GABILAYEEY  MA  CAR JUUQ  DHEH  BAA  KUU  DANBAYSEY?




Waxa aan aad u salaamayaa dadwaynaha Reer Gabilay, dibad iyo gudaba, salaan ka bacdi waxa in dhaw eyd oo aan hore looga baran Gobolka ku soo kordhaya wax aan indhahaaga iyo dhagahaaguba jeclaysan een,oo aad is odhanayso sideey wax ujiraan? ma dimuqraadiyadii ay reer Kulmiye ku taamayeen ayaan ay reer Gabiley fahansaneeyn, ma madaxda Gobolka tababar  ubaahan,  cajiib!


Todabaadkii hore waxa Gabilay lagaga dhawaaqay in la isugu yimaado shir ay beeshu ku wada hadlayso oo ay doonayaan inay danahooda kaga wad hadlaan,taasina ay kici say xamaasad uu Badhasaabku ka hadlo oo ay ilaa imika marayso in la xidho dadkii hadal hayay,  hadaba arintaa oo aan ku tilmaano mid da dka Gobolka wax u dhimaysa ,oo Badhasaabka wax udhimaysa , haday arintiiba sii marayso Dayaxii baa soo kabash kabashleh , haduu soo kabash kabash leeyahay maadaa kabo u toli , hadaan kabo u tolo, ma daa ka ridi , hadaan karido maadaa ku celi?


Waxaan leeyahay Badhasaabka iyo madaxda kale Gobolkani , waxa uu ka midyahay Gobolada kale ee So omaaliland ee iyaguba arintan oo kale ku jira , markaa maxaa iyaga ka horjooga,  ma waxa weeyi idinku matashan taqaanaan ee dawlada ayaa idiin talinaysaa? Maxaad uga jeedaa Ali Adan Meecaadoow, yaa nad noqon aniga oo Abahay u taagla ayuu Abahayna Abihii keenay, iyada oo Gabiley deegaan xidh xidhis u taag laadahay,  adna Badhasaab xidh xidhis ha keenin .


Dadwaynaha reer Gabilayna waxan leeyahay,  shirka aad qabanaysaan waa inuu noqdo shir dhex Gobol ka u ah , oo aan Dad gaar ahi wadan , waa inuu noqdo waxa lagaga hadlayaa noqdo wax Gobolka dani ugu jirto , waa inuu noqdo mid aan Xisbiyo iyo wax la mida aan lagaga hadal , waa in wax garad culamaa udiin, dhalinyaro, odayada, haweenka,  ay u dhamaadaan , hadii ay arintu noqoto UDUB ubaan ahaan jir noo , waa lana qadiyay,  Gobolka u dan maaha,  ee dantu waxay ku jirtaa halkaynu taagnayn markii hore imikase halkaynu joognaa?


Dawladana waxaan leeyahay , xadhigan badan ee aad kula cara raysaan dadka ka daayaa waxyaa lihii aadku caban jirteen ayay ahayd xuquuqda dadka dimuqraadiyayada,  miyaad ilowdeen mise Gabilay wa xay noqotay , Dameerkii yidhi Waraaboow dhagtayda dha dhami,  ee yidhi macaanidaa ee dhameeyay. Bari dhaw waxa dhici,  in lays yidhaa adna ma gashay,  saldhigyadan  dadka lagu xidhayana kharashka ku baxaya malaha bariiskii lagu karinaya ayaa wax cuna lawaayay ee wax dhaama ku badasha intaa wa xa soo raacaa waa duco iyo dadaal insha alaah.

 

 

 

 

Waa qalinkii Haliimo Yusuf UK