Goorma ayuu sharciga Somaliland Awood yeelanayaa? Xukuumadda Cusub se ma soo noolayn doontaa Sharciga Somaliland ee sidii la doono loo isticmaalayo?.


 

Somaliland waxay ka soo gudubtay marxaladdo kala duwan oo wajiyo badan leh, waxaa soo martay  doorasho oyin badan oo ku dhamaaday guul iyo gobonimo, doorashadii ugu danbaysay ee Somaliland ayaa ahayd mid  m ucjiso ah oo dadku cod aqlabiyad ah ugu Codeeyeen Xisbi Mucaarid ah, kaasi oo ay ku doorteen isbeddel uu  b alan qaaday iyo Barnaamij wanaagsan oo ay dadku ku qancaan oo uu bulshadda u soo bandhigay.

Bulashada Somaliland waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay sidii uu dalka isbeddel uga dhici lahaa, isbeddelkaasi oo taabta dhinacyada Arimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, siyaasada, Waxbarashadda.


Dadka Somaliland waa bulsho u bislaatay nabadgalyada iyo Xasiloonida wadankooda, waa bulsho soo aragtay dhibaatada dagaalka, qax, Rafaad,iyo silica manta ka socda wadamada jaarka qaarkood, taasi oo u sahashay inay ku faro adaygaan Adkaynta xasiloonida iyo nabadgalyadda Wadankooda.


Taladda dalka waxaa haya Xibiga kulmiye oo in badan usoo halgamay sidii uu uga midho dhalin lahaa himiladiisa iyo hamigiisa siyaasadeed oo uu ugu danbayntii ka midho dhaliyay, Xisbigaasi oo ay ku jireen Mujaahidiin  farad an iyo Halyeyo dhiigooda u soo hurray Wadanka Somaliland.

Madaxwayne siilaanyo waxa uu soo dhisay Xukuumad kooban oo ka tirro yar xukuumadii hore ee taladda  wad anka lagala wareegay, oo tayo badan kuna jiraan Rag badan oo ku cusub masraxa siyaasadda Somaliland oo ka nadiif ah Balwadaha iyo wixii la midka ah, kana dhex muuqda goobaha lagu cibaadaysto ee bulshadda  intee da badani isugu timaado.


Way jiraan rag badan oo dhaliilo leh oo ku jira xukuumada balse badankoodu waxay u badanyihiin aqoonyanno ubaahan in la siiyo wakhti fiican oo ay dib u soo nooleeyaan Dakhliga dalka, Rajadda Dhalinyarada,Rajadda  Si yaasiga iyo hamiga guud ee Bulshadda reer Somaliland.

Wax badan ayaa lagu sugayaa xukuumadda cusub, wax is beddel ah oo aan ahayn hebello isbadalay wali ma  h ayno, ma aha rajada iyo isbedalka dadku u codeeyeen hebel hebel ku bedel balse waxay ahayd in taladii hore mid ka duwan meesha timaado, isbedelkuna saameeyo dhinacyo badan oo ay aad u tabayso bulshada reer  So maliland, hadday noqotayo illaalinta nabad galyada, Sixir bararka iyo Qiimaha Maceeshada, Waxbarashadda, B iyaha, Adeegyadda Caafimaadka iyo dhinacyo kale oo badan oo bulshadu u baahantahay inay indheheeda ku Aragto.

Isbeddelka Xukuumada laga filayaa waa in uu saameeyo waxyaabo badan oo sumcadda Somaliland wax u  dhim aya oo lagula kaco bulshada Somaliland hadday noqoto Ciidanka taraafikada iyo Ajaanibka waxa kala haysta, hadday noqoto adeegyada Xukuumadu bixiso oo aan Tayo badan lahayn bulshaduna xil iska saarin sida biyaha, korontada, Waxbarashada, Caafimaadka iyo wixii la mid ah, oo dadku la barro inay wadanka iyagu leeyihiin oo ilaashadaan Wixii wa loogu qabanayo.


Xukuumada Cusub oo aan wali wakhti badan haynin talladda dalka waxaa Mawjaddo qalafsan oo siyaasad  gur acina ka danbayso kala hor yimi xubno ka mid ah siyaasiyiintii hore kana mid ahaa xisbigii laga awooda  roonaa day, taasi oo aad ka arki karto Gobolladda darafyada Somaliland oo baryahan danbe dhaqdhaqaaqyo nadabad galyada waxyeelayaa ka soo kordhayaan.

Somaliland waxay dooratay madaxwayne Cidii uu garto magacaabi kara Cidii uu u arko inayna bulshada waxba usoo sidina Eryi kara, markaa ma ah in Askari xilkii laga qaaday lagu burburiyo Nabadgalyada oo ay ku kala  fog aadaan dadka walaalaha ah ku wada dhaqan Somaliland.

Salaadiinta Somaliland waa inay ka shaqeeyaan nabadgalyada maaha inay cid gaar ah gardarro ku difaacaan, waxaan awoodooda iyo shaqadooda ahayna maaha inay ka hadlaan, somalilandna maaha in cid waxyeelaysa loo baryo balse waa in ciddii u hogaansami wayda sharciga dalka gacan birr ah la isaga qabtaa.


Dr.Maxamed Cabdi Gaboose si wanaagsan ayuu uga hadlay arinta Galbeedka haddal wax lagu qaatona ayuu  u soo jeediyay Salaadiinta Gobolka Awdal, Dadkuna hadii aanay sharciga iyo kala danbaynta tix galin waxba uma hagaagaan, cid gaar ah oo sharciga ka wayni ma jirto.maanta somaliland waxay maraysaa wakhtigii ay  cageh eeda isku taagi lahayd looma baahna calanyar oo macmal ah oo jeebka lagala soo baxo.

Xukuumadda Axmed Siilaanyo waxaan Tallo u soo jeedin lahaa in Awooda ay saarto in Dadka la barro Awooda Sharcigu leeyahay iyo In sharcigu qabto madaxwayne ilaa muwaadin walba oo dalka Somaliland Degan. Kaasi ayaan isleeyahay waa lagu kala bixi karaa, dadkuna wixii ay dhigtaan ee sharciya intay u hogaansamaan ayaa haboon.
 

 

 

 

Nimco Muxumed Ibraahin
Madaxa Arrimaha Bulshada
Timacade News Network TNN
Hargeisa/Somaliland
Qaali540@hotmail.com