Shirjaraa’id, Guddoomiyaha Guddida Joogtada Guurtida Cabdilaahi Dhugad


“ Haddii La Yidhaahdo Xisbiyadu Ma Mudaharaadi Karaan Oo Ma Dhaqdh aqaqaaqi Karaan,Arin Daw Ah Maaha, Kulmiyana…” Shirjaraa’id, Guddoomiyaha Guddida Joogtada Guurtida Cabdilaahi Dhugad

Guddida joogtada golaha Guurtida ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalo uu dhawaan u jeediyey 35 kii xildhibaan eeka codeeyey go’aankii muddo kordhinta ee golaha ka soo baxay, isagoo labada beelood eek u diriray e deegaanada Ceelbardaalana u soo jeediyey baaq nabadayna, waxa kale oo ay guddidasi distoori ku tilmaameen in asxaabta siyaasadu ay mudaharaadyo salmiya usoo bixi karaan, isagoo dhinaca kalana saddexda xisbi qaran ugu baaqay in si nabadgelyo ah ay loolanka doorashada u galaan.

Guddoomiyaha guddida joogtada golaha Guurtidu xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Dhugad waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay guddidaasi ku qabteen xarunta golahooda kaas o ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha , isagoo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxaanu ugu baaqaynaa labada baalood ee isku haysta deegaanada Ceelbardaale in ay nabadaynta u hogaansamaan oo ay maqlaan ergada golaha

Guurtida iyo xukuumada colaada deegaanadaa ka aloosana cidna dan uma aha nabaduna cid kasta danbay ayey u tahay.

Waxaanuu soo jeedinayna labadaa beelood ee walaalaha ahi inay nabadu iyaga ka timaado oo ay dhexdooda ka dhaliyaan dadka kalana idinku iska xiga, shacbi waynaha reer Somaliland waxgaradka, salaadiinta, culimu’udiinka, waxaanu ugu baaqayna in si dhakhso ah ay ugu gurmadaan, oo talo xoog leh loo galo nabadaynta labadaa beelood ayaanu ugu baaqaynaa.

Waxaanan la hadlaynaa saddexda xisbi qaran oo aanu leenahay si nabada dalka si nabada dalka hawga ololeeyaan, doorashadii way dhawdahay wixi khilaafa eejirana waa laga heshiyey, heshiiskii la gaaday wa in saddexda xisbi Qaranoow sidii u qaadataan ninkii nabdgelyo daro abuuraana isaga u daran tahay, waxay taladii ku uurtay in ummada cod loo donto fartaa dadka ayey doorashadiiinu ku xidhan tahay ninkii la jecel yahoo, ninkii ummada codka doonayoow dadka si nabadgelyo daro iyo xaalad abuur ummadda lagu kasban maayo.

Dawlada waxaanu usoo jeedinaynaa inay dulqaadato oo ay si caqi lehu maamusho dalka macqulna maha in ciidamadu asxaabta xarumahooda ugu galeen, waxaanu leenahay askarta xafiisyada galaysa xili doorasho ah ayaa lagu jiraa, askariga kale raaca madaxda talada dalku u tartamaysana askari ciidan qaran ma noqonayo, ha kala raacina waa inaad u sinaataan xisbiyada kursiga maalinba nin baa fadhiya dawlada waxaanu leenahay dulqaata, dawlada aan dulqaad lahayni ummad ma xukumi karto, dwladu sidii ay ummadda ugu dulqaadan lahayd ee ay u kasban lahayd falowgeed ha gasho”ayuu yidhi guddoomihu.

Intaa ka dib su’aalihii suxufiyiintu shirkiisaa jaraa’id ku waydiiyeen iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxa uu u dhaceen sidan:

S: Guddoomiye go’aankii Golaha Guurtida ee muddo kordhinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee aad ka mid ahayd 35-kii Mudane ee diiday, siddee ayaad u aragtaa go’aankaasi oo muran siyaasadeed dalka ka abuuray?

J: Markii fadhigii maalintaasi dhamaaday ee uu go’aan noqday ayuu Goluhu isku raacay, waxaanu idin leenahay wax dhinacayaga ku hadhay oo khaakhuul ahi ma jiro, saacadii arrintaasi dhacday ayuu islaaxayagiina caadi noqday.

S: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland wuxuu 35 kii Mudane ee muddo kordhinta diiday uu ku eedeeyay inay khaa’inul wadaniin yihiin, maxaad Arrintaasi ka leedahay?

J: Madaxweyne ku xigeenku wuxuu nagu eedeeyay waa wax aan daw ahayn, Madaxweyne Ku Xigeenku wixii Anaga na dooran waayaa waa dambiile inuu yidhaahdo Ma aha ma Nabi Buu ahaa, Maxaanu ku dambaabnay Cod ayaa la isku qabtay codkiina qolaba meel ayay martay, waa bay ku heleene’e Ninkii helay muxuu ku ooyay oo uu ku cabaaday. Waaba aanu ogol-nahay oo waanu u hanaynaye’e.

S: Xisbiga KULMIYE wuxuu ku baaqay mudaharaad, dawladuna waxay tidhi Talaabo ayaanu ka qaadaynaa oo ma ogola, dhawaana waxa jiray inay Ciidanka boolisku rasaaseeyeen Guddoomiyaha KULMIYE iyo taageereyaashiisa, arrimahaas maxaad ka leedahay?

J: Xisbiga KULMIYE waanu aragnay Xisbigaasi Khaakhuul ma wado, Mudaharaadka Salmiga ah Adduunkaba waa Laga Dhigaa oo Distoorka ayaa ogol, laakiin haddii uu soo baxo mudaharaad yar oo xalaal ahi dee layaab ma laha loomana diidi karo, in la yidhaahdo ma dhaqdhaqaaqi kartaan taasi daw ma aha.

S: Magaalada Burco oo aad adigu dhalasho ahaan ka soo jeedo, shalay waxa dhacay shir ay KULMIYE doonayeen inay ku qabtaan magaaladaasi oo Booliskii ugu galay, maxaad ka odhan lahayd?

J: Dadku marka ay wax isku qabtaan wax jira iyo wax aan jirinba waa la soo geliyaa Arrinta Burco maanta wax khaakhuul ah oo ka jiraa ma jiraan baan qabaa anigu.

S: Guddoomiye, waxa la leeyahay 35-kii Mudane ee diiday muddo kordhinta beryahan dambe iyagaa Golihii ka dhaq dhaqaaqaya oo qabsaday baddii Guddi hoosaadyadii Guurtida oo madax ka wada noqday badankoodii, Arrintaasi maxaad ka odhan lahay?

J: Arrintaa waxaan u arkaa Golaha waxa jira wakhti wakhti la isbedbedalo wax aan dhici jirini kama dhicin siddii la iskugu bedbedali jiray ayaa la iskugu bedalay Guddiyada Golaha, intii oo qudha ma ahee waa la isku shaan dheeyay oo cid waliba way ku jirtaa.

S: Guddoomiye, dhawaan waxa ka dhacday in Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Guurtida uu nin kale oo Xildhibaan Golaha Wakiilada ahi uu gacan saaray, Maxaad Guddi ahaan ka qabateen arrintaasi?

J: Hawshaasi way dhacday waxay ahayd wax dhacay, laba nin oo isku dhacay ayay noqdeen, markii ay dhacdayna waa laga heshiiyay, xaal baa laga bixiyay sidii Soomaalidu isku xurmayn jirtay ayaa looga heshiiyay.labada goleba.

S: waxay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka togdheer xukuumada ku eedeeyeen inay wado shirqool loogu mucamaraadaynayo calaamo Somali weyna arimahaa sideed u aragtaa ?

J: anagu calaamadaa maanu arag, haddii ay jiraana cida sheegtay calamadaasi ha soo bandhigto waxaanuaragno ayuuu baanu wax ku qabanaynaa.
 

 


Haatuf