaladan lagaga bixi karaa dawlad qaran balse maaha
in xilligan umadda loo kala qaybiyo mucaarad iyo muxaafad.
Waayahay ee Xasanoow, saddexda hoggaamiye ee xisbiyada hoggaamiya ee
kala ah Madaxweyne Rayaale, Mudane Siilaanyo iyo Mudane Faysal,
marna ma la xidhiidhay oo ma u sheegtay cabsidaad qabto taladan aad
qabtana ma u soo jeedisay?
Taas maan yeelin, sababta aanan u yeelina waan kuu sheegayaa,
fikirkaygan ah waar distoorka iyo xisbiyada inaga daaya wakhtigan
umaddu uma dhisnee, waxaan bilaabay oo aan bandhigay markii
xisbiyada la hadal hayay ee aan lagu dhawaaqin waana la ila wada
yaabay. Qolyahan aad imika aad magacawday qaar baa wasiiro ahaa oo
dawladii Cigaal wasiiro ka ahaa, weerarka iyo colaadda siyaasiga ah
ee Xasan Ciise lagu qaaday markay bilaabantay waa markaas aan
khayriyadda ka idhi waar xisbiyadan iyo distoorkan inaga daaya.
Dhinaca dhaqaalaha, haddii aynu eegno, Somaliland bulshadeedu waxay
khaatiyaan ka taagantahay qiimaha shidaalka oo aad u sareeya iyadoo
uu dunidii hoos uga dhacay ayuu Somaliland weli halkeedii hore
taaganyahay. Taas maxaad ka odhanaysaa?
Somaliland waxa ka taagan dhibaato dhaqaale oo aan xad lahayn, tii
dawlad ahayd waxaad moodaa inay dhaqaalihiiba ay faraha ka qaaday oo
kaantaroolkii ayaan jirin oo tusaale ahaan sonkortii oo qiimaheedu
hoos uga dhacay ayuu shaahii joogayaa halkiisii, waa inaad nidaam u
yeelataa oo aad samaysaa in marka maceeshadu jabto uu suuqana hoos
uga dhaco, ganacsigu xor ha ahaado, laakiin 100% xor ma ahaan karo,
inta badan ayuu ganacsigu xor yahay, laakiin duruufaha qaar waa la
farogelinayaa oo haddii aan la faro gelin dhaqaalihii umadda ayaa
adhaxda ka jabaya, waana inay dawladu la socotaa oo ay hubisaa
qiimaha maceeshadda wax lagaga iibinayo shacabka. Ta kale hay'adihii
ay dawladu lugaha kula jirtay sida TOTAL oo shidaalka ah, imika
dunidii shidaalkii hoos ayuu uga dhacay oo foostadii 150-ka dollar
maraysay hadda waxay marysaa in konton dollar ka yar, markaas haddii
aad tidhaahdo dadkayga intii hroe halaga siiyo iyadoo shirkaduhu ku
soo iibsanayaan qiimahaas hoose, dee dadkaagii adigaa dilay.
In badan ayaan odhan jiray Somaliland loo shaqayn maaye waa laga
shaqaysanayaa. Wakhti hore ayaan khayriyadda ka idhi adduunka
caqliga leh ee daacadnimo iyo wadaninimo jirto, qofku marka uu
doonayo inuu lacag sameeyo wuxuu ku tashadaa halkee ayaan baayac
mushatar ka gala, laakiin Afrika iyo inaga qofku marka uu doonyo
inuu lacag sameeyo wuxuu doontaa xil wasiirnimo…..dee lacag haddaad
doonayso orod oo ganacsade noqo oo xoolaha umadda iska dhaaf. Sidaas
daraadeed hay'adihii ay dawladii lugaha kula jirtay ee ay wax ka
dhistay markay taas oo kale ka ogolaato sababo danaysi ah aawadood,
umadaadii adigaa dilay. Dhibaatooyinka aasaasiga ah ee aanay dadka
badankoodu dhaadayn waxa ka mid ah shicibkii arrintaas ka dhiidhiyi
maayo, sababta anigaa isweydiiyay, waxaanay uga dhiidhiyeen dadkeenu
weligood may arag dawlad u danaysa oo danahooda si daacad ah uga
shaqaysa, dadkeenu waxay xasuusanyihiin oo ay dawladnimo arkeen tii
Siyaad Barre oo faash la dhacaysay, markaas dadkeenu waxay u
haystaan dawladda ugu wanaagsan ee ay arkeen inay dan u tahay oo
gaajo iyo cadaalad darro ha ku disho laakiin faash muuqda ayaanay la
dhacayn oo tan ayaaba u ilko qaboow, sababta aanay dadkeenu uga
kacayn dhibaatooyinkan xagga dawladda ka taagan, waxa weeye dawlad u
dhaanta ayaanay arag.
Xasanoow, Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay waxa ka soo wareegtay 62
Maalmood, jidka madaxtooyada hor maraa wuu xidhanyahay, dadka
badankiisuna waxay taas ka bixinayaan aragti naqdi ah, oo waxa la
leeyahay weli Hargeysa iyo madaxtooyadii waxa ka muuqata cabsi
dheeraad ah. Bal side ayaad u aragtaa in jidad ka mid ah Hargeysa ay
weli tikniko dhex taagantahay?
Waxaan u arkaa, dawladeenu waxay garan la'dahay in la istiilo, waana
qodob aasaasi ah oo siyaasaddana ku jira, reer galbeedka markasta oo
weerar ku dhaco qodobka u horeeya ee ay ku dagaalamaan waxa weeye
yaan la inagu wiirsan ee aynu iska giijino, iska dhaaf reer
galbeedka oo il bax ahee, markii uu dhawaan weerarku Hindiya ku
dhacay, markiiba waxay sameeyaan istiil oo waxay yidhaahdeen yaynaan
cadowga u jabin. Laba dhibaato ayaa jira, marka ay dhacdo
argagixiso, dhibaatada markiiba dhacda ee maalintaas saamaysaa waa
gaar, dhibaatada ka sii daranina waxa weeye inay maskaxda kaa dilaan
oo aad ka baqato waan ta' uu cadowgu doonayo, waana inaad muujisaa
inaanad u baqan, inaad iyagii ka daba tagto, mid kale inay
sameeyaana aad ka hortagtaa adigay ku jirtaa, laakiin shaygan la
yidhaahdo muuqaalku qayb weyn oo nolosha ka mid ah weeye, haddii aad
baqato oo aad cararto waa lagaa adkaaday. Dhibaatadii dhacday
laakiin waa inaad bogsiisaa, oo aad samaysaa tallaabooyin aad tii
horena kaga daba tagayso, mid dambena kaga hortagayso, dadkaagana u
muujinayso inaad u maqantahay oo ay kalsooni kaa muuqataa, haddii ay
kalsooni darro kaa muuqato waa dhaawicii ay doonayeen inay ku
gaadhsiiyaan. Markaas dawladeena waxa ka muuqata inay kalsoonidii ka
luntay, laba jeer ayaanad cadowgii markaas u jabtay, waa inaad
muuqaalkii soo celisaa oo aad kalsoonidii muujisaa.
Xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti ee muddooyinkan dambe is bedelay
sidee ayaad u aragtaa?
Guud ahaan jaarkeena iyo adduunkaba waxaynu doonaynaa oo ay danteenu
ku jirtaa inaynu cilaaqaad wanaagsan la yeelano, waxaana jira
waxyaabo gooni la isugu yidhaahdo iyo kuwi si caam ah loo yidhaahdo
oo marka gooni la isu waraysanay loo baahanyahay in laga wada hadlo,
markaas mabda'a ay tahay inay Somailland ku shaqaysaa waa inaynu
cilaaqaad wanaagsan la yeelano wadamada, cilqaadaakaasina waa inuu
ku dhisnaadaa mid ay labada dhinacba raali ku yihiin, in dhinac
keliyi ku guuro dhinacii kale maaha. Waa inaynu hubinaa in
cilaaqaadka Djibouti iyo Somaliland uu ku dhisanyahay danaha labada
wadanba, si shakhsi ahna aan loogu danaysanayn, si gaar ahna aan
loogu danaysanayn. Waxa igu maqaalo ah dekedda Berbera ayaa la
doonayaa in la keeno huwanta la dagaalamaysa budhcad badeedka, waa
inay meesha ka muuqataa in faa'iidooyinkeedu ka badanyihiin
dhibaatooyinkooda, faa'idada aad ka helaysaana waxay ku xidhantahay
qaabka uu heshiisku yahay, waana arrin qaran, waxaanay ku
wanaagsantahay in maamulku talladda badsado oo ay xisbiyada,
goleyaasha baarlamaanka iyo cidda ay tallo bidaan ay tallo soo
geliyaan, waayo waa arrimo qaran oo aan xisbina gaar u yeelan Karin,
sababtoo ah arrimaha danaha umadda saamaynayaa weligood way
soconayaan oo muddo dheer ayay jirayaan cid gaar ahina ma go'aamin
karto, waana in tallada laga badsadaa. Markaas waa in laga wada
tashadaa arrimaha caalamiga ah oo dhan ee saamaynaya danaha qaranka.
Arrinta Diiwaangelinta sidee ayaad u aragtaa?
Shaygan diwaangalinta, ayaa dhibaato wayn ah qudhiisu, qodobkan
diwaangalinta qaar badan oo maamulka oo aan waraystay oo aan wax
waydiiyay waxay ku odhanayaan deeq bixiyayaashii ayaa shuruud
inagaga dhigay oo wax inagu siinaya, oo deeq bixiyayaashu haday ku
yidhaahdaan jar iska tuur miyaad iska tuuraysaa.? Dadkeenu uma bisla
diiwaangelinta oo malaha meelo iyo ciwaano loogu soo hagaago.
Diiwaangelinta, marka la leeyahay ku noqnoshada ayaa lagaga baxayaa,
doodaasi qiimo badan ma leh. Maxaa yeelay, inkastoo sharcigii la
jebinayo haddana mucaaradka iyo muxaafidkuba doorashada codaynteeda
way ku noqnoqdaan, markaas maadaama ay labadii dhinacba ku
noqnoqanayaan dhibaato weyn ku keeni mayso, khalad ha ahaato oo ma
difaacayo mana lihi waa sax, laakiin dhibaato weyn keeni mayso
maadaama ay labadii dhinacba ku noqnoqonayaan codaynta doorashada
waana wax laga simanyahay. Markaas qodobkaas siyaabo kale ayaa loo
yarayn karaa.
Source: Wargeyska Geeska Afrika
|