Gabaygan waxa layidhaa
kala maan, waxaa curiyay Abwaanka Wayn ee
Cabdi Cismaan Ibraahim ( Cabdi Siyaaro).

Gabaygani
wuxuu ka hadlayaa sida magiciisa ka muuqata dad ku waa kala
maan, duniduna waa kala maan,gabaygaana inoo iftiimin doona. wuxuu
ku bilaabay gabaygiisa sidan:
Ragu inuu ismaan
dhaafi uuna abid midoobaynin
Mabdi’iyo inaan aragtiyaha laga masoobaynin
Ninba maskax ugaariyo inuu mawjad saxa haysto
Madmadow inuu kala dhexgali oon muran la daynaynin
Maangaabkii liitaan ogay maqanihii jooga
*********
Waqtigani nin raga maydhay een tiisa la maqlaynin
Waqtigani maraan liita iyo nacaska meeleeyey
Waqtigani munaafaqu taliyee muumin la takooray
Waqtiqani xaqii mugdigu galay ee dulmiga muujay
Waqtigani maxkamadihii noqdeen saylada macaashka
Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga
*********
Waqtigani muftiga caalimka ah jaahil muransiiyay
Waqtigani ninkii jaamiciya badow jikaaraayo
Waqtigani manuuskii xun iyo macangag taageeray
Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga
*********
Waqtigani
marwooyinkii haween meel kastaba taagay
Ee marduufyo qaadiyo ku raray kolay maraatayna
Ee ragii mujulis kala dhigee maydhay sumcadoodiii
Masaariif inay u raadiyaan maatidiyo qoyska
Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga
*********
Waqtigani maalkaan dhaqanayniyo midhihii naafeeyay
Waqtigani magoolkii dhirtiyo mankii nabaad guuray
Waqtigani cirkii mayayi jiray maraqa loo jiiday
Waqtigani adduunyada ay mari mucjiso dheeraada
Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga
*********
Waqtigani
ismaqalkii dadkiyo maxabadii maydhay
Waqtigani dadkii kala madhee maafiyada raacay
Waqtigani mirqaankiyo barjuhuun la isku madadadaasho
Waqtigiyo malaasinkan fasaqan ee la maskax guuray
Maangaabkii liitaan ogayn maqanihii jooga
*********
Waqtigani casriga lagu matalay duni macaan beeshay
Waqtigani masiibada batee magacyo loo sheego
Waqtigani ay moobilada sidan mowjadihii beentu
Waqtigani muraayadu ku tusi meel kasta ood daawan
Waqtigani ay mari adduunyada mucjiso dheeraada
Maangaabkii liita ayaan ogayn maqanihii jooga.
*********
|
Waxaanu idiin soo gudbin doonaa gabyo qiiro leh oo taxane ah oo uu
tiriyay Abwaan Cabdi Siyaaro oo ka
tirsan Ciidanka Qar anka Somaliland.

Mustafe
C/kariin Cali (Mustafe
Future)
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Somaliland |
|