JAMHUURIYADA SOMALILAND

GOLAHA WAKIILADA

Ku : Shir-gudoonka Golaha Wakiilada 07/09/2009

Uj : Talo- bixin sharci : Soo jeedin (motion) ku saabsan wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Wakiilada JSL.



Mudane Gudoomiye

Salaamta Islamka ka bacdi,

Tix-raac codsiga Shir-Guddonka ee ku saabsan ujeedada kor ee 06/09/2009

Markaan arkay qod 37aad ee xeer-hoosadka Golaha Wakiilada

Markaan arkay qod 34 (xubinta 3aad iyo 4aad )ee xeer – hoosadka

Markaan arkay qod.14(xubinta 3aad ) ee xeer- hoosadka

Markaan arkay qod 3aad (Xubiinta 1aad)iyo ( xubinta 13aad) iyo (xubinta 14aad) iyo (xubinta 16aad) ee Xeer-hoosaadka

Markan arkay qodobka dasturka ee 64aad .

Markaan arkay Qod 22aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda.

Markaan arkay Qod 16aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda

Markan tixgeliyeey nuxurka soo jeedinta oo ah habka xilka qaadista xubnaha Shirgudoonka Golaha Wakiiladda


Waxa ii cadaatay:-

Soo jeedinta Mudanayaasha Golaha ee kor ku xusan waxay si toos ah u khusaysaa Qod 22aad (xubnihiisa 3aad & 5aad) ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda oo u dhigan sidan: -


Guddida Joogtadu wuxuu awood u leeyahay muddada jiritaanka Golaha in uu soo jeediyo wax ka bedelka ama wax ku kor-dhinta xeer – hoosaadka Golaha iyo fasiraada qodobada Xeer – hoosaadka.
Guddida joogtadu waxay u xilsaaran yihiin wixii ka yimaada isqabad iyo tarjumaada Xeer-hoosaadka iyaga oo la tashanaya la – taliyaha sharciga eee Golaha.


Haddaba maadaama oo si cad ay u qeexan tahay habka sharci iyo maamul ee lagu dhaqayo soo jeedinta noocan ah, waxaa haboon in:-

Loo gudbiyo Guddida Joogtada iyo Anshaxa soo jeedintan sida waafaqsan Qod 22aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda.
In Guddida Joogtada u xilsaaran tahay wixii isqabad iyo tarjumida xeer hoosaadka iyaga oo la tashanaya la taliyaha sharci ee Golaha Wakiiladda.
Waxaa kale oo u banana Golaha in uu si toos ah u gudo galo xil-ka qaadista xubnaha Shirgudoonka Golaha, ayna u codeeyaan 55 mudane sida naska xeer-hoosaadka u qoran yahay waqtiga la joogo. Waxaa haddaba xusid mudan in qodobo xeer-hoosaad ama dastuur ee wadanka Somaliland qaatay lana wadaagto Dawlado badan oo aduunka ah in xil u magacaabidu ay ku ansaxdo cod hal-dheeri ah (simple majority). Laakiin marka ay timaado xilka qaadista loo baahdo aqlabiyad ka badan 2/3 majority (absolute majority).
Waxaa kale oo u banana in Golaha Wakiiladdu uu tixgeliyo duruufaha iyo waaqaca siyaasadeed ee maanta taagan.
 

Wa billaahi Tawfiiq

Axmed Cali Kaahin

Lataliyaha Sharci ee Golaha Wakiilada

 

 


 



JAMHUURIYADA SOMALILAND

GOLAHA WAKIILADA

Ku : Shir-gudoonka Golaha Wakiilada 06/09/2009

Uj : Talo- bixin sharci : Mooshin Maamuus-ka xayuubin iyo Eedayn Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee JSL

Mudane Gudoomiye

Salaamta Islamka ka bacdi,

Tix-raac codsiga shir-guddonka ee ku saabsan ujeedada kor ee 05/09/2009

Markaan arkay qod 37 ee xeer-hoosadka Golaha Wakiilada

Markaan arkay qod 34 (xubiinta 3aad iyo 4aad )ee xeer – hoosadka

Markaan arkay qod.14(xubinta 3aad ) ee xeer- hoosadka

Markaan arkay qod 3aad (Xubiinta 1 aad)iyo ( xubinta 13aad) iyo (xubinta 14 aad) iyo ( xubinta 16aad) ee Xeer-hoosaadka

Markan arkay qodobada dasturka ee 9aad (xubita 1aad) iyo qodoobada 37&38

Markan arkay Qodobada dasturka ee 14,54,iyo 55aad

Markan arkay qodobada dasturka ee 83,96 iyo 129aad

Markan tixgeliyeey tilmaamaha iyo dhacdooyinka ku xusan Moosinka kor ku xusan ee la soo hor dhigay Golaha Wakiilada.





Waxa ii cadaatay:-

In ay soo jeedintu waafaqsan tahay dasturka qaranka JSL, Xeer hoosadka Golaha Wakiilada iyo Shurucda kale ee la xidhiidha.
In Golaha Wakiiladu Awood Sharci u leeyahay in u ka doodo go’aan ka soo saaro Mooshinka kor ku xusan si waafaqsan dasturka qaranka, Xeer hoosadka Golaha wakiilada iyo Shurucda kale ee la xidhiidha mooshinkan.
Waxaa kale oo u baanan Golaha Wakiilada in uu tixgeliyo duruufaha iyo waaga siyaasadeed ee manta taagan.

 


Wa billaahi Tawfiiq
 


Axmed Cali Kaahin
Lataliyaha Sharci ee Golaha Wakiilada