Gaaskii Diyaaradaha Oo Berbera
La Keenay Markii Uu Maalmo Ka Go’naa

Ganacsade Cawil Cawl Cabdillahi
Berbera (TNN) – Gaaska Diyaaraddaha oo maalmihii ugu
danbeeyay ka go’naa dalka ayaa maanta ga adhay Haamaha Kaydka
Shidaalka Ee Berbera.
Gaaskan oo sidda warku sheegay si weyn loo suguyay ka dib markii uu
kalla go’ ku yimi markii xukuu madda Somaliland ay tirtirtay
Heshiiskii
lagula jiray Shirkadda Total. Ayaa waxaa geeyay Berbera
G anacsade Cawil Cawl Cabdillaahi,
oo sidda uu sheegay ay gudidii loo xil-saaray
in ay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira haamaha iyo Madaxda Gobolka
Saaxil ka dalbadeen in uu daboolo baahidda loo qa bo gaastan cad ee
ay
isticmaalaan Diyaaraduhu inta ka horeysa tartan loo dhigi doono
shirkadaha Ganacsiga ee Somaliland, sidaasna ay ku keeneen iyaga oo
dhawaana ka qeyb gali doona tartan ay qaban doonaan gudida
qandaraasyadda qaranka oo loogu tartamayo cidda keenaysa gaastan cad
ee diyaaradaha sidda uu saxaafada u sheegay Cawil Cawl Cabdilaahi.
Gaastan oo ganacsadduhu ka keenay sidda uu sheegay deg-deg looga
dalbadday dalka Djibouti ay aa warku sheegay in shalayba lagu shubay
Haamaha Kaydka Shidaalka.
Cawil Cawl waxaa uu sheegay in shirkadaha diyaaradah ee Macaamilka
la
leh garoonka diyaaradaha ee Berbera ama garoomadda kalle ee dalka
iyo
cid kasta oo Daneynaysa gaasta cad ee diyaaradaha ay kaga iibin
Doonaan qiime aad uga jaban qiimihii ay siin jirtay Shirkada Total
ee
imika laga caydhi yay fara ku haynta Haamaha iyo iibka shidaaladda ay
keenaan Ganacsatada reer Somaliland iyo Tot alba, waxaana hadaladdii
ganacasadde Cawil Cawl ka mid ahaa Sidan
“ Marka hore, waxan u mahad
celinayaa qoladiinan saxaafadda ee maanta (Shalay) halkan nagu soo
booqatay, Marka labaad waxa an u mahad naqayaa Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaan yo) iyo
Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo dhamaan Xukumada Somaliland, waxa
anaga na soo war ga lisay gudidii loo xilsaaray inay wax ka qabtaan
baahiyaha
haamaha, waxaanay nagu wargaliyeen g udidaasi in uu kala go’anyay
gaasta ay isticmaalaan diyaaraduhu ee loo yaqaan Oil Jet 1, waxaanay
guddidaasi naga codsadeen in aanu si dag-daga u keeno gaastaa
diyaraadaha ee Oil Jet 1.
Dabadeetana anaga oo kaabayna go’aankii
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaanu ama rkii Gudida
Qaadanay,waxaana aanu markiiba ka dalbanay booyadihii keeni jiray,
waxaananu ka dalb anay halkii laga dalban jiray oo ah dalka aynu
Jaarka nahay ee Jabuuti, waanad aragtaan oo waat aa la shubayo
booyadihii, ta kalle waxa iyana nagu dhiiri galiyay in aanu keeno
gaastan gudida
qan daraasyada qaranka oo iyana yidhi sii wada hawshaa keenista
gaasta diyaaradaha hadhawna waxa ad ka mid noqonaysaan shirkadaha
galaya tartanka loo yaqaan(Bidh),laakiin immika waxa aanu sii
kifeynaynaa oo aanu qoraal ku haysanaa in aanu kala go’in gaasta
diyaradaha ama aan laga waayin garoonka diyaaradaha ee Berbera
gaasta loo yaqaan nooceeda Oil Jet1, waananu wadaynaa illaa inta ay
gudida Qandaraasyad da qaranku qabanayaan tartankaa oo aanu ka
qeyb-gali doonno hadd ii ilaahay
yidhaa.” Ayuu yidhi.
Gaastan oo ay siddeen booyado ka soo daabulay dalka Jabuuti, waxaa
hawshoodda shubista Gaasta diyaradaha bilaabay shaqaalihii caadiga
ahaa oo waqtigan ka mid noqday shaqaalaha Dawlada ee haamaha, halka
ay markii hore ahaayeen shaqaale shirkadda gaar ah u shaqeeya.
Dhinaca kalle shir kadaha diyaaradaha ee macaamilka la leh garoonka
Berbera ayaa iyaguna soo dhaweeyay talaaba dan loogu keenay Gaasta.
Source:Somaliland.org
|