Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxa mud Siilaanyo  oo xaflad wayn ay ku soo dhaweyeen Jaaliyada Washington DC/Virginia

 

Washington DC (Timacade News)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed  M axamud Siilaanyo ayaa habeenki Sabtida ee bishu ahayd Jan16 ay xaflad wayn ku soo dhaweyeen Jaaliyada Washington DC/Virginia. xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa lagu  qa btay Huteelka wayn ee la yidhaa Westin Hotel oo ku yaala daanta dhinaca gobolka  Vir ginia. Waxaa halkaa wafdiga ku soo dhaweeyay  dad weyne boqolaal ah oo isugu jiray jaaliyada reer Somaliland ee Washington DC/ Virginia iyo Jaaliyada gobolka Maryland.


Waxaa khudbado halka ka jeediyay xubno kala duwan oo ka tirsanaa jaaliyada iyo  xisb igaba waxaana ka mid ahaa xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar oo si wayn ugu mahad naqay jaliyadaha deegaankaas isla mar  ahaan taas ka waramay xaaladaaha ka taagan dalkii iyo guulaha ay ka soo hooyeen  safarko oda Maraykan isaga iyo gudoomiyaha xibiga Md Axmad Maxamed Maxamud Siilaanyo.


Waxaa markaas ka bacdi xidhidhiyahii xaflada ahna xubin ka tirsan gudida Fulinta  xisbi ga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan Md Rashid Nuur Gaaruuf uu mikrofoonka ku soo  dh aweeyay Md Axmad Maxamed Maxamud Silaanyo, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Md  Si ilaanyo waxaa uu war bixin ka siiyay jaaliyadii halkaa isugu timid marxaladihii kala  duw anaa ee dalku soo maray iyo dibu dhacyadii doorashada madaxtooyada ee dhowrka  g oor marba dib loo dhigay.

Md Axmed Siilaanyo waxa uu ka waramay in dib u dhacyadaasi ay waxyeelo  siyaasade ed u xun ay u gaysteen geedi socodkeenii dimuqraadiyadeed iyo sumacadeenii  bulsha da caalamku inaga qabtay. Gudoomiyaha xisbiga Md Axmad Siilaanyo waxaa uu si cad u tilmaamay caqabadaha iyo marmarsiiyaha ay xukuumada Riyaale marba ku  carqaladay nayso doorashooyinka dalka oo ay markanna bilowday in ay khilaaf soo kala dhex  dhig to xubnaha golaha guurtida.

Md Axmad Siilaanyo waxaa uu cadeeyay in xisbiyada mucaaradka waajibka saarini  yah ay in ay ka hadlaan qaladaadka xukuumadu samayso shaqada xisbiyada mucaaradkuna tahay wax toosin iyo wax sixid balse aanay noqon doorasho sugayaal aamusan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxaa uu khudbadiisii uu dhinacyo badan taabanaysay kaga hadalay safarkooda ay ku yimaadeen dalka Maraykan iyo guulaha ay ka  gaadhe en. Mudane Axmed Siilaanyo waxaa u sheegay in maanta bulshadii caalamku indhaha inoo kala fureen si waynna ay u eegayaan hadba sida aynu wax u qabsano una ilaalino geedi socodka dimuqraadiyada. Md Siilaanyo waxaa uu ka waramay kulamadii uu la  ye eshay madaxda dawlada Maraykanka oo si wayn u danaynayay nabad galyadeenna iyo in aynu ka badbaadno dabka ka holcaya Somaliya.

Gudoomiyaha xisbiga waxaa u sheegay in wali aanay u dhamaan kulamadii madaxda  da wlada Maraykan, hay'adaha samafalka ee reer Maraykan iyo saaxiibada daneeya  jirit aanka Somaliland.

Ugu dambayn waxaa kulankaas jaaliyada reer Somaliland iyo wafdiga lagu soo  gabgab eeyay su'aalo toos loo waydiinayay gudomiyaha oo dhinacyo badanna taabanayay  ha lkaasna uu kaga wada jawaabay
 



ALLAA Mahad Leh


Gudida Fulinta Kulmiye Ee waqooyiga Maraykan