WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2613/072014 ku maga caabay Gobolka Xaysimo magaalo badaxdiisuna tahay Taleex.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somalila nd;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax ka beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Markuu Ku Qancay: In maamulada loo dhaweeyo shacbiga oo hoos loo daadajiyo;
Wuxuu Go’aansaday;

In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo.
 

 


ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.