Guddomiyaha Hay’ada ODHA Faadumo Siciid Oo Sheegtay In Masuuliyadda Caruurta Darbijiifka Ah Ku Wareejiyeen Wasarada Shaqada, Dhibatada Caruurtasi Haystana Tahay Mid Sharaf Dhac Ku Ah Somaliland .
 

Hargeysa (TNN) Guddoomiyaha Ururka Wadaniga ee ODHA Marwo. Faadumo Siciid , ayaa sheegtay in dhibaatada hay’sata caruurta darbijiifku tahay mid aad loga naxo, oo Sumcad darro ku keeni karta dhaqankeena iyo diinteen Suuban ee Islamka ah, waxa kale oo ay intaasi ku dartay in Hawshii ay gacanta ku hayeen ee Caruurta darbijiifka ay bishii Deceber 2010 ku wareejiyeen wasarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, iyada oo xustay in dhismayaashii caruuurta darbijiifka ah eek u daranyeeysan caasimada Soomaliland ee Hargeysa loo dhisay ee lagu wareejiyey W asarada shaqada iyo arimaha bulshadu aanay ku xareeynin caruurta darbijiifka ah ee wadooyinka iyo suuqa caas imada hargeysa ku daranyeeysan.

Faadumo Siciid waxa kale oo ay sheegtay in dhismayaasha loo dhisay caruurta Darbijiifka ay lacagta lagu dhisay ay bixiyeen Shirkada Dahshiil, Telesom, Ina AW siciid iyo Hay’ada ODHA oo iyaduna lacag badan ku bixisay sidii dhisym aashasi u hirgalilahayeen oo caruurta darbijiifka ahi hoy u heli lahayeen.

Marwo Faadumo Siciid sidaasi waxa ay ku sheegtay Shirjaraa’id oo ay ku qabtay Xafiiskeeda Magalada Hargeysa.

Waxayna tidhi”waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrinta naxdinta leh ee uu shaaciyey television-ka HCTV, waana wax naxdin leh oo laga damqado sawiradda carruurta iyo xalaaddaas ay ku sugan yihiin, waxa ku jiray dumar xaamilo ah arintaasina waa mid Diinteen iyo dhaqankeena waxa yeelo ku keenikarta.”Ayey tidhi Faadumo Siciid

Waxa kale oo ay intaasi ku dartay “Anaga Hay’adayadan ODHA ahaan dadkii oo dhan way nala soo xidhiidhayaan oo waxa ay naleeyihiin arrintii caruurta darbi jiifka ah xagee baad ku halayseen maxaad arintaan wax uga qaban waydeen, xata dadka arintan na waydiinayey waxa ka mid ah dadkii lacagta bixiyey ee dhismayaasha u dhisay Car uurta Darbijiifka ah, anaga haddii aanu nahay ururka ODHA waxanu doonaynaa in aanu dadweynaha u sheegno in bishii Deceber 2010 waxa nagala wareegay howshaas Wasaaradda arrimaha Bulshadda markay wasiiradda  Shaqa da iyo Arimaha Bulshadu Marwo Ilhaan tidhi wasaaradda halagu soo wareejiyo arinka darbi jiifka ah waxaanu ku  ni dhi waayahay ee si caddaan ah aanu ula kala wareegno aanu sheegno halkaanu soo gaadhsiinay iyo wixii la qabtay intaa ka dib cid dambe oo nooga timaada oo arintaa hadal haysa maanu arag.”Ayey tidhi Faadumo Siciid

Waxa kale oo ay tidhi “aniguna waxaanu haynaa oo kaliya mulkiyadii oo aanu doonayno in sidegdeg ah noogala  wa reegaan ayaanu doonaynaa,way dhan tayhay dhismihii loogu talo galay wax ka dhimani ma jiraan ilaa marmarkii in la qalabeeyo ayuun baa hadhay waxaanu rabnaa in aanu si sharaf leh ugu wareejino”.

Faadumo Siciid waxa kale oo sheegtay in dhismihii loo dhisay Caruurta Darbijiifka ah ee ay la wareegtay Wasarada Shaqada iyo Arimaha Bulshadu aanay wali halkii laga sii qadiin, oo aan Caruurtii lagu soo xareeynin.

Faadumo Siciid waxa ay intaasi ku dartay in dhibtada haysta darbijiifka ee Warbaahinta sii daysay ay tahay mid  ji rta, balse aanay iyagu wakhtigan masuuliyadii darbijiifka ayna haynin ee ay masuuliyadii ku wareejiyeen Wasarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, oo ay dadweynuhu kala xisaabtamaan Hawshaaasi.

Source: Waaheen