Gabay: Xaq-soor (Xisbiga UDUB) – Waxaa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen
 


 


Gabaygan waxa uu soo baxay March 29keedii, 2012 markii lay sheegay shirkii ay guddida fulinta ee xisbiga UDUB ku yeesheen guriga Gudoomiyaha xisbiga mudane Daahir Riyaalle Kaahin. Halkaa soo uu mudane Riyaalle uu go’aamo ugu sheegayey isagoo laalaaya go’aamaddii ka horeeyay ee Guddida Fulintu ay si aqbaliyad ah hore ugu gaadheen markii uu isagu dalka kaga maqnaa wadank aasi Faransiiska.

 

Ficilkaa Gudoomiyahuna waa mid ka baxsan xeerka Xisbiga oo Guddida Fulinta waxa laali kara go’a ankooda uun Shirweyne Xisbi oo la sameeyo. Haddaba in badan baan ka aamusnaa khilaafkan xisb iga oo aan ixtiraam muujiyey inkastoo laygu gardarooday oo hadalo deel-qaaf ah saaxaafadda ay ka mariyeen masuuliyiinta kale hawgu horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Riyaalle oo markaasi Paris joogay isagoo idaacaddaha siinaayey waraysiyo lid igu ah aniga runtii na fajaciso igu noqot ay maadaama uu Riyaalle yahay ninkii ii soo horseeday xisbiga laftigiisa iyo arrinkan aan galayba.

 

Shuruudo badan oo ay igu xidheen oo runtii aanan qaarkood raalli ka ahayn ayaa laygu kalifay, w axaanan dareemay inay goobtani tahay meel shacbi wanaagsan iyo gudiyo fiican haysata laakiin ay hogaankeedii u sareeyay raacaynin sharciyaddii lagu heshiiyey ee ay hore u qorteen. Kolay Ga baygani waa hor-dhac waraysigayguna wuu ka danbeeyn doonaa Inshallah anigoo si fiican u qaa daa dhigi doono xaallada taagan haddii Ilaaha awooda lihi uu igu simo.

 

Anigoo weli wax badan xeerinaya ayaan Gabaygan ku soo hal qabsaday Axmed Aaden Ismaaciil (Axmed Keyse) oo ah ku simaha Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB oo markaan warkaasi maqlay ka hubinaayey isaga xaqiijinta warkaasi.


 


Haddaba wuxuu yidhi:
 

 

 


Anoo xog badan haynin baan UDUB, xaajadeed galaye

Waxan xalay xiddigaha tiriyoon, xeradda eegaaba

Waxaan xilkaskii xisbiga
UDUB, xaashi ku dhigaaba

Xeer-beegtiddii xisbiga waxaan, xulafo raadshaaba

Waxaan xasuustii Keeysoow, tallo ku xiiqaaba

Walee adiyo rag kalaan xurmadda, xubin xubin u siiye

Xayndaab nin laga dhigtiyo adaa, xusulo dhaadheere

Xalaawaad nin helaayabaa, xaajo meel marine

Nin hadduu xaqaaga duudsiyo, looma duur xule e

Warkuun ii hormari xoghaye, waan xujeeysnahaye,

Xayawaankuba waxa uu gala, xaafad gooniya e

Waa dar aan xeerar iyo lahayn, xaakim iyo sheekhe

Xisbigu sharci buu leeyahiyo, xeerar gooniya e

Waa astaan geed lagu xardhoo, lagu xushmeeyaaye

Xaajigii Rashiid iyo raggii, xukunka keenaayey

Raggii xeel-dheeri gartaa, xarafka feeygaaray

Gaagaaliyo xisbiyahannaddii, xididka beeraayey

Xaqii Maxamuud Siciid yidhee, xalayto lay sheegay

Idiris baa xasuus ka tegiyo, xaragadiisiiye

Cumar Jaamac, Hodan iyo xulkii, xagarka diidaayey

Xisti niman lahayniyo Abiib, xaakim ina Daahir

Xubnihii Mingistiyo lahaa, Xaaji Ina Daa’uud

Hindi xeegadiisiyo halkuu, xawda kaga gooyey

Ina Cabdi Malow xalkuu waday, waa xadiis dhaba e

Xildhibaan Ayaanliyo Jirdiyo, xulashaydeediina

Xawaareeyiyo Ina Cigaan, weli u xiisoone,

Cali Gurey haddalkuu xushaye, hoosta ka xariiqay

*****

Xaamudiyo Dabliyo Miiganiyo, Xaakim Ina Yuufle

Barkhadiyo Tallaabiyo xertii, waa u xogogaale

Laba Diiriyiyo xidigyaddii, xaawle Ina Qaasim

Xildhibaan Garaadiyo Gadhweyniyo, xulufaddii Shiine

Xeerbeegti Ina Yaasiniyo, Xasanaddii fiicnaa

Raggii gardaradda xayndaabaye, xeerar ku wareejay

Waxaan xasuustii Keysoow, tallo ku xiiqaaba

Waxaan xifaallaha dareenkii, xalayto reemaaba

Walee adiyo rag kalaan xurmadda, xubin xubin u siiyey,

Kuwii kibir xuuraamiyee, xanaf wareeraayey

Iyo dar xariifnimo sheegtayoo, xabag sideedaa ah

Iyo duul beerkiyo xaydhaba, xulashadeed diiday

Xaqiiqduba uma muuqatoo, mana xishoodaane,

Xurmo badan nimaad siisayoo, kuna xumeeynaaya

Iyo nimay xaajo meel u taal, looma duur xullo e

Odaytinimo xisbigaan bidayaye, xulatay laabtaydu

Xisbigaan dartii u xiiqaye, uba xajiimoobay

Xisbigaan xoog iyo xoolaba, xuubka ku idleeyay

Hadday xaakimaddii hor fadhiyey, xoollo ka rabaane,

Riyaallan xogtiisii heloo, xuurto beegsadaye

Nimankii xisbiga laba listee, xoorka ka dhamaayey

Xaalad abuur iyo waxay wadaan, xasaradoodiiye


Xurguf waxay caddeeysteen bal eeg, xaqa la diidaayo

Xinjirtii cas miyaa lagu murmaa, midabka xoogeeysan

Xishoodku wuxuu qayb ka yahay, xididadeenaase

Ninkaygii xisbiga u hiishaybay, ximi yidhaahdeene

Nin hadduu xaqaaga duudsiyo, looma duur xullo e

Warkuun ii hormari xoghaye, waan xujeeysnahaye,

Xisbigu sharci buu leeyahiyo, xeerar gooniya e

Waa astaan geed lagu xardhoo, lagu xushmeeyaaye

Bini aadam xad buu leeyahiyo, wuxuu u xeertaaye

Nina keligii ma xuurteysan karo, tallo xisaabteede

Waa in xumaanta ka dhiidhinaa, xarakadeedaase

Nin xasanaad doonayaa si kale, uma xadreeyeene

Ninkaa xaqaygii laalaye, xeerka jebinaaya

Xaq-soor inuu noqdaan rabee, rag is xiniin taabay,

Dalkii in loo xuub-siito buu, xaaji sugayaaye

In loo xusul duubto aayahay, umaddi xiiseeyne

Xigaalkaan kasbaday reer
UDUB, xulufo weeyntiina

Dadkii taageeradaa xasilan, xarakadaas keenay

Salaan xushmad lehiyo iiga gee, xarafka diimeedna,

Wa Bilaahi Tawfiiq: Ilaahay wanaaga hayna garansiiyo;



 

 

Gabayga waxa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen