Hargeysa: 23 Sano Ka Dib Madaarka Caasimadda Ee Egal Inter national Airport Oo Dib U Helay Koronto 24-Ka Saac Ah


 

 


Hargeysa, July 12, 2011 (TNN) – Wasiirka duulista iyo hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday shalay inay ku guulaysteen inay xaliyaan caqabad mudo 23 sanood ah Korontadda ka haysatay madaarka caasimadda ee Egal International Airport, kaas oo sheegay inuu hada madaarkaasi la jaanqaadi doono garoomadda caalamiga ah, isla markaana laga heli doono dhamaanba Adeegyadii looga baahnaa madaar caalami ah.

Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu u mahad celiyey shirkada iyadu suurta galisay in madaarkaHargeysa uu noqdo mid ka baxa baahidii Korontadda, kaas oo uu tilmaamay inuu hada wixii ka danbeeya uu heli doono koronto 24-ka saac ah.

Wasiirka ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay ka hadlayey xaflad loo qabtay hirgalinta mash ruucan wax lagaga qabanayo caqabadihii madaarka caasimadda ka haystay xaga korontada, kaas oo kee nay in madaarku u cadilmo in badan, balse hada tibaaxay in ay ka baxeen baahiyahaas. Ugu horayna isaga oo wasiirka arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan jeclahay inaan ugu horayn halkan uga mahad celiyo shirkadda Kaah Electric Compony iyo masuuliyiinta wasaaradda ee arintan ka soo shaqeeyey, mada xda madaarka Igal International Airport iyo bahda saxaafaddaba aad ayaan ugu mahad naqayaa, waxa si fiican u iftiimiyey baahidda madaarka ka jirta maareeyaha madaarka Ridwaan iyo Eng. Cabdi Cali Barkhad, kuwaas oo runta ka sheegay baahiyaha jira ee loo qabo in madaarku helo Koronto 24-ka Saac ah.

 Madaarka Igal International Airport oo ah madaarka ugu wayn dalka waxa haysatay dabyari, taas oo aa nu hore u haysan koronto ku filan, balse hada wixii ka danbeeya uu heli doono koronto ku filan. Qofkasta oo arkay madaaradda caalamiga ahi wuxuu ogyahay sida hawlaha madaarku ugu xidhan yihiin dabka, had ay noqon lahayd xaga amniga iyo haday noqon lahayd adeegyada kale ee madaarku bixiyo-ba. Dhibta hal kan ka jirtay waxa cadeeyey Eng. Cabdi Cali Barkhad, waxaanu sheegay in dhawr iyo labaatan sano ka ho r ay ugu danbaysay madaarkani inuu helo koronto 24-ka saac. Waxaan qabaa in 23-kaas sano la dadaala yey oo aynu dadaalaynay balse awoodu inoo saamixi wayday, ragii iiga horeeyey wasaaradan waxaan qabaa in nin waliba meel soo gaadhsiiyey oo ay dhamaantood dadaal la wada yimaadeen, isla markaa uu wakhtigu u saamixi waayey”.

Maxamuud Xaashi Cabdi isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Intii aan wasaaraddan masuulka ka ahaa waxa dhibaatooyin badani naga haysteen laba mishiin oo halkan yaalay, kaas oo mid ka mid ahi ja bay, isla markaana ay nagu kaliftay inaanu keeno mishiin kale oo amaano ah. Warwarka aanu ka qabno inay sidii loogu talo galay ay u baxaan waxaanu ku tuntuunsanay in uu midi habeenkii oo kaliya baxo oo aanu ku ilaalino Sucurity-ga madaarka wakhtiyadda habeenkii ee gudcurka ah. Taasi waxay keentay in ay meesha ka baxdo shaqadii maalintii ee Sarvice-kii loo baahnaa, madaarku habeenkii ma shaqeeyo, marka laga reebo laba habeen oo uu Falayt leeyahay. Imika waxaynu ku soconaa in beesha caalamku Madaarkeena u aqoonsato mid habeenkii shaqayn kara oo wadadeedii ayeynu haynaa inkasta oo aan hada la aqoonsanayn. Waxaan shacbiga u sheegayaa in maanta wixii ka danbeeya uu madaarkeenu u shaqayn doono si caadiya oo 24-ka saacadoodba ay Computer-radeenu shaqayn doonaan maadaama oo aynu helnay koronto inagu filan”.

Eng. Cabdi Cali Barkhad oo ka mid ah madaxda shirkadda Kaah ee korontadda siisay madaarka Egal International Airport, oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Ka dib markii wasaaradda duulista iyo hawadu naga codsatay inaanu ka caawino dab lagaga shaqeeyo madaarka Igal International Airport, markaas ayaanu anaguna anaga oo eegayna mihiimadda madaarkani u leeyahay bulshadda ka ogolaanay inaanu u diyaarino koronta awood u leh in madaarka laga shaqeeyo 24-ka sac. Madaarka Hargeysi waxa uu wakhtiyadii hore korontadda ka qaadan jireen warshadii Korontadda ee Hargeysa waa 28 sanadood ka hor, qalabkii oo dhana waa la bililiqaystay. Markii warshadda la kiciyeyna waa la awoodi kari waayey in la soo gadhsiiyo, markaa shirkadda Kaah oo ah shirkad Privet ah oo ah shirkadda ugu wayn Hargeysa, macaa ta dawladda marka lagu daro, warshadaha kale-na hadalkooda daaba. Magaaladda in badan ayaanu daaqnaa waxaan odhan karaa 40% ayaanu dabka siinaa magaaladda Hargeysa. Mashruucan waxa ku baxay $40,000, Mar waanu danaysanaynaa oo macmiil culus oo aanu yeelanay hay’ad ahaa weeyi dabka aanu siinayno Airporta Igal International Airport, marna dalkeena ayaanu u horseedaynaa horumar oo hadii madaarkeenu sidaa ku sii socda waxa uu dhawaan noqon doonaa Insha Allaah Madaar Caalami ah, waxa noo qorshaysan in xataa Madaxtooyadda laftigeeda aanu anagu Kaah ahaan siino korontada. Dhawaan waxaanu soo bandhigi doonaa awoodayada koronto hay’ad ahaan, awoodayada koronto waxa ay gaadhsiisan tahay inaanu Hargeysa dhinacwalba uga socono 40KM”.

C/raxmaan Cismaan Aadan oo ka mid ah Madaxda sare ee shirkadda korontada ee Madaarka siisay dabka ee Kaah, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa farxad noo ah in madaarkii caalamiga ahaa ee Igal International Airport uu helo koronto ku filan oo 24 saac ah, waxaan arintaas iska kaashaday shirkadda Kaah iyo wasaaradda duulista runtii waa talaabo horumarka wasaarada sii xoojinaya, sababta oo ah korontadu waa baahida ugu wayn ee madaarku qabo haday ahaan lahaan lahayd xaga Sucurity-ga iyo haday ahaan lahayd xaga Sarvice-ka ay dadka madaarka ka duulaya ama ka soo dagayaa ay u baahan yihiin”.

Waxa isaguna madasha ka kalmadiisa ka yidhi agaasimaha guud ee wasaarada duulista iyo hawadda Axmed Dalal Faarax, waxaanu yidhi “Waxa farxad ii ah inaan goob joog noqdo arin in badan uu u dhutinayey madaarka Igal International Airport, kaas oo ah inaan goob joog u noqdo markii ugu horaysay ee madaarku helo Koronto 24-ka saacadood ah. Anigu xaga farsamadda ka hadli maayo ee waxaan ka hadlayaa oo aan bulshadda u sheegayaa in maanta ay bilaabantay wadadii uu ku hiigsan lahaa madaaradda caalamiga ah ee aduunyadda, kaas oo ay ka hortaagnayd koronto ku filan oo aanu markii hore madaarku lahayn”.
 

 

Source:Haatuf