Gobolka Gabiley , meel Goraygii ka hadaafay dheh,kuwii Dawladda ugu jirayna ay noqdeen, xaabadii kala jabkooda lagu hurinayay

 

 

Afeef: Qalinkaygu runta indhaha kama qarsado , nin walawbana filo , fallaadha cirka loo ganay



Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaanan Allaha weyn idiinka baryaya , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana, xaqana u hiiliya, baadilka iyo dulmigana ka fogaada.



Haddaba,aan hoos ugu dhaadhaco dulucda qalinka, qaddarna aan is dul taago,daahana ka faydo , kuna qaaddaa dhigo arrimo dhab ah, xasaasi ah , una baahan in daaha laga faydo , dibaddana la soo dhigo ...


Xaaladda degaanku ku sugan yahay maanta,waa arrin u baahan, waajibna ku ah,una taalla,shaqsi walbba oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley,oo inuun damiir iyo garasho ilaahay siiyey,arkayana xaaladdaha murugada iyo magac xumada leh , ee baryahan danbe ka soo burqanaya degaanka.


Sidaan wada ognahay,waxa kaliya ee ummad meel wada degan ku qancaan waa Cadaaladda, oo ah seeska (Foundation) nolosha wanaagsan , horseedina kara horumar,talo wadaag , walaalnimo iyo is jaceyl. Haddii taa la waayo,waxay umaddaasi qarka u saaran tahay, inay ka bad baadi weydo, iska hor imaad,colaad ,fa deexad , aakhirkana sababta , in sidii Cawsha la kala yaaco.


Haddaba, aan is weydiine ,sidee wax u jiraan , maxaa siya ,maxaa is bedelay, halkeyse sartu ka qudhuntay .Tan iyo intii Gobolka Gabiley loo magacaabay Gobolnimada,waxaa jagada Badhasaabnimada Gobolka iskaga kala danbeeyey, laba muwaadin, oo ka soo wada jeeda isku Beel hoose ....... Eesh qiyaasak,waar yaa la qal dayaa !!!!


Waxaynu la wada soconaa in Gobolka Gabiley uu yahay , Gobol aad u ballaadhan, deggan yihiin shacab aad utiro badan,oo qabaail fara badan degan yihiin, jiraanna ugu yaraan shan degmo oo waaweyn, kuwaa soo kala ah:


1- Gabiley
2- Arabsiyo
3- Kalabaydh
4- Allay Baday
5- Geed-Balladh
6- Tog-wajaale
7- iyo kuwa kale



Haddaba, waxaa is weydiin mudan,waar umaddii kale:


1- Ma afka Xukuumadda lagula hadlo ayaanay aqoon, oo turjumaan baanay heysan ?

2- Ma dan baanay ka lahayn waxa ka socda degaanka ?

3- Ma afkii baa juuqda gabay ?

4- Ma yaxaas baa liqay ?

5- Ma qabuuaraha lagu duugay,mise waxbaa innaga qarsoon ?


Arrintaasi,waa arin u baahan in lays weydiiyo , lana saxo , umadduna aayahaheeda ka wada tashato.



Ta iigu xigtaa waxay tahay, taariikhdu waa ma guurto,shaqsi walbbana isagaa beerta midhaha uu berri go osan doono, iyo taariikda uu ka tagi doono berrito...Sida dadka degaanku xaqiijinayaan,Badhasaabkii hore , Md. Maxamed Axmed Xabiib , wuxuu ka tagay magac iyo maamuus, mudadii uu xilka hayayna ,wuxu ku dad aalay inuu wax ku soo kordhiyo Gobolka ,shacabkana isku soo dhaweeyo,maalintii uu xilka ka degayayna,w axay dadka degaanku ku sagootiyeen duco, in ilaahay arrimihiisa u fududeeyo. Anna waxaan leeyahay, Aa miin , Allahayaw u fududee arrimihiisa.



Waxaa Kursigii Badhasaabnimada loo caleemo saaray,muwaadin kale , oo magaciisa la yidhaa,Mr.Rashiid Cu mar Sheikh Muxumed,waxaanu maalintaa xilka la wareegay,uu ballan qaaday inuu intii awoodiisa ah , Gobol ka horumar gaadhsiin doono,waxaana qudbdiisii u horeysay, ka mid ahayd," Haddii Badhasaabkii hore uu id iin calaalin jiray, anigu waan idiin tumayaa ,oo waan idiin ridqayaa.".... Bal aan dhawrnno maalmo,ayuu qof waliba hoos u yidhi.



Habeenkii iyo maalintii is dhaafe , Bil walibana tii kale innagu balamisay, maxaase ka danbeeyey,in Badhasa abkii Cusbaa, uu iyagii dubtay, hooyooyinkii fooda islla galeen, caruuri meeday, odayaashii kabaha hore ka ilade, sara joogga shir jaraaid ku qabsade, dalbadeenna in ay si deg deg ah Madaxweynaha iyo Wasiirka A rrimaha Gudaha ula kulmaan
..... Yaab , waar reerkii deganaa , ma col baa galay !!!



Akhrsitaw, weli ma ila socotaa,mise weli qosol baad ku maqan tahay .... Wadhida soo socotaa tii hore ka da rran .............



Xaajaba la yaab lahe,  bal aan qodo xabaalaha !!!


Baroortu orgiga ka weyn,waxaana taa ka sii darran,kuwii magaca Gobolka Xukuumadda ugu jiray,oo aan m arnaba aan wax dareen ah ,wax talo ah ,wax waan waan ah , aan haba yaraatee ka geysan arrimahaa So maliland oo dhan wada gaadhay,ee warkii Bari iyo Galbeed ka dhacay,ee meel walbba laga ogyahay maant a !!!!!


Waxaase akhristaw la xaqiijinayaa, in qaar iyaga ka mid ahi , ay qayb ka yihiin fool xumadan baahday.Waxa anse la socod siinayaa, kuwaa magacii,sharfatii iyo milgadii degaanku ku caan baxay ka leexday , ee munaa faqadda iyo sharka kula dhex jira degaanka,in aan waqti aan fogeyn aan soo gudbin doono , xaqaaiq dhab ah, oo markhaati ma doonto ah , shacbiga Somaliland ay garta qaadi doonaan !!!!


Nin walawba filo,falaadha cirka loo ganay,horaana loo yidhi ,Booraan hadimo ha qodin , adigu ku dhici doon taane mooyee.




Waxaan ku soo gunaanadayaa,qormadan kooban, Gobolka Gabiley ,meel Goraygii ka hadaafay dheh,kuwii Dawladda ugu jirayna ay noqdeen , Xaabadii kala jabkooda lagu hurinayay.



 

 

 

Eng. Maxamed Cali Muse
December 27 , 2010