Gudd.
Guddiga Nabadgalyada GuurtidaOo Xukuumada Siilaanyo Ku Eedeeyay In
Xorayatul Qawlkii Ay Ku Tumatay, Sheegayna In Shacbigu Aanay Aqbali
Doonin Kalitalisnimo
“Ina C/Qaadir Markuu Kulmiye Galayay Ayuu Qaldamay Shir Aan Laga
Jeclayna Inuu Ka Qaybgalo Qalad Bay Ahayd, Inuu Iscasilo Ayay Ahayd
Haddii Laga Qadiyay Xukuumadu U Soo Halgamay”
“Jananada Ciidamadu Inay Xisbiyo Ku Sawirmaan Oo Ay Ka Qaybgalaan
Shirarkoodana Waa Arrin Qaldan, Waa Inay Dhex U Ahaadaan Axsaabta”Md
Obsiiye Waraysi Khaasa
Hargeysa, April 18, 2012 (TNN) - Gudoomiyaha guddiga arrimaha
nabadgalyada ee golaha Guurtida Somaliland Axmed Muuse Obsiiye ayaa
Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaan yo ku eedeeyay
in Xoriyatul qawlkii iyo hanaankii Dimquraadiyada Somaliland ee ay
ku faantay meel kaga dhacday, waxaanu tilmaamay in dadka dhaliila
Xukuumada Xabsiga loo taxaabayo.
Xildhibaan Obsiiye waxaa uu intaa ku daray in talaabadii maalintii
Axadii todobaadkan xilka lagaga x ayuubiyay gudoomiye ku xigeenkii
labaad ee xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir ku tilmaamay arrin fool
xumo ah, isla markaana ka timid qalad uu ku galay xilligii uu
xisbiga Kulmiye ku biirayay, waxaanu sheegay inay u haboonayd C/raxmaan
C/qaadir inuu xilka xisbigaasi ka hor shirka golaha dhexe ee Kulmiye
iska casilo, maadaama lagu wargaliyay inaanu ka soo qaybgalin
shirkaasi.
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye ayaa sidoo kale dhaliilay qaabkii
Taliyaha Ciidanka Bilayska C/llaahi Fadal Iimaan uu goob jooga kaga
ahaa shirkii golaha dhexe ee Kulmiye Sabtidii ina dhaaftay ku qabso
omay Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa, isaga oo xusay in askar
ka tirsan Bilaysku ay ku dh ex garaaceen madasha shirka C/raxmaan C/qaadir.
Xildhibaanku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay uga waramay
Haatuf aragtidiisa ku saabsan habkii loola dhaqmay gudoomiye ku
xigeenkii labaad ee Kulmiye ee xilka laga xayuubiyay, ugu horayn a
isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Horta markii hore
ee uu galayay xisbiga Kulmiye ayuu qaldamay C/raxmaan C/qaadir,
markii uu ka soo qaybgalay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye oo aan
laga rabina isagoo horena dhaliilo culus ugu jeediyay, siyaasada
xukuumada xisbigoodana qalad labaad oo uu galay ayay ahayd, oo qofku
meel aanu karaamo ku lahayn inuu ka soo xaadiro maaha, markii uu
yidhi aan hadlana qalad bay ahayd in loo diido hadalka ilayn nin
masuul ayuu ahaaye, in la gu jidh dilo madasha shirkana isagoo
masuul Kulmiye ahna arrin fool xun bay ahayd”
Isaga oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaa ku daray “Ninka marka uu
siyaasi yahay waxaa looga baa han yahay inuu wax walba ka fiisado,
markuu galayay Kulmiye-na in badan baa lagala taliyay maada ama
markii xisbiga Kulmiye doorashadii Madaxtooyada uu ku guulaystay
26-kii June 2010 ee mansa byadii xukuumadana laga qadiyay waxay
ahayd inuu xisbigaasi Kulmiye iska casilo oo uu go’aan ka gaadho,
waxaase hada muuqata in xoriyatul qawlkii iyo Dimuquraadiyadii lagu
tumayo oo dadka lagu xidh-xidhayo Ra’yigooda, arrimahaasina waa
kuwii shacbigu kula dagaalamay ee Rajiimkii Siyaad Bar re,
diktaytarnimo danbe shacbigu ogolaan maayo ciddii ula timaada”
Xildhibaan Obsiiye oo aan su’aalnay sida uu u arko Taliyaha Bilayska
C/llaahi Fadal oo goob joog ka a haa shirweynihii golaha dhexe ee
Kulmiye iyo markii falkaasi dhacay, ayaa waxa uu yidhi “Sideedaba
waa qalad in Jananada Ciidamadu ay ka qaybgalaan shirarka xisbiyada
oo ay ku sawirmaan xisbi gaara, maxaa yeelay Jananada Ciidamadu waa
inay dhex u ahaadaan ummada iyo Axsaabta, waana arrin aad u qaldan
in Jananada Ciidamadu ay dhex galaan shirarka Axsaabta”.
source:Haatuf
|