Guddoomiyaha Hay’adda Odxa Oo Ka Dayrisay Xaaladda Nol oleed Ee Caruurta Darbijiifka Ah Ee Reer S/Land


 


Hargeysa, September 14, 2011 (TNN) - Marwo Faadumo Siciid waxay sidaas ku sheegtay waraysi gaar oo ay shaley xafiiskeeda ku siisay wargayska haatuf Gudoomiyaha Hay’adda Odxa Marwo F aadumo Siciid Ibraahin ayaa ka dayrisay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin Darbi-jiifta reer Somaliland, kuwa ajanabiga ah ee dalka ku sugani-ba, waxaanay sheegtay in caruurtaas iyo xaa lkoodaba lagala xisaabtamayo dawladda dalka ka jirta oo Ummadda ka wada masuul ah.

Marwo Faadumo Siciid waxa ay tilmaamtay in Cawaaqib xumi uu ka dhalanayo hadii aan caruurta as wax loo qaban oo arintooda hoos loo eegin, isla markaana waxa ay sheegtay in dhismihii ay C aruurtda Darbi-jiibka ah u sameeyey ay oo loogu talo galay ubadkaas lagu xanaaneeyo inay was aaradda qoysku kala wareegtay, hadana aanay jirin Ilmo kaliya oo xaruntaas ku sugani.

Faadumo waxa kale oo ay sheegtay inuu Kufsigu Somaliland wali ka sii socdo oo uu waliba isaga o o wajiyo cusub oo aan hore loo arag leh, waxaanay ka digtay in la dhayalsado arimahaas.

Guddoomiyaha Hay’adda Odxa Marwo Faadumo Siciid waxay ka hadashay halka ay marayso dacw adii ay ka gudbisay Badhasaabka gobolka Saaxil Ramaax, waxaanay tibaaxday inay hada sugays o inay dhinac u dhacdo, isla markaana ay ku eegayso dacwadaas Badhasaabka ka dhanka ah ha lka ay marayso Cadaaladda Somaliland, waxaanay shaacisay inay diyaar u tahay inay siyaasada dalka ka qayb qaadato marka ay Jaanis u hesho.

Ugu horayna iyada oo ka hadlaysa arinta Darbi-jiifka, waxa ay tidhi “Arinta Darbi-jiifku waa arin dhinac ka xasaasi ah, dhinacna Shacbiga Somaliland aad u saamaynaysa oo keeni karta foolxumo wayn oo sumcadeena ku dhacda, isla markaana Diiniyan waa arin la inagu Imtixaamayo oo Ilaah ay inagu eegayo waxa aynu Caruurtaas ka yeelno. Caruurta Darbi-jiifka ah ee Somaliland ku nool waxa loo kala qaadaa laba qaybood, kuwo Muwaadiniin ah oo reer Somaliland ah iyo kuwo Ajana bi ah oo ka kala yimid Ethiopia iyo kuwa Qaxoonti ah oo ay soo barakiciyeen dagaaladda ka socda Somalia.

Caruurtan waxa ay intooda badani barteen oo ay Mukhaadaraadkii sida Xashiishadii iyo balwadii kale-ba, Caruurtani noocyo badan ayey u kala baxaan xataa waxa ku jira kuwo bartay iyaguna inay Jidhkooda ka ganacsadaan oo marka danbe lagaba yaabo in kuwo badan oo ka mid ahi ay qaadaan xanuuno. Dhacdooyinkaas oo dhami waa kuwo wadankeena u soo jiidaya Sumcad xumo badan, caruurtu ama Ajanabi ha noqdaan ama muwaadiniin-ba ha noqdaane waxa masuuliyado odu saaran tahay dawladda markaas jirta, sida caruurteenu-ba marka ay wadamo kale u safraa n ay u saaran tahay dawladdahaas kale ayuun bay inagana inoo saaran tahay. Anagu Odxa aha a markaanu aragnay waxa ay caruurtaasi u baahan yihiin, isla markaana aragnay awoodayada oo aanu aragnay waliba hablihii yaryaraa iyo wiilashii yaryaraa oo meel wada jiifa, waliba-na aanu aragnay hablihii yaryaraa oo Uur leh oo 12 jir wax ku dhalaya oo waxaas oo dhamina uu yahay Fusuq ku soo fool leh Ummadeenii waxaanu go’aansanay inaanu intii awoodayada ah aanu ka qaylino arintaas”.

Faadumo Siciid mar ay ka hadlaysay Kufsiga iyo halka uu ka marayo Somaliland, waxa ay tidhi “Waxa aynu ognahay iyaduna inaanu wali kufsigii joogsanin oo markii hore waxa aynu arki jirnay nin inan kufsadaye hada waxaynu arkaynaa shan nin oo inan kaliya wada kufsaday, halkaas dalk eena dhibaato badan ayaa kaga soo kacdoontay oo Cuduro badan ayaa ka dilaacay, Caruurtii Aids ayey qaadeen oo Cudurada kale ee la kala qaado ayey qaadeen. Caruurteena yar yar dur uufaha nololeed hayaan ee Gidaarada u hoyda hadii Duray ku dhaco waxa khasab noqota inay Dhaxan ku noqoto, dadkaas Ilaahay (SWT) umuu waayin Nolol Fiican oo la mid ah tan aynu ku noolahaye Imtixaan ayaa meesha ku jiree aynu ogaano marka hore. Anaku markii aanu hawshan wax ka qabanaynay awood wayn umaanaan lahayn Daryeelida waxkasta oo ay u baahan yihiin Caruurtda Darbi-Jiifka ahi, balse waxa aanu la kaashanay Ganacsatadeena iyo Dawladda hoose ee Hargeysa oo Maayar Jiciir aanu kala xidhiidhnay dhulkii aanu waydiisanayna wuu na siiyey oo waanu ku guulaysanay, Dahabshiil iyo Telesom-na waanu u tagnay oo Maxamed Aw Siciid ayaanu u tagnay intaas oo dhana waanu ku guulaysanay oo Ganacsadaas mid waliba wuu nala dareemay dhibaatadad umadkaas haysata. Goobtii markaas waanu dhisnay oo maanta dhismaheeda wax ala wax ka maqani ma jirto oo waxaanu u samaynay Dayr wayn oo aanay Caruurtu ka dhici karayn iyo dhamaanba Waxkasta oo Meel loogu talo galay in caruur lagu xanaaneeyo looga baahnaa waa ku diyaar dhismahaas”.

Marwo Faadumo Siciid Mar wax laga waydiiyey Tirada ku jira Xaruntaas ay sheegtay in Caruuta Darbi-jiifka ah looga dhisay Degmada Maxamed Mooge, waxa ay tidhi“Imika wakhti xaadirkan Ilmo kaliyaa kuma jiro, anagu 6 bilood gudaheed ayaanu ku dhisnay Dhismaha oo Ilaahay baa noo fududeeyey oo bishii 11-aad 2010 waatii Wasaarada Qoysku damacday ee tidhi anagaa doonayna, iyada oo aanu arintaas isku khilaafsanahay oo run ahaantii ay tahay arin fool xun in waxqabad ay la yimadeen dad Muwaadiniin ahi inaad ka faro-Maroojiso, hada-na marka awood dawladeed laguu sheegto waa inaad iska dhiibto. Wakhtigaa wasaaradu nagala wareegtay hawshaas waxay nagagala wareegtay si aan Meeqaam wanaagsanayn, isla markaana Mulkiyadii anagaa gacanta ku hayna oo qalab xataa aanu u hayno Istoodhadhka ayey ilaa hada nooga buuxaan. Halkaas sano ee dawladdu nagala wareegtay xaruntaa Darbi-jiifka ee aanu ku soo tacabnay ilaa hada wax caruur ah oo la geeyey ma jirto, isla markaana dhawr jeer oo hore waanu la hadalnay hadana waxaad moodaa in imika ay arintu sidii hore yara dhaanto”.

Guddoomiyaha Odxa iyada oo hadalkeeda sii wadata, waxa ay tidhi “Waxa inala gudboon inaynu Caruurtu wadankeena joogta meelkasta ha ka timaadee aynu ilaalino oo wixii karaankeena ah aynu u qabano haday yihin kuwo Xamar ka yimid oo dagaal ka soo yaacay iyo haday yihiin kuwo Ethiopia ka yimid-ba, hadii xataa uu yahay Ilmo Ethiopia ka yimid waa in hay’adaha qaxoontiga lagu khasbo oo la yidhaahdo idinkaa ka masuul ahe wixii aad u qabanayseen u qabta. Waa in aynu xasuusanaa Abaalkii wakhtigii adkaa ay Ethiopia inoo gashay ee wadamada Jaarka ah oo Xuduudahoodii inaga xidhay ay Caruurteenii iyo Maatideenii ay albaabada u fureen, kuwan yaryar ee Ethiopia ka imayaa ee wadanka joogaa waxa ay la mid yihiin caruurteenii Ethiopia joogtay wakhtigii uu Siyaad Barre oo Somali ahi ina Rushaynayey. Inkasta oo aanaan anagu faro-galinayn wixii dawladdu u Qorshaysan anagu ma faro-galinayno hadii ay tidhaahdo waanu wada celinaynaa iyo haday tidhaahdo waanu wada daynaynaa-ba iyada ayey taasi khusaysaa. Laakiin maanta caruurteena dibadaha joogta ee wadan walba joogta hadii la soo dareeriyo ka waran ilayn dhaqaalaha shacbigu ku nool yahay inta ugu badani waa halka uu inooga yimaade’e, anigu waxaan leeyahay arinta Caruurta ha laga fiirsado”.

Faadumo Siciid mar wax laga waydiiyey halka uu ku danbeeyey Dacwadii ay ku oogtay Badhasa abka Saaxil, waxa ay tidhi “Arinta Jaamacadda Berbera horta la isma qabsan oo qabsadku waxa uu yimaadaa marka laba qof ay is horfadhiistaan oo ay murmaan oo khilaafkaas lagu kala cadho odo, wali gudidii Jaamacada iyo Badhasaabku ismay horfadhiisan, walina Maareeyaha Dekadda iyo Guddidaasi ismay horfadhiisan khilaaf wax la yidhaahdaan meeshaas kamuu dhicin.

Jaamacadaas oo shaqaynaysa ama ha luudo ama ha dhutidee oo 192 Arday ay ku jiraan ayuu Badhasaabku ardaydii dulkeenay Askar Duubcas ah, guddi aanu isagu magacaabin oo dawladi aanay magacaabin oo iyagu is diray oo Tabaruc ugu shaqaynasay umadaas waxa uu Badhasa abka Saaxil ku faro-galiyaa waaba faduul. Waxay doontana ha ahaatee faraha uga qaadnay markii uu ku dhagay ee uu noqday Maro-boob, Waxa uu ardaydii iyo tacabkayagiiba ka dhigay inay Jaamacadu xidhanto, isla markaana Maareeyaha Dekadda oo sharci u ogolaanaya aanan anigu garanayn uu laba Qol oo Ganacsi ah ka furtay oo Stationary ah oo uu inamadii uu Adeerka u ahaa u dhiibay. Waxa kale oo uu Jabsaday Jaamacadii oo uu Saqafkii ka qaaday oo Jingadoodii si aan sharciga waafaqsanayn loogu tagri falay. Run ahaantii taasi waxa ay tacab khasaaray ka dhigaysaa dadkii iyaga aanu lacagta kaga soo ururinay gobolkiinii ayaa Jaamacad loogu dhisayaa oo aad uga xumaaday sida aanu uga xumaanay si la mid ah, laakiin anigu markaan dacwada ka dhanka ah ka gudbiye Badhasaabka Saaxil waxa aanu ku ogaanayaa in Maanta dalkeena Cadaalada iyo Sharcigu cid kasta ka sareeyo oo uu qabanayo qofkasta iyo in qofka shaadh dawladeed xidhani uu ka sareeya sharciga dalka”.

Guddoomiyaha Hay’adda Odxa Marwo Faadumo mar wax laga waydiiyey hamigeeda siyaadeed, waxa ay tidhi “Siyaasadu sideedaba in lagu dheereeyo maaha, waliba marka la eego dalkeena waxa la moodaa inay waxyaabo badani ay khaldan yihiin siyaasad ahaan oo way walaaqan tah ay, laakiin hadana niyadayda iyo maskaxdayda kama maqna oo hadii arinta aad daawade ka no qotid, isla markaana aad jeceshahay inaad dadkaagii wax u qabato waxba ma hagaajin kartid. Markaa mar mar waxay kugu kalifaysaa inaad gunta u fadhiisatid, inkasta oo aanan imika wali go’aankaygii ka qaadan oo waxyaabo badan aan qiimaynayo oo aan eegayo Insha Allaah wakhti ga uu jaaniskaygu yimaado ummadayda inaan xaga siyaasada wax ugu qabto diyaar ayaan u ah ay”.

Marwo Faadumo Siciid mar ay ka hadlay waxa ay ka shaqayso hay’adda Odxa, waxa ay tidhi

“Hay’ad ahaan waxyaabo badan ayaanu qabanaa oo haday noqon lahayd xaga caruurta, Xaga dhalinyarada, dalxiiska haday noqon lahayd, xaga ciyaaraha iyo qaybka wacyigalinta oo iyadana imika aanu ku soo darnay markaa shaqooyinka aanu qabanaa run ahaantii aad ayey u faro-bad an yihiin”.
 

 

Source: Haatuf