WAR-SAXAAFADEED


 

 

 

Taariikh:14 February 2012

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siila anyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-929/022012 Xilkii uu hayey kaga qaaday Mudane, Saleebaan Maxamed Faarax oo ahaa Gudoomiyihii Hay’adda Qurbajooga Somaliland.



Waxaan kaaga mahad-celinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay sidaa awgeedna Xilka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in uu meerto noqodo oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, maadaama aad muddo dheer soo haysay xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qur bajooga, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkii Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajooga.
 

 

 


ALLAA MAHAD LEH


XAFIISKA AF-HAYEENKA MADAXTOOYADA JSL.