Gudoomiyaha
Degmada Tog-Wajaale oo Hambalyeeyay Xukuu mada Cusub ee Axmed
Siilaanyo Balanqaadyana Inuu La Shaqayn Doono.

“Sidii aan
xukuumadii horeba ula shaqaynaynay ayuunbaanu ula shaqayn xukuumada
cusubna" Maayarka Tog-Wajaale
Tog-wajaale (TNN): - Gudoomiyaha
Degmada Tog-wajaale Mujaahid Cabdi Muuse Xuseen (Qawrax) ayaa shir
Jaraa,id oo uu kaga waramay wax qabadkiisii intii uu xilka hayay iyo
isagoo ka warbixiya y sida uu ula shaqayn doono xukuumada cusub ee
dhalan doonta oo uu ku qabtay Hoolka Shirarka ee Hutel Central.
Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale ayaa sheegay in ay xukuumadii hore
si fiican u wada shaqayn jireen isagoo sheegay inay waxyaabo faro
badan ka qabteen dhinacyada kala duduwan ee barnaa mijyada kor loogu
qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha degmadaasi oo ay ka mid yihiin
Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Wadooyinka iyo Kaawaanka oo ay u
sameeyeen dhisme Cusub.
Qawrax mar wax laga waydiiyay maadaama xisbigii uu ka tirsanaa ee
UDUB guul daraystay bal sida uu u arko inuu ula sii shaqayn doono
waxaa uu ku jawaabay “Sidii aan xukuumadii horeba ula shaq
aynaynay ayuunbaanu ula shaqayn xukuumada cusubna, iyadoo qofkasta
lagu qiimeeyo wax qab adkiisa iyo kartidiisa aqooneed ee
shaqada uu hayo”
Qawrax Muuse oo ka jawaabaya sida uu u arko madaxwaynaha cusub ee
maamulka dalka la ware egay waxaa uu yidhi “Alxamdulilaah,
illaahaybaa mahad leh illaha nabada inoogu dhameeyay doora shadii
madaxtooyada ee ina dhaaftay ee ay ku guulaysteen madaxwayne Axmed
Maxamed Maxa muud (Siilaanyo) iyo C/raxmaan Saylici, waxaanan
illaahay uga rajaynayaa mujaahidka Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa in
illaahay u fududeeyo xilka culus ee ay umada u balan qaadeen,
anaguna (reer wajaale) waxaanu balanqaadaynaa inaanu u hogaansami
doono siyaasada lagu hagayo wadanka”
Ugu danbayntii Qawrax waxaa la waydiiyay bal fariinta uu dirayo
isagoo ka faa,idasanaya fursad an qaaliga ah waxaanu yidhi
“Dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay dunida guudkeeda ka
joogaan waxaan ugu baaqayaa inay xukuumada cusub ku gacan siiyaan si
ay u gaadhaan horu marka iyo isbedelka shacabku dalbanayeen,
gaar ahaan shacab waynaha dagmada Tog-wajaale i nay dhinac uga
soo wada jeestaan horumarka dalka, ololihii iyo isqabqabsigiina
dhamaaday loona baahan yahay in dhamaan barnaamijyada danta guud
laga wada shaqeeyo, waxala wixii waxyeel aya nabadana dhinac
looga soo wada jeesto oo la iska qabto”.
Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale waxaa uu sidoo kale hambalyeeyay
madaxwaynihii hore ee S omaliland Daahir Rayaale Kaahin sida
quruxda badan ee uu usoo dhaweeyay natiijadii doorashada
madaxtooyada Somaliland iyo sida habsamida leh ee uu u wareejiyay
xilkii madaxwaynenimo oo uu ku tilmaamay in ay tahay in lagaga daydo.
Tan iyo intii uu xilka madaxaynenimo ku guulaystay xilka
madaxtinimada Somaliland Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
ayaanay u kala hadhin madaxdii xukuumadii laga guulays tay
hambalyada madaxwaynaha cusub.
Timacade News Network (TNN)
Tog-Wajaale Somaliland.
|