Dirxigu
Qudhunku uma soo uree Waabu Quudsadaye
Codkaaga Ku Ciil Bax....Q32
Ahmed Arwo
Waa
dhacdo taabanaysa inta damiirkoodu nool yahay. Qofka tan
ka nixi wa aya ee wax ku qaad an waaya waa
dhagax waliba nooca ugu adag ee dha gax dixiidka
la yidhaahdo. Ka aan dareemi n caddaalad darada ay
wadato xu kunkii kelitaliska ahaa nidaamkan laga dhaxlay
ee xukunka de gdega ah, wa a qof ka aradan
dadnimada, waa ruux udgoonsada qudhunka sida
Timacad de yid hi:
Dirxigu Qudhunku uma soo uree
Waabu Quudsadaye.. Arrintan m aanta dhacday
waa gabadh xaq darro ku xidhnayd oo iyadoo katiinadi ku
xi dhantay isbitaalka la keenay, ayna naftu ka bax
day iyadoo weli katiinadii ku xidhantay. Max kamadi mey
xidhin, ee waxa xabsiga dhigay
Guddigii Nab adda ee ka hadhay nidaamkii ina Bare iyo
NSS
tii..
Maanta aad kartaa inaad arrintan soo afjarto. KU CIIL
BAX CODKAAGA, oo sii KULMIYE isagaa b il gudaheed
ku tirtiri Sharciga dulmiga iyo duudsiga loo samaystay.
Fadlan fidi warkan oo gaadh sii cid kasta oo
danaysa cadaaladda, rubta kaaramada muwaadinka iyo in la
helo dal dastuurku hago, hoggaan xakme iyo seeto leh,
dal loo siman yahay kheyraadkiisa. Diid daalinka
doonaaya inuu codkaaga iibsado, ha iibin, ha tuurin
kaadhka, isagaad awood ku leeday. Ha noqon mar kale
doqonkii ushiisa lagu garaacay. U codee kulmiye, oo
gaadha himmiladaada.
Cabdillaahi Suldaan, TIMACADDE,
AHUN..Waxuu yidhi waxa ka mid ah:
"qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay
walaalkiiye
Dirxigu Qudhunku uma soo uree Waabu Quudsadaye"
Alle ha u naxariistee waxa iyadoo katiinadi ku xidhantay
naftu ka baxday gabadh xaq-darro ku xidhnayd Shaadiya
Cabdi Ducaale .. Faalo uma baahan ee sii akhri, waxna ku
qaado. Ogowna in aad maanta haysato fursad aan
shan sano oo dambe ku soo maraeen. KU CIIL BAX CODKAAGA,
oo ku tuur xukun xumada, eri kuwa aan arxan iyo damqasho
midna u hayn ummadda ay musha harka ka qaataan,
kuwa ku kibra dadweynaha bixiya lacagta ay ku dalxiisaan,
lacagta ay u isti cmaalaan inay kuwii bixiyey ku
dulaystaan. Diid oo tus awoodda aad maanta u leedahay
inaad qoroto hoggaan kuu shaqeeya, kaa naxa, kugu dhaqa
cadaalad iyo sinnaan. Sii akhri warkan n axdinta
leh ee Jamhuuriya qortay.
Haweenay Guddida Nabadgelyadu Sifo Sharci-darro ah u
Xukuntay oo Iyadoo Katiinadaysan Ge eriyootay
Marxuumaddaas Shaadiya ka
hor intii aanay geeriyoon ayaa cusbataalka na loogu ke
enay iyadoo koomo ku jirta. Wixii aanu gargaar u samayn
karaynayna waanu u samaynay, laak iin,Maamulaha
Cusbitaalka Gabiley
Markii ay xannuunsatay ayaa iyada oo aad u ildaran la
dhigay dhakhtarka, waxaana sariirta loo gu xidhay
katiinad, sidaa eyeyna ku geeriyootay
Hooyo Aamina Cabdillaahi Maxamed
oo dhash ay marxuummada geeriyootay
Gabiley (ANN/Jam) : Haweenay magaceeda la odhan jiray
Shaadiya Cabdi Ducaale oo Guddiga Nabadgelyada Gobolka
Maroodi :jeex ku rideen xukun sharci :darro ah, ayaa
horraantii toddob aadkan maydkeedii la keenay
gurigooda oo ku yaal magaalada Hargeysa, kadib markii ay
iyada oo katiinadaysan xannuunka macaanka ugu
geeriyootay magaalada Gabiley oo ay ku xidhnayd.
Hooyo Aamina Cabdillaahi Maxamed oo dhashay marxuummada
geeriyootay, ayaa shaaca ka qaaday in guddida
nabadgelyada Gobolka Hargeysa sifo sharci-darro ah u
xidheen inanteedii curad, isla markaana afartan maalmood
kadib loogu yeedhay meydkeedii oo katiinaysan.Aamin a
Cabdillaahi Maxamed oo ah hooyada gabadha geeriyootay,
ayaa Sabtidii toddobaadkan u xaq iijisay weriye ka
tirsan shabakadda wararka internetka ee Araweelonews oo
ku booqday gurig eeda oo ku yaal xaafadda Cakaara
ee ku taal koonfurta galbeed ee caasimadda Hargeysa in
guddida nabadgelyo sifo sharci-darro ah u xidheen
inanteeda oo qabta xannuuunada macaanka iyo dhiig karta,
kadibna ku geeriyootay magaalada Gabiley iyada oo ku
jirta gacanta guddidii xukunta sharci-darrada ah ku
riday.
“Marxuumadda waxa la xidhay dhammaadkii bishii hore ee
April 2010. Wax dembi ah oo ay gashay muu jirin,
waxa laga qaaday gurigooda iyadoo xannuunsanaysa oo
falleebo ku xidhan tahay. Markii ay dhawr maalmood ku
jirtay saldhigga xaafadda Iftin ee magaalada Hargeysa
ayaa habeen madow la geeyay saldhigga dhexe dushiisa oo
ay fadhiistaan guddida Nabad gely adu,
waxayna ku xukumeen halkaa iyadoon maxkamad la geyn oo
aan wax dembi ah oo lagu so o oogay jirin. Waxa
eed looga dhigay beri hore ayey mukhaadaraad iibin
jirtay ee ma jirin wax dembi ah oo hadda lagu hayey,”
ayey tidhi hooyo Aamina oo murugo badani wejigeeda ka
muuqatay.
Waxa ay intaa ku dartay hooyo Aamina Cabdillaahi in
markaa wixii ka dambeeyay inanteeda dh imatay loo
gudbiyay xabsiga Gebilay, laakiin markay muddo toddobaad
ah ku jirtay uu taliyaha xabsigu u sheegay ciddii soo
xidhay in laga qaado, maadaama ay xanuunsanay oo
cusbitaal la geeyo. “Haseyeeshee, markii dambe
dhakhtarka la dhigay iyadoo aad u ildaran oo katiinad
loogu xidhay sariirta, sidaana ku dhimatay, kadibna
maydkeedii oo katiinadaysan looogu yeedh ay
toddobaadkii hore.”
Marxuumaddaas oo magaceeda la odhan jiray Shaadiya Cabdi
Ducaale, da’deeduna ahayd 40 jir, ayey hooyadeed
sheegtay inay markii la xidhay ku maqnayd dalka
Ethiopia, dalkana ku soo laabatay maalintii ay
geeriyootay, balse markasta xaaladeeda la socotay.
Mar la weydiiyay in marxuumada dhimatay keligeed la
xidhay iyo inay jireen dad kale oo lala xid hay
anma haddiiba ay ogtahay waxa lagu eedeeyay, waxay ku
jawaabtay; “Anigu waxaan ku maqnaa Addis Ababa. Waxay
ahayd hablihii mujaahidiinta la socday xilligii halganka,
isla ma rkaana waxay ka mid ahayd habilihii u
horreeyey ee ciidanka bilayska la qoro. Wax ubad ah
wa xay haysatay wiil yar oo agoon ah, muddooyinkan
dambena waxay ahayd qof xannuunsanaya oo macaan iyo
dhiigkar leh, waxayna u dhimatay dayac markii gudidda
nabadgelyadu intay xaq darro ku xidheen, haddana
loo diiday in dhakhtar la geeyo. Dadka lala xidhay waxay
ahaayeen shan qof oo midkood tahay gabadh kale oo guriga
joogtay oo aan habaryar u ahay iyo saddex nin oo guri
kale laga soo qabtay, welina dadkaasi kale way xidhan
yihiin.
Maamulaha Cusbataalka Gebiley Dr. Axmed Ismaaciil Nuur
oo aannu khadka telefoonka kula xid hiinay si wax
looga weydiiyo xaaladda marxuumadda markii cusbitaalka
loogu geeyey, ayaa u xaqiijiyey shabakadda Araweelonews
in gabadhaasi ku geeriyootay cusbataalka, wuxuuna
isa goo arrintaas ka hadlayey yidhi; “Marxuumaddaas
Shaadiya ka hor intii aanay geeriyoon ayaa cusbataalka
naloogu keenay iyadoo koomo ku jirta. Wixii aanu gargaar
u samayn karayn ayna waanu u samaynay, laakiin
xaaladeedu way ka sii dartay, waxayna u geeriyootay
xannu unka macaanka, waxana loogu yeedhay eheladeedii oo
qaatay maydka marxuumaddaas.
Dhinaca kale, qoraal ku taariikhaysan 26 April 2010 ayey
dadkaa la xidh-xidhay u qorteen Wa siirka Arrimaha
Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil
Cali (Cirro), isla markaana ogaysiin ku siiyeen
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
Mr. Maxamed Cabdi Daauud, iyagoo kaga codsaday in
la sii daayo oo xorriyadoodii loo soo celyo, maadaama
aanay wax dembi ah guddida nabadgelyadu ku hayn. Balse
may suurtogelin in dadkaas loo tixgeliyo codsiga ay kaga
cabanayeen caddaalad-darrada lagu xukumay iyo
sharci-darrada guddida nabadgelyadu ku xukuntay.
Magacyada shantaa qof oo ay ku jirto marxuumadda
dhimatay waxay kala yihiin sidan:
Cabdi Cumar Qaalib
Shaadiya Cabdi Ducaale (Marxuumadda
geeriyootay)
Ismahaan Siciid Cabdi
Mustafe Jaamac Cawaale
Cabdi Maxamed CaliIyadoo afarta qof ee keli weli ku
xidhan yihiin xabsiga degmada Gabiley.
Jamhuuriya Online
http://samotalis.blogspot.com/
http://gargaar.blogspot.com/
|