Gabay: Wax Ma  Xeersha

 


Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa Wax-Ma-Xeersha waxaanu ka kooban yahay 40 beyd oo u dhisan 10 cutub oo min afarey ah. Waxaa gabayga sannadkii 1994 curiyay Ibrahim Hassan Gagale oo u dhashay Somaliland.

Gabaygu waxa uu ka hadlayaa sida Taliskii Siyaad Barre iyo intii u adeeg aysay (cid kastaba ha noqotee) ay ugu xad-gudbeen uguna kaceen  de mbiyo culus iyo fool-xumooyin ka caaganaa taariikhda, xeerarka iyo dhaqanka dagaalada Somaliyeed laguna Naar muto markii dagaalka lagu qaaday dadka Isaaqa siiba sannadihii 1988 iyo 1989 sida: dil, gawrac-wadareed, xasuuq aan kala sooc lahayn, dhac, kufsi, magaalo gub, tuulo gub, qaxin, dhul-hawaysi iwm.


Dadka Somaliland waa ka heshiiyay waana iska cafiyay dhibaatooyinka ku xusan gabaygan, beel gaar ahna laguma eedaynayo dhibaatooyinkan waase taariikhdan madow oo lagu eedaynayaa hoggaankii dalka ka talinayay samankaas oo ka tirsanaa Beesha Daarood.

 


Gabayga: Wax-Ma-Xeersha
 

 

Weligeedba Somali godob, iyo colaad guuna

Gawraca dhegaha lalasimiyo, guluf la kala qaado

Rag-wareematada gabbal-dhiciyo, waaga hore gaada

Dhiilladu geyiga wayjirtiyo, gama` la diidaaye

*********

Guullowse dhaqanbuu lahaa, tanise waa gaare

Gawrac wadara lama geysanjirin, ama gumaad hoose

Gamankiyo haweenkaba majirin, cadaw gabraartaaye

Da` gabowday looma qoosanjirin, gelin nafti joogi

*********

Garyaqaanka lama dooxijirin, kala guraha beesha

Muxsanaadka guudkood majirin, gocor sadheeyaaye

Dumar dahabka lama goosanjirin, waa gunnimo weyne

Maalka gaara la boobijirin, ganacsigaa suuuqa

*********

Guri gogosha lama baadhijirin, raarta guradiisa

Seedigu ma gayijirin maglida, gumuca baaruudda

Ubadkiisa ma agoominjirin, gacal la mood duula

Gobonimada lama xoorijirin, guurka dhaqankiisa

*********

Magaalooyin lama gubijirin, tuulo guri-oosha

Guuto laguma bixijirin miyiga, gebagebayn Reerka

Ma-yeedhaanka lama goynjirin, nolosha guuraaga

Bendar lagama gudijirin habeen, Goobta noloshaada

*********

Baxadsoore guuraha ma jirin, barakac guud beesha

Dhul shisheeye looma guurijirin, geedi maganeedka

Teendho gaaban lama seexanjirin, baco gawaan meela

Buryariyo saliid geed la dhigo, looma gelin faylka

*********

Xeryo duumo kuma goobanjirin, taaha gama`diidka

Tarab-tarab dad uma geeriyoon, leylka gudihiisa

Gaadhi-gacanka lama saarijirin, meydka guradiisa

Goonyaha xabaaluhu majirin, teedsan garabkaaga

*********

Isaaq guud laguma duulijirin, muu gilgilan Geeska

Geyigiisa ma hawaysanjirin, duul gashaday laabta

Waxma xeersha go`e lama aqoon, godob ma guuraana

Godka iilka xisaab Aakhiraa, loo gayoonjiraye

*********

Kufrinimo dadbaa galabsadiyo, gubasho naareede

Dawladnimo dadaan gaar u helin, eed ku gale weyne

Geb hadduu ayaxu meel ku dhaho, geeduhu tiriye

Geyigaba fasaadki ka dhacay, khayrki miyuu guuray

*********


Daarood hoggaankiis la gubay, oo la kala guurye

Islaamnimada ay gudub-mareen, uunku garanwaaye

Hadduu talo gurracan duul ku kaco, eede gacantoode

Dulmigu garaad-xumi u galay, magan Galbeed siiye



Dhammaad

 



Curiye: Ibrahim Hassan Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com