
Architectural.Eng
Hussein Adan Igeh
(Hussein
Deyr)
(UK & Holland)
Eng./IT-er & Network Specialist Mohamed Ali Muuse
Waxaan marnaba muran
ku jirin in TNN ay
shabakadaha kale kaga
soocan tahay dhex dhexaa dnimada, maqaallada
tayada leh, iyo wararka isku dheellitiran ee aad
akhristayaasha u soo gu dbisaan.
Hambalyo baaxad leh halkaana ka sii wada.
Architectural.Eng Hussein Adan
Igeh (Hussein Deyr) (UK & Holland)
Wa Billaahi Tawfiiq,
Guul, Horumar iyo
Aqoonsi Somaliland
.........................................................................................................................................................
Gacan
Haadis

Architectural.Eng
Hussein Adan Igeh
(Hussein Deyr)
(UK &
Holland)
Professor Ahmed Ismail Samatar
iyo Professor Abdi Ismail Samatar
Waxaan idin odhan lahaa:
“Ha
is Martiyeynina Abtiyaal! Somaliland waa dalkiinnii aad
ku dhalateen, una dhalateen. Aqoontiina iyo magaca weyn
ee aad leedihiinna, marka ugu horraysa Somaliland baa
xaq iyo xasuusba idiinku leh! Mashruucii Soomaali Weyna
Socon Waa !”
1.
Hordhac:
Professor Ahmed Ismail Samatar iyo Professor Abdi Ismail
Samatar waa laba aqoon-yahan oo wada dhashay, waxayna ka
mid yihiin aqoon-yahannada sida weyn looga yaqaanno
loogana qadariyo guud ahaanba bulshada afka-Soomaaliga
ku hadasha iyo weliba bulsho weynta caal amka ee
arrimaha Soomaalida daneeya. Waxa ay ku dhasheen una
dhasheen Jamhuuriyadda Somaliland, siiba magaalada
Gabiley ee Gobolka Gabiley. Waxa ay ka soo jeedaan qoys
si aad ah loogu tixgeliyo aqoonta iyo hoggaan
dhaqameedka bulshdaba.
Labadan Professor ee walaalaha ah, waxaa lagu tiriyaa
inay yihiin aqoonyahannada sida aad ka ah u
aaminsan fikirka Soomaali Weyn iyo in aanay Soomaaliya
kala go’i karin, sidaa dartee dna fikir ahaan ka
soo horjeeda in Jamhuuriyadda Somaliland ka go’do dalkii
la isku odhan jiray Soomaaliya. Arrintani waxay dhalisay
colaad ay bulsho weynta Somaliland iyo dawladda
Soma liland-ba u qaadaan labadan aqoon-yahan ee iyaga ka
dhashay, loona arko rag ka soo horjee da gooni
isu-taagga iyo madax bannaanida Somaliland.
Iyada oo ay dhici
karto inaan qaldanahay, qof ahaan waxa aniga haatan ii
muuqda saadaal iyo ifa-faale ka duwan tan kor ku xusan,
taasoo dhallin karta isu soo dhawaansho iyo soo debac.
Waxa keliya ee loo baahanyahay waa gacan haadis iyo wada
hadal si ay u timaaddo is garwa aqsi iyo in la
iska qanciyo xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland ka jirta
iyo in fikirkii ahaa SomaliWeyn uu haatan yahay mid aan
shaqaynayn.
Waxana ila habboon in
fikirka iyo aragtida shaqsiga ah ee ay labadan
aqoon-yahan aaminsan yihiin aan colaad iyo xumaan
midnaba loogu qaadin.
2.
Ciddii doonto ha guulaysato, dagaalku waa mid sii socon
doona:
Dulucda iyo ujeedada
maqaalkaygani waxay daba socotaa, faallo koobanna ka
bixinaysaa do od uu Telefishanka Caalamiga ah ee
Al Jazeera English 14-02-2010 baahiyey, dooddaas oo uu
Professor Ahmed Ismail Samatar ka qayb qaatay, isaga iyo
laba nin oo kale lagagana hadlayey xaaladda nabad-gelyo
ee sii xumaanaysa iyo dagaallada ka socda dalka Somaliya,
gaar ahaan na koonfurta dalkaa.
|http://english.aljazeera.net/programmes/insidestory/2010/02/201021513640589730.htm|
Dooddaa iyada ah waxa lagu bilaabay Professor Ahmed I.
Samatar, waxana uu fursad u helay inuu ka hadlo
daqiiqadihii (4’:02”); (07’24”); (15’18”); (23’59”).
Waxa uu dhaleecayn dusha uga tuuray m/weynaha Soomaaliya
Sh. Shariif Sh. Axmed oo uu ku tilmaamay inuu dhibta
had da Soomaaliya taagan qaybta ugu weyn ku leeyahay,
dawladdiisa taagta daran lihina ay ka sii liidato tii ka
horraysay kuna guul darraysatay wax kaleba iska daaye
inay nabadgelyada Xam ar oo keliya sugto, dalka
intiisa kalena hadalkiiba daa.
Professor A.I. Samatar waxa uu sheegay inuu isagu beri
hore, muddo aan dhawayn ka sii dig ey bur-burka
baaxadda leh ee Soomaaliya ku soo fool leh, isagoo si
adagna u dhalliilay guud ahaanba hoggaamiyeyaasha
dhaqanka, kuwa siyaasadda iyo aqoon-yahannada reer
Sooma aliya. Waxa uu ku sifeeyey inay yihiin kuwo ka
hoogay dareenkii dadnimo, ummadnimo iyo kart idii
ay dadkooda dhinaca wanaagsan ugu jahayn lahaayeen si ay
dhibaatada iyo colaadda daa shatay uga saaraan.
Professor Ahmed I. Samatar waxa uu si adag u dhalliilay
wax garadka iyo hoggaamiyeyaasha reer Soomaaliya waxana
uu ku tilmaamay kuwo aan iyagu marnaba ka sh
aqaynin wixii umadda u dan ah, balse xukunka, taladaba
iyo taageerada dhaqaale ee beesha caalamku dadka
dhibaataysan u soo fidiso ay dano iyo ujeedooyin iyaga u
gaar ah u adeegs adaan Professor Ahmed I.Samatar
waxa uu ku dooday in dhibta iyo halaagga Soomaaliya ka
socda 20-kii sano ee ugu dambeeyeyna aysan bulshada
caalamku eed badan ku lahayn, balse ay reer koonfureedku
yihiin kuwa iyagu eedda koowaad iska leh. Waxa kale oo
uu Professor Ahmed Ismail Samatar si cad u sheegay in
dawladda Sheekh Shariif aysan haba yaraatee ka duwanayn
kuwii hore u soo maray Soomaaliya, haddii uu Sheekh
Shariif guulaysto iyo haddii ay Al-Shabaab guulaysatoba
dagaalku waa mid ka sii socon doona koonfurta dalka
Soomaali ya.
3.
Ha laga jeesto Somaliya(Muqdisho), ha loo jeesto
Somaliland:
Waxaa xusid mudan, intii ay dooddu socotay qaabka uu
Professor Ahmed Ismail Samatar uga hadlay qadiyadda iyo
xaaladda Somaliland.
Somaliland waxa uu
Professoorku ku tiriyey weli gobol ka tirsan dalka
Soomaaliya. sida uu had alka u dhigay. Balse waxa
uu Professor Ahmed Ismail Samatar si weyn u qiray
wanaagga, xas iloonida, maamulka dawladnimo ee ay
Somaliland dhisatay iyo adeegyada bulshada ee
Somalil and ka hirgalay. Waxa uu bulshada Somaliland ku
tilmaamay inay yihiin dad iyagu leh dareen ummadnimo,
garanayana waxa ay yihiin iyo cidda ay yihiin.
Professor Ahmed
Ismail Samatar waxa uu si cad ugu baaqay bulshada
caalamka, waddamada arrimaha Soomaaliya safka hore kaga
jira iyo cid kasta oo dooddiisa dhegaysanaysaba, haddii
la doonayo in arrimaha Soomaaliya xal waara loo helo, in
la gaadhay waqtigii ay bulshada caal amku u jeesan
lahayd ahmiyadna u siin lahayd waxna la qaban lahayd
maamullada ku guulays ta inay dhistaan nabad-gelyo
iyo xasiloonida sida Somaliland oo kale, Puntland-na
xagga dam be ayuu ka raaciyey.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay
in bulshada caalamku Somaliland wax la qabto
maal-gelinna ku sameeyaan, taasoo aan macnaheedu ahayn
in Somaliland laga gooyo Soomaaliya inteeda kale.
Waxa kale oo uu si
aan gabasho lahayn bulshada caalamka ugu baaqay in la
gaadhay waqtigii Muqdisho la iska illaawo lahaa, meelaha
nabadda iyo horumarku ka jirana wax lala qaban lah
aa. Sababta oo ah ummadda Soomaaliyeed gebi ahaanba
20-kii sano ee ugu dambeeyey Muq disho oo keliya
ayay u afduubnaayeen, bulshada caalamkuna wax guul ah
Muqdisho ka gaadhi weyday.
4.
Geba-gabo:
Guud ahaanba dooddii
Professor A. I. Samatar ee Telefishanka Al-Jazeera/English
uu baahiy ey, muuqaalka laga dhex akhrisan karayey
waxa uu ahaa in Professoorku aaminsan yahay in
Somaliland weli tahay gobol ka mid ah dalkii Soomaaliya
la isku odhan jiray, taasi oo ah arrin tilmaamaysa in
Professor Ahmed Samatar uu ilaa hadda aaminsan yahay in
aanay Somaliland ka go’in Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxa
muuqata in Professor Ahmed I.Samatar uu quus, faro
madhan iyo rajo la’ aan ka joogo in dalkii la isku
odhan jiray Soomaaliya uu mar kale sidiisii hore ku soo
noqdo. Waxa dhici karta in Professor Axmed Ismail uu
haatan garawsaday xaqiiqada dhabta ah iyo waaqiciga aan
la dafiri karin ee isaga maanta horyaalla. Dabadeedna
waxa uga soo baxay sa wir maqal iyo muuqaalba leh
si cadna runta uga tarjumaya: horumarka bulsho iyo
bisaylka um adnimo ee Somaliland yaalla iyo
xaaladda ka sii daraysa iyo rajo la’aanta koonfurta
Soomaali ya ku habsatay (Rabbi iyagana Talada ha
waafajiyee). Waxa dabadeed Professoorka dhegihi
isa ku soo dhacay dhawaaq dheer oo farriin adag sida oo
leh: “Laba la Isku Dherersho oo Isku Dhiganta Maaha!
Kala daaya! Islama jaan qaadi karaan! Hana ku daalina
Soomaali Weyn iyo midnimo Soomaaliyeed.”
Isku soo wada duuboo
waxa barnaamijkan dooda ah ka dhex muuqata in Professor
Ahmed Is mail Samatar uu si cad u qiray wanaagga
iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, isla markaana uu
bulshada caalamka ugu baaqay in la gaadhay xilligii
Somaliland lagu abaal marin lahaa naba dgelyada,
horumarka iyo wanaagga ay kasbadeen.
Haddaba, inkasta oo ay aad iyo aad u wacnaan lahayd
Professor Ahmed iyo Professor Abdi Is mail Samatar
oo u olole ugu jira qadiyadda gooni isu-taagga
Somaliland, taasoo faa’iido weyn dalka iyo dadka
Somaliland u soo hooyn lahayd, waxaan qabaa in qofka
ficilkiisa lagu naco, bals e fikirkiisa iyo aragtidiisa
qof ahaaneed aan lagu nicin ama aan colaad loogu qaadin.
Waxa muuqata oo ah
arrin jirta in labadan aqoonyahan fikirkooda iyo
aragtida ay aaminsan y ihiin dhalisay colaad loo
qaado. Waxaa xusid mudan in aaniyagu ugu horraynin
aqoon-yahanno u dhashay Somaliland oo aaminsan mabda’a
Soomaali Weyn ama u ololeeya inaanay Soomaa liya
kala go’i karin. Rag badan oo magac leh oo dhalasho
ahaanna Somaliland ka soo jeeda ay aa fikirkaa
iyaga la qabay, tusaale ahaan Madaxweynihii ugu
horreeyey ee Jam. Somaliland (AL.H.U.N.) C/raxmaan
Ahmed Cali (Tuur), Jaamac Max’ed Qalib, Ismail Buubaa,
Sifir, Maxamed C/laahi Oomaar iyo kuwo kaleba oo
qaarkood laga yaabe inay haatan qaranka Somaliland
xila lba u hayaan.
5.
Talo soo jeedin:
Sida ugu wacan ee fikirka qofka lagu waajihi karaa waa
fikir iyo aragti tiisa ka soo horjeedda, iyada oo aan
colaad iyo calool xumo midnaba loo baahnayn in loo
muujiyo.
Waxay ila tahay in Professoorada ilma Ismail Samatar
ayna sidaa u sii fogeyn, waxa dhici kart a inayna
diidanayn Somaliland iyo jiritaankeeda, balse ay jirto
wax kale oo ay diiddan yihiin am a ay saluugsan
yihiin. Xukuumadda Somaliland weli iskuma hawlin inay
soo jiidato aqoon yaha nnadan Somaliland u dhashay,
oo ay deristo bal fikradda ay iyagu hayaan iyo sida ka
wanaa gsan ee Somaliland u dhaami lahayd sidaa ay maanta
tahay.
Wax garadka, aqoon
yahannada iyo xukuumadda Somalilandba waxaan kula talin
lahaa in Prof essoorada ilma Ismail Samatar loo
gacan haadiyo, lala doodo oo laga qanciyo haddii ay wax
t abanayaan. Waxaynu tusaale aad u wanaagsan u soo
qaadan karnaa dooddii xiisaha lahayd ee Radio Dalmar
daadihinayey ee dhex martay Xoghayaha Arrimaha Dibedda
ee Xisbiga Kulmi ye Dr. Mohamed Abdillahi Omar iyo
Professor Ahmed Ismail Samatar 03/07/2008.
Waxaan aaminsaanahay
inay inna hagto aragtida odhanaysa:“Ha fogeynin aqoon
yahankaaga iyo wax garadkaaga. Intii ay cid kale ka
faa’iideysan lahayd ama ay wadan lahayd, adigu soo
dhawee oo ka faa’iideyso. Fikirkiisana ugu dulqaado,
xataa haddii uu qaldan yahay. La arkee inaad taada ku
soo riddo”.
Professoor Ahmed iyo Professoor Abdi Ismail Samatar
waxaan iyaga jeclaan lahaa inaad ku id haahdo:
“Haybad Waxaad ku Leedahay Dalkaaga Hooyo. Cidna
idinkama xigto Somaliland. Waa dalkaad ku dhalateen ee
aad u dhalateen. Aqoontiina iyo magaca weyn ee aad
leedihiinna, marka ugu horraysa Somaliland baa xaq iyo
xasuusba idiinku leh! Mashruucii Soomaali Weyna Socon
Waa! Ha is Martiyeynina Abtiyaal! Marka aad Somaliland
wax la qabataan, Somali inteeda kalena wa xbaad u
qabateen.”.
“May ahayn in fikirkiina colaad la idiinku qaado. Balse
madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirto. Idinkaa
ah aqoontii ugu sarraysay ee bulshada, waa idinka kuwa
ummadda hagi lah aa. Ku soo hirta halka aad u dhalateen.
Idinka oo dhex jooga dalkiinna iyo ummadda aad ka dh
alateen, u soo bandhiga fikirka iyo aragtida aad
aaminsan tihiin.”
“Bulshada Somaliland aad bay u jecel yihiin in
walaalahooda ay wada dhasheen ee Somaliya ay wax u
hagaagaan. Waxyaabaha dhacay 20-kii sano ee la soo
dhaafay, denbiyada iyo jariima daha la galay,
xataa haddii ay koonfuri xasisho oo ay talada haleelaan, waxa xaqiiqo ah in aa nay meeli
idiinka bannaanayn meeshaa.
Waxa idin hurran Somaliland”.
“Ugu dambayntii, magaaladii
aad u dhalateen ee Gabiley
oo aan rumaysanahay inayna marn aba xasuustiinna
iyo xiskiinna ka guurin,
waxtarkiinna way idinka
sugaysaa, siiba
jaamacadda Timacadde University ee
dhawaan Gabiley laga asaasay.”
Wa Billaahi Tawfiiq,
Guul, Horumar
iyo Aqoonsi Somaliland
Architectural.Eng Hussein Adan Igeh
(Hussein
Deyr)
(UK & Holland) |
|