War-saxaafadeed

Date: 02/07/2011
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu
maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare
ee Qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi Digreetadiisa:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda,
Markuu Aqoonsaday: Baahida wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka,
Markuu ku Qancay: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu Isku Qanciyey: In uu hanan karo xilka Gudoomiyaha Maxkamadda
Sare ee Qaranka.
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane,Yuusuf Ismaaciil Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|