“Gabadh Baa Nin Ay Beri aad u Jeclayd Kaga Baxay Kadibna M uraayaddu Jabtay, Xukuumadduna Way Fahmi La’dahay ee Gabiley Waa Sida Inantaas”

 

Xildhibaan ,Bashiir Xuseen Tukaale



“Reer Gabiley-oow Nin Hadduu Seexdo oo uu soo Tooso Waa Isagii uun Madaxweynuhuna Waa Isagii aad Shalay iyo Dorraad Aragteen ee Berri Yaydaan Mar kale Farta Dhexda ka Qaniinine Codkiina u Meel Daya”-Wareysi Xil. Bashiir Tukaalle

“Wadadan Maalintii dhawayd uu Meesha soo maray Markii Saddexaad bay ahayde Ma Marka Afraad baa uu Haddana Dhagax dhigi doonaa”

Hargeysa (TNN)- Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo kamid ah Mudanayaasha golaha wakiillada ee ka soo jeedda deegaanka Gabiley ayaa ka hadlay safar Madaxweyne Siilaanyo uu Saaka ku te geyao Magaalada Gabiley ee gobolka Gabiley, Halkaasi oo uu kaga Qayb galayo gunaanadka olola ha Maalinta KULMIYE, waxana Xildhibaanku safarkaas ku tilmaamay inuu yahay waxba ka duwan ayn kuwii hore uu ugu tegi jiray isla markaana uu ku beer laxawsan jiray shacabka.

Xidlhibaan Bashiir waxa uu kaaf iyo kala dheeri ku tilmaamay aragtida Xukuumaddu ka aaminsan tahay Gobolka Gabiley iyo Mawqifka ay dadka deegaankaasi taagan yihiin kaasi kuwaasi oo lamid ah Muraayad Jabtay oo aan la hagaajin karin balse u baahan in la beddelo. “Madaxweynaha Wax aad moodaa inay Gabiley dalkiiba kala weyn tahay, weligeedba ha ku noqnoqdaan ama madaxwe ynuhu ha tago Gabiley waxa ka go’an inaanay KULMIYE dambe shaqo ku lahayn.” Sidaa ayuu yid hi Xil. Tukaale oo Xalay Khadka Telefoonka ugu Warramay Tifaftiraha guud ee Wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Keefkeef, waxanu intaa ku daray “waxa dhacday in Gabadhi Beri aad u Jeclaatay Nin, kadibna uu ninkii oo aan Jacaylkiisu dhab ka ahayn kaga baxo, mar dambe ayay Dabadeed g abadhii ogaatay inuu kaga baxay oo Muraayadda ayaa jabtay. Markaa qoladan Xukuumaddu Gab iley way fahmi la’yihiin oo Sida Gabadhaas bay Muraayaddu Jabtay. Muraayadani in la beddelo m ooyee kab kab iyo hagaajin kale Ma noqoto, Gabileyna Isbedelkeedu waxa uu ku jiraa ururradaa kale”.

Md. Bashiir Tukaale waxa uu tilmaamay in Mar kasta oo Madaxweynuhu ama masuul ka tirasan X ukuumaddu tego gobolka Gabiley ama gobollada kale ee dalka ay u qaybiyaan dadka lacago ay damiirkooda ku beer laxawsanayaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Lacag xoog ah meesha way geliyeen, lacagta loo geynayaana meel kale lagama keenin ee cashuurtoodii, had dii loo qaybiyona meel baa lagaga dhacayaa oo damiirkoodii baa la iibsanayaa, Hadday laca gta ka qaataanaa dadka gobolku way iska cuni laakiin Mabda’u waa meel oo KULMIYe dembe kuma ogid. Mida kale wadadan (Wadada Kalabaydh) Maalintii dhawayd uu Meesha soo maray Madax weynuhu ee uu Dhagax dhigay markii saddexaad bay ahayd markaa dee ma marka afraad baa uu dhagax dhigi doonaa dadku way arkayaane”.

Gebo gabadii xildhibaanku waxa uu farriin u diray dadka deegaanka Gabiley “ Waxaan leeyahay reer Gabiley-oow dadka meesha Imanayaa waa dadkii, Madaxweynuhuna waa Madaxweynihii, nin hadduu seexdo oo uu soo toosana waa isagii uun ee kelmado yaryar oo aan macno lahayn oo la idin yidhaahdaa yaanay damiirkiina beddelin. Madaxweynuhu waa isagii aad shalay iyo dorraad aragteen ee yaydaan berri mar kale farta dhexda ka qaniinina e codkiina u meel daya.” Ayuu waraysigiisa ku soo gebogabeeyey Xil. Bashiir Tukaale Xuseen oo Khadka Telefoonka Xalay ugu warramay Wargeyska Hubaal.
 


Source:Wargeyska Hubaal