Jaaliyadaha Somaliland
ee West Midland(Birmingham) & East Midland (Leicester) Oo Dooratay
Guddi Gaara oo Qaabilsan Abaabulka & Taakuleynta ee Abwaan Boon
Xirsi
  
(Birmingham, 28th Feb 2010)
Jaaliyadaha Somaliland ee West Midland Iyo East Midlands ayaa shirar
iyo kulano ay ku qabtay Magaalooyinka Birmingham iyo Leicester .
Hadaba Shirarka iyo Kulanadan oo
ay soo qaban qaabiyeen guddida Guud ee Abaabulka Iyo Taakule
ynta Abwaan Boon Xirsi waxaa ka soo
qayb galay Odayaal , Waxgaradka , Abwaano iyo Aqoonyah an ka mid ah
Bulshada Somaliland ee ku dhaqan Degaanadaasi.
Ujeedada shirarka iyo Kulanadaasi ayaa ku salaysnaa dhamaantood
qaabka ugu fiican ee loo fulinka ro hawlaha Abaabulka Iyo
Taakuleynta Gobolada West Midlands & East Midlands UK, xog waraysi
guud ka dib ayaa nuxurkiisii Kulanadaasi laysla ogolaaday
dardar-gellinta hawlahaasi muhiimka ah ee Abwaanka loo wado Sida
dhaqaale ururin ,abaabul badan, iyo sameynta guddidii hawshan
qabanlah ayd.
Dhanka kale waxaa halkaasi laga Cadeeyey ujeeddada guddiyada ay u
saareen in ay tahay dhaqaale ururin loo sameynayo daqli la doonayo
in Dhakhtar indhaha lagu daweeyo Abwaan Boon
Xirsi, Isla markaana Waxaa la sheegay in Birmingham Iyo
Leicester ay ka mid yihiin Magaalooyinka ugu fir firc oon ee ka jira
UK, taasoo la xusay inay qayb libaax ka soo qaateen hawlo badan oo
kala duwanaa oo tan la midda oo ay ka gaysteen arrin iyo adduunba.
Intaas kadib waxaa loo gudbey qodob-kii ugu muhiimsanaa Agendaha
shirka oo ahaa doorashada Guddida Abaabulka Iyo Taakulada ee
Abwaan Boon Xirsi ee Goboladaasi /West
Iyo East Midlands UK, Waxaana halkaa lagu dhisey Guddi Dhaqaale oo
xul ah , halkaasna lagu magacaabay Gudidiyo Gaara oo ka kooban Dhowr
xubnood. Oo loo kala doortay sidan soo socota.
1. Guddida Abaabulka Iyo Taakulada ee Abwaan Boon Xirsi ee Gobolka
West-Midlands (Birmingham).
1. Maxamed Jamac
Xujaale (Aabi)
Gudoomiye
2. Xuseen
Abdilaahi .
3. Maxmed
Diiriye Nuur (Fariid),
4.
Mubaarik Yusuf Elmi (Bidhi).
5. Feysal
Yusuf Macalin.
6. Axmed
Yusuf Qodax.
7. Maxamed
Ismaciil Bare.
2. Guddida Abaabulka Iyo Taakulada ee Abwaan Boon Xirsi ee Gobolka
East-Midlands (Leicester).
1.
Cabdirashiid Sujuwe (Culus).
Gudoomiye
2. Axmed
Sicid Cali (Bulbul)
Guddoomiye ku xigeen
3. Feysal
Maxamed Siciid .,
4. Ciise
Aw Haruun Jamac.
5. Xasan
Maxamed Gaaxnuug(Istareex).
6. Cali
Xidig.
7.Fatxiya
(Jaamac-Jano), Gud garabka Haweenka.
8.Kowsar
Cabdilaahi Cilmi. Xubin guud Haweenka.
Waxaa haboon in la tibaaxo in xubnahan guddiyadani ay yihiin
Waxgarad , Aqoonyahan iyo dhallinya ro ,Si kastaba ha ahaatee
Gudiyada ayaa Cadeeyey in dadka Somaliland in ay caan ku yihiin in
dhexd ooda wax qabsadaan , “Isla markaana Guddiyadu waxay ka
codsanayaan dhamaan Dadka Qurbajoo ga Somaliland Gaar ahaan UK
in ay ka qaybqataan oo ay bixiyaan lacagaha loogu Gurmanayo
Abwaa nkoodii Qaaliga ahaa Abwaan Boon Xirsi
.
Dhamman Jaaliyadaha reer Somaliland ee Qurba jooga Gaar ahaan
Qaarada Yurub iyo W/America w axaa si naxariis leh looga
codsanayaa inay ka soo qayb qaataan Taakuleynta dhaqaale ee loo wado
Abwaan Boon Xirsi oo u baahan gurmad
deg deg ah, lana xidhiidhaan Gudiyada laba Qaradood oo ah qaar isku
mida hawsha ay wadaan iyo kuwa gaar ahaneed ee Magalooyinka.
Hadaba muwaadiniinta Somaliland ee Qaarada Yurub ee ku tabarucaya
Gargaarka Abwaanka, waxaa laga Codsanayaa in si toos ah ugu diraan
Gudiyada hawlahaasi qaabilsan tabarucooda Account Guud ee loo furay
, oo ay ku ururayso tabarucaadkaasi, Masuulna uu ka yahay
Lacaghayaha Guud Muda ne, Abdirisaq
Sh,Ibraahim Kooshin (alpha) –Bristol UK,
Tel, 079833311144.
Wixii su’aal iyo faahfaahin ku saabsan Tabaruca sidaad u dirayso,
fadlan kala soo xidhiidh gudiyada isu xilqaantay tabarucaasi
Abwaan Boon Xirsi
Qaarada Yurub iyo W/America Gaar
ahaana Qaarada Yurub
Gudoomiyaha Gudida Tabaruca Qaarada Yurub
Mudane Salebaan Cumar Ku-Joog oo laga heli karto
Telefoonka ka ah: Mobile ka:- 07957397401 Iyo
Gudoomiyaha Gudida Tabaruca Qaarada W/America
Mudane Ismaciil Faarax Ibraahim. Canada
Tel, 6473797127.
Wabilaahi Tawfiiq
Haddii aad doonayso inaad warar ka hesho barnaamijkan lagu
Taakulaynaayo Abwaanka Weyn ee Boon Xirsi
, la soo xidhiidh:Telefoonada Gudida Abaabulka
& Taakulaynta ee kor ku Xusan Ama Gudiyada Gaarka ah ee
Magaalooyinka ……...
Xidhiidhiyaasha
By , Adan
Yusuf Elmi & Shucayb Maxamed Gurux
,UK
|