“Golaha Guurtidu ma Waxa uu Xalaaloobay Markii Saleebaan-gaal iyo Axmed-Siilaanyo ku Heshiiyeen Sifo Reernimo ?

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax , ayaa eedaymo culus dusha ka huwiyey xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo uu ku sifeeyey inuu yahay xisbi aan lahayn mowqif siyaasadeed oo ku mideysan yahay, isla markaana u taagan yahay khalkhalinta geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Sidaana waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed shalay ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaasoo uu si qotodheer ugu dhaliilay hoggaanka KULMIYE iyo hab-dhaqankiisa siyaasadeed, isaga oo sheegay in KULMIYE kursigu kala weyn yahay masiirka ummadda, waxaannu madaxda xisbiga ka buuxaan colaad, qabyaalad, shacbi qaybin iyo wax dumin af iyo addinba ah oo aanay marnaba soo bandhigin barnaamij ay ku hanan karaan karaan talada dalka.

Wwarsaxafadeedkaas oo dhammeystiranna waxa uu u dhignaa sidan:

“Xisbiga KULMIYE masiirka ummadda waxa kala weyn kursiga. Nabadgelyadu waa tiirka nolosha bani’aadamka, wax kastana waxay ka bilowdaan nabad; Nebi Mohamed (NNKH) waxa uu ku ducaysan jirey amni iyo iimaan. Waa wax lala yaabo’e xisbiga KULMIYE waxay nagu eedeeyaan xisbiga UDUB waxa uu dadka ku yidhaahdaa nabadgelyada ha la ilaashado.

Malaha waxaabay ka jeclaan lahaayeen in aanu sidooda ku baaqno colaad, dhiig iyo dhagar, siyaasadduna maaha cay, colaad iyo aflagaado midna.

Waxaan la illaawi Karin in ragga maanta hoggaanka xisbiga KULMIYE u hayaa ay mar walba hurinayeen colaad iyo dagaallo sokeeye iyo kala qaybinta bulshada Somaliland oo ay isagu direen reero iyo gobolloba, dhiig badanina ku daatay dagaallo ka dhacay Burco, Berbera iyo Hargeysa sanadihii 1991, 1992, 1994 - 1995.

Waxay mucaarad ku ahaayeen dawlad kasta oo dhalata iyo tan maanta uu hoggaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ay markasta lahaayeen yaanay innagu xooggaysan. Waxaan xusuusanaa inay mar walba ku baaqi jireen dawlad ma jirto. Si ay u joogteeyaan jewi colaadeed. Waxa yaab leh in maanta KULMIYE waddadii ku taagan yahay oo ay leeyihiin wixii ka dambeeya 6-da April dawlad ma jirto, taasoo macnaheedu yahay qarannimo jiri mayso nabadina jiri mayso. Madaxweynuhuna ha ka dego kursiga oo sidayada subeehi ha noqdo. Saw arrintaasi ma aha murug siyaasadeed iyo in la abuuro qas iyo fawdo siyaasadeed (Political turmoil), Distoorka dalkana meelna kagama taal in la sameeyo dawlad aan ku iman doorasho toos ah iyo in labada gole arrintaa ka tashado, taasoo ka dhigan dawladnimadii dhex ha loo dhiibo sidii hal baadi ah.

Sidoo kale mowqifka xisbiga KULMIYE ee ku aaddan doorashooyinka dalka nooc kasta oo ay yihiin waa qaar mar walba huwan fadqalalo iyo sharci-diid.

Waxan xusuusan nahay in aftidii dastuurka qaranka ee dalka ka qabsoontay 2001 ay dhammaantood madaxda xisbiga KULMIYE ka soo horjeedeen, taasoo macnaheedu yahay inaanay ku qanacsanayn goonni-isu-taagga Somaliland.

Waxa kale oo sii caddaynaya markasta oo ay la kulmaan wakiillada dawladaha caalamka ee daneeya horumarka iyo qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland waxay u gudbiyaan farriimo-hooseedyo dhaawacaya qaddiyadda dalka oo ay ka mid yihiin inaan dalku waqtigan u qalmin in la ictiraafo ama lagu sameeyo maalgashi, waxana ka markhaati ah hadalkii xisbiga KULMIYE u gudbiyey Jandaye Farazer markay la kulmeen waqtigii ay booqashada ku timi dalka, waxay sidoo kale u gudbiyeen farriin taa la mid ah wufuud badan oo dalka timi bishan gudaheeda. Waxa arrintaa markhaati cad ka ah in markasta rag ka mid ah kaadirka xisbiga KULMIYE ka mid noqonayeen dawladaha laga soo dhiso Soomaaliya oo aan marna madaxda xisbigu ka hadlin ama cambaarayn, waxana ragga ka mid ah Maxamuud Cabdillaahi Sifir, Maxamed Cali Bilaal, Cabdalle X. Cali iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee hadda loo magacaabay dawladda Sheekh Shariif ee Soomaliya Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo ay si gaar isagu xidhnaayeen hogaamiyaha Xisbiga KULMIYE.

Waxa markhaati ma doonto ah in doorashooyinkii dalka ka dhacay ee ku salaysnaa (one man one Vote) dhammaantood uu hormuud ka ahaa inay qabsoomaan xisbiga UDUB iyo hoggaankiisa oo mar kasta lahaa Somaliland waxay ku iibsamaysaa doorasho ee kordhin kuma soconayso. Waxa tusaale innoogu filan in markiiba Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku dhawaaqay in doorashada madaxtooyada la qabto cid kastaaba ha ku guulaysatee. Waxa iyana tusaale inoogu filan in doorashadii baarlamaanka ay golihii markaa joogey oo taageero ka haysta KULMIYE ay isu kordhiyeen 3 sanno, isla markaana Madaxweyne Daahir Rayaale u gudbiyey maxkamadda sare si ay go’aan uga gaadho, maxkamadduna xukuntay in doorashada la qabto. Ilaa hadda uma arko xisbiga KULMIYE doorashooyinkaa hirgalay ee Adduunku inagu ammaanay tallaabo horumar ah oo aynu gaadhnay mudadii xisbiga UDUB uu hoggaaminayey waddanka.

Waxa iyana la wada xusuusn yahay markii waqtigu ka dhammaaday Guddigii hore oo doorashooyinka qaranka in xisbiga KULMIYE laga sugayey muddo dhan 8 bilood inay soo gudbiyaan xubintooda uga mid noqon lahayd Komishanka, taasina sababtay in doorashadii muddo dhaafto, lana kordhiyo muddo hal sanno ah, kadib markii Golaha Guurtida loo gudbiyey. Saddexda xisbi waxay isla qaateen in doorashada la qabto 29 March 2009. Waxa kaloo la wada saxeexday in haddii ay dhacaan wax doorashada dib u dhigi kara in ay saddexda xisbi iyo Komishanku isu yimaaddaan oo isla qaataan waqtiga

doorashada, waxii ay isku raacaana loo gubiyo Golaha Guurtida si ay waqtigaa ula qaataan, arrintaas oo ahayd mid la wada saxeexay, haseyeeshee ay imminka badhi-furayaan heshiiskii la wada qaatay oo ayna oggolayn wadahadal iyo wada-xaajood lagu xalliyo waqtiga doorashada ee dib u dhacay sida Komishanka Qaranku soo jeediyey.

Xisbiga KULMIYE waxa uu marar badan ku celcelin jirey in Golaha Guurtidu yahay cisaabad ku fadhida sharci-darro oo aan loo baahnayn jiritaankooda, halka dhinaca kale waqtigan xisbiga KULMIYE ku andacoonayo in talada waddanka gacanta loo geliyo Golaha Guurtida.

Haddaba, waa yaabe ma waxa goluhu xalaaloobay markii Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Axmed Siilaanyo ku heshiiyeen sifo reernimo shirkii Gar-adag?

Waxaynu ogeyn in xisbiga KULMIYE guddigii hore ee doorashooyinka qaranka ku tilmaamay waqtigii doorashada madaxtooyada shakhsiyaad dan fuliyayaal u ah madaxweyne Daahir Rayaale, halka uu imminka shakhsiyaadkaasi ku tilmaamo mujaahidiin iyo halyeeyo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE. Arrimahaasi waxay inoo caddaynayaan inaan xisbiga KULMIYE waxa uu shalay lahaa maanta rumaysnayn, waxa uu maanta leeyahayna berri beenin doono.

Xisbiga KULMIYE ma laha mowqif siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin aan ka ahayn fadqalaynta iyo khalkhal-gelinta geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliland. Taas oo ay dhowaan kula bahoobeen hogaankii ururka aan sharciga ahayn ee QARAN oo aan marna caddaysan inay ku biireen xisbiga KULMIYE, laakiin kula xulafaystay mawqifkaas aan kor ku xusnay ee degenaansho iyo dawlad-diidka ah. Waxana muuqata in waxa keliya ee QARAN iyo xisbiga KULMIYE mideeyaa yahay in la rido xukuumada jirta maanta sifo kasta oo ay suurtogal ugu noqoto iyagoo aan xeerinayn shuruucda dalka iyo tartarnka doorashada xalaasha ah.

Xisbiga KULMIYE ma hayo aragti iyo fikir lagu hirto iyo hannaan dal lagu xukumo midna, waxaase buux dhaafisay colaad, qabyaalad, shacbi qaybin iyo wax dumin af iyo adinba ah, manay soo bandhigin marnaba waxa ay ku hana karaan hogaanka dalka. Xisbiga KULMIYE waxa masiirka ummadda kala weyn kursiga oo ay ku fadhiistaan, taasoo u muuqata in haddii siday doonayaan waayaan si kale nabad iyo dawladnimo u jireyn. Marna lagama maqal hoggaanka xisbiga KULMIYE inay aqbalayaan natiijada doorashada haddii laga helo sida ay u caddeeyeen inay ixtiraamayaan una hoggaansamayaan natiijada doorashada madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali-waraabe. Waxaad mooddaa inay shacbiga Somaliland ula dhaqmayaan mid aan qaangaadh ahayn, runtuse waxay tahay in shacabka Somaliland marnaba u diyaar ahayn in laga laga caras qalo mustaqbalka qaaliga ah ee uu higsanayo.”

 

 



Jamhuuriya Online