Gabiley: Gobol Qarka U Saaran In uu Yeesho
Toban Badhasaab




waxaa ka dhacday Gabiley nidaam “qaybi oo xukun” ah markii ay xukuumadu ku fashilantay una suuroobi weyday waxay go’aansatay inay beel beel u kala jabiso,..BY C/RASAAQ SH.CALI ASK AR

 


Gabiley waa gobol balaadhan oo ay degaan bulsho aad u tiro badan oo Halgankii, Nabadayntii iyo dib u dhiskii Qaranka kasoo qaatay kaalin lama illaawaan ah., maanta ma jecli inaan ka hadlo oo hore ayaan uga soo hadlay haddii ay tahay dhaqaalaha Rayaale kasoo urursado gobolka, da yaca balaadhan ee dariska la noqday ee saameeyey guud ahaan adeegyadii bulshada mudada sideeda sanno ee uu dalka lee-leelinaayey Ina Rayaale Kaahin, balse maanta waxa jira siyaasad ugub ah oo dalka ku cusub oo maanta Gabiley ka bilaabantay waa xeeladaha inta badan caanka ku yihiin hogaamiyayaasha ku fashilma hogaaminta toosan iyo hirgelinta masuuliyada ay  xam baarteen, waa fursadda u dambaysa cimri nololeedkooda hogaamineed , waa haraatida u  damb sa ee ay umadooda dhaxalsiiyaan, waa khaatum ku noqota taariikh – nololood-kooda dambe mid laga sheekeeyo. Arintaansi waatan maanta ka onkoday xarunta gobolka gabiley , waa mida ay shacabka gabiley ku waabariisteen 27 March 2010 waa dhacdo aan taariikhda umadda gabiley aan hore usoo marin, waa umadd abtirsiintoodu tahay oo kali ah gabiley, waa gobol bulshadiisu ka madaxbanaan tahay waxa uu xisbiga udub ula shiryimid , waa shacab markay ka quusteen xukuumadii sida ilduufka ah hogaanka ku hantiday go’aansatay inay iyagu wax dhistaan. Hadii ay tahay Jaamacada, Cisbitaalka , Dariiqada iyo alle kuma keeno mar dambe e markay dhacdo masiibooyinka dabiiciga ahi inay ka qaataan qayb laxaad leh, waxaanan leeyahay qurbajooga iyo ganacsatada gabiley “Laa shukuri calalwaajib” waajib idin saarnaa ayaad gudateen, nasiib-darro-se in tacabkiinii iyo xoolihiinii aad u hurteen ummadiina in lagu magacabaa cid aan geyin balse taariikhdu waa mid qoran oo shacabku idiin ogyahay.



Haddii aan usoo noqdo nuxurka qoraalkaygan ; waxaa ka dhacday Gabiley nidaam “qaybi oo  xuk un” ah markii ay xukuumadu ku fashilantay una suuroobi weyday waxay go’aansatay inay beel beel u kala jabiso , waa beelihii midka ahaa ee aan ku kala abtirsan jirin beelo ee ay abtirsiin – toodu ahayd gabiley, midnimada waxaa ka markhaati kacay mar dhalin yaro-fara ku tiris ahaa oo markoodii horeba qirey inayna meelna ahayn ay iskugu yeedheen si waxogaa maalin dagaal ah iyo koofiyado ugu qaybiyaan , isla markaana ay kusoo xuleen beel ahaan .Telephone ayaa rag igula soo hadleen , waxay igu yidhaahdeen C/rasaaqoow maanta badhasaabkii ayaa  taage ero loo muujinayaa, waxaan ugu jawaabay ma reer gabiley ayaa u muujinaya oo uga  mahad  ce linaya lacagihii qurbajooga iyo ganacsatada gobolka gabiley ay ugu deeqeen ; Jaamacada , Cisbitaalka , Dariiqyada oo illaa hadda inta la ogyahay uu sifiican u maamulay , kana illaaliyey Golihii degaanka ee sida wax loo farsameeyo uun yaqaan ee ay shanta computer ee qurba joogu soo direen ka nabadgaliwaayey.

Waxay iigu jawaabeen maya reer gabiley maaha ee waa reer hebel ayaa taageero u muujinaya ! waxaan ugu jawaabay oo beelihii kale markaad ka sheegataan badhasaabkii afartiinan qof ee lunsani miyaanay beelihii kalena beel-walba afartoodii ka ambaday intay Inay Rayaale u tagaan odhan maayaan Madaxweyne badhasaabkii beel heblaayo afartii kaala socday ayaa sheegataye anagana hebel baanu kuu wadnaaye noogu magacaw badhasaab. Oo miyaan la odhan Karin dantii uu kalahaa 50 wasiir ee uu dalkeenan yar ee aan la aqoonsan u sameeyey dhib kuma laha inuu dan-moodo 10 badhasaab oo ay gabiley yeelato si uu beel walba u raali geliyo illeen  beela ha gobolka gabiley degaa kama yara toban beelood e.

Waxaan kusoo gunaanadayaa nin baa laga hayaa ma fadhi xumaantiisiibuu …………..! ma  fara madhnaantii iyo dayacii reer gabiley ka joogee xukuumada Rayaale ayay ugu darsantay qaybi oo xukun iyo in toban meelood loogu qayb qaybiyo shacab iyo bulsho isku duubnaan jirtay, waa nidaam loo qorsheeyey in marka bushadda sidaa loo qayb qaybsho kadibna colaad laga dhex abuuro si ay uga faa idaystaan balse cida taa ku fikireysaa waxaan leeyahay qudun quutoy ku quuso , reer gabiley ka helimaysaane ma haysaan arin kale? malaha waxaa idiin fiicnaan lahayd in biriijka Kala-baydh illaa Madaxtooyada xidhiidhiya in marka uu marayo dooxoo arabsiyo aad yara hakisaan oo aad biriij uga dhistaan dooxaa dad iyo duunyaba halakeeyey wakhti  roobaa dka waxaa laga yaabi laha in aad waxogaa taageero ah ka heli lahaydeen wallow wakhtigii  toob ada la aqbalayey ay gabogabo ku dhawdahaye, halka aad ku fikireysan qaran baabiin iyo bulsho qayb qaybin.

Wabillahi tawfiq

 

 

 

Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa, Somaliland