WAR-SAXAFADEED

 

 


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1573/022013 ku m agacaabay laba wasiir ku xigeen kuwaas oo uu u magacaabay wasaaradaha Cadaaladda   i yo Arrimaha Garso orka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Jamh uuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-


Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu goŽaansaday


1. In Mudane, Aden Diriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.


ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL