WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 5 May , 2012
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne xilkii uu hayey ka
qaaday Gudoomiyihii Gobolka Salal, Mudane, Maxamed Muuse Bucul.
Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu
yahay JSL/M/XERM/249-1081/052012 ku magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee
Gobolka Salal.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Gudoomiyaha
Gobolka Salal;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu ku Qancay: In uu buuxin karo, aqoon iyo kartina u leeyahay
jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Gudoomiyaha Go bolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland.
XILKA QAADIS
Mudane,
Maxamed Muuse Bucul.
Aniga oo kaga mahad celinayaa mudadii aad Xilka Gudoomiye-nimada ee
Gobolka Salal aad soo waday hawshiisa, waxa aan Go’aansaday laga
Bilaabo Taariikhda ku Cad Digreetadan in aan kaa qaado Xilkii
Gudoomiyaha Gobolka Salal.
Iyada oo sunaha Dawladnimo ay tahay Dabcigiisa in xilku yahay meerto,
sidaa awgeed waxa aan ku farayaa in aad Sida ugu haboon xilkii ugu
wareejiso Masuulka Cusub ee aan u igmaday in uu xilkaasi ka sii amba
qaado halkaa.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|