Furitaankii Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Somt el Hargeisa oo Noqotay Mid kulmisa Wajiyaal kala baaday

 

Hargeisa (TNN) Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL, ayaa munaasibad si weyn loo soo  ag aasimay oo xadhiga lagaga jaray waxa lagu qabtay hudeelka Maansoor ee Magaalada  Ha rgeysa, iyadoo ay ka soo qaybgalleen Guddoomiyaha Xisbiyada Mucaaridka ah ee  KULM IYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Xisiga UCID eNG. Faysal Cali-Waraabe, Xogahayaha Guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Guddoomiyayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Cullimo-aw-diinka, siyaasiyiin, ganacsato, xildhibaannoo, sallaadiin, Abwaanno cuqaal iyo boqollaal dadweyne ah.


Guddomiyaha Shirkadda SOMTEL Xirsi Xaaji Cali Xasan, oo ugu horayn munaasibadaas  ha dal ka jeediyey, ayaa ka warbixiyey asbaabaha kelifay aas-aaska shrkadda Somtel, islam a rkaana soo bandhigay addeegyo casriya oo ay bixin doonto shirkaddu.


Mr. Xirsi waxa uu sheegay markii ay arkeen baahida bulshadu u qabto addeegsiga  tignoo lajiga, iyo helitaanka addeeg casriyaysan oo qiime jaban ay u heli karaan ay abuureen shirkaddan.

"SOMTEL, waxaa la aas-aasay 1998-dii oo ay gobollo Somaliland ka mid ah ka bilaabantay, oo ay ka mid tahay Berbera, Burco iyo Buuhoodle, waxaa maantana laga furay guud  aha an gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo lagu soo kordhiyey adeegga loo yaqaanno 'GSM' iyo adeegyo kala duwan oo casriya.


ujeedada keentay SOMTEL inay adeegyadan keento waxa ka mid baahida bulshada ee  tik noolojiyadda xawliga ku socota markaanu aragnay, iyadoo bulshadu markasta ay u  baah antahay tartan ganacsi oo xallaal ah, ayaanu waxaanu damacnay inaanu tartan cusb iyo tiknoolojiyad cusub soo gelinay auuqa, annagoo ka duulayna in looo baahanyaha qalab  t ayadiisu sarrayso, islamarkaana lagu helayo qiime macquulla oo la socad dhaqaalaha  buls hada, kaasoo laga heli heli karo laga soo bilaabo Laascaannood illaa Lawya-cado." sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha SOMTEL Mr. Xirsi oo faahfaahin ka bixiyey sababaha ka  danbe yeey furitaanka shirkadda.


MR. Xirso waxa uu ka hadlay addeegyada ay shirkaddu soo kordhinayso iyo addeegyadda cusub, isagoo si gaara u xusay in shirkaddu ay bixinayso moobillo laba kaadh leh, oo mid ah ah shirkadooda lagu isticmaalayo, ka kalena dadku shirkaday doonaan ku isticmaali  ka raan, sidoo kale moobillo ku shaqaynaya tamarta cadceeda, iyo weliba internet ay  tayad iisu sarrayso oo qofku meel kasta oo uu joogo ku isticmali karo kombuyuutarkiisa., kasoo uu ku sifeeyey mid laga haqab-beeli doono.


"Ma jiri doono xadhig aanu jiidi doono iyo waayir aanu dhulka marin doono, madax  tele foon ayaa lagu dhiibayaa oo aad gurigaaga dhiganaysaa, waana telefoonkii hore ee line-line-ka oo casriyayasan" ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi oo sharaxayay adeeg casriya oo dinaca laymanka ah.

Guddoomiyaha SOMTEL, waxa uu ummadda ugu bushaareeyey inay ka qaybgeli karaan  s aamiyo ay bixnayso shirkaddu, kaasoo uu ku sheegay inay ka qaybgel doonaan dad  gaad haya todobaatan kun oo qof (70000).

addegyada kale ee uu xusay inay kaga duwanyihiin shiradihii hore u jiray waxaa ka mid ah iyagoo askarta iyo ciidanka qarankaba u sammayn doona lambaro isku xiga, islamarkaana laga qadi doono qiime ka jaban ka caadiga ah ee dadka laga qaadayo.

Xirsi waxa uu sheegay in muddo dheer inta ay dadku ku qancayaan adeegooda uu ahaan doono mid bilaasha, waxaanu yidhi "Mudada ay tijaabdu socoto ee aanu hubnayno in  qof kastaa ku qanci karo adeegayaga waxaanu ka dhignay bilaash."

Wasiirkii Hore Arrimaha Debeda Somaliland Marwo Aadn Aadan Ismaaciil, ayaa iyaduna  h adal kooban oo ay halkaa ka jeedisay waxay u mahadnaqday shirkadda Dahabshiil, oo ay ku tilmaantay mid qiime weyn ugu fadhida bulshada, iyadoo xustay in shirkadda SOMTEL oo qayb ka ah Dahabshiil ay wax badan soo kordhin doonto.


Marwo Adna waxay ka sheekaysay ahmiyada isgaadhsiinta iyo kaalinta ay ka qaataan  a ddeegyada kala duwan, gaar ahaan caafimaadka, iyadoo tusaale u soo qaadatay gabadh ay telefoon kaga ummulisay, iyadoo khadka isgaadhsiinta ka hagaysay mid ka mid ah  ga bdhihii ay wax bartay oo ku sugnayd gobolka Sanaag, oo wakhtigaa aanay wax gurmad ah la gaadhi karayn, taasoo ay xustay inay ku guulaysato.

Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil, ayaa isaguna waxa uu u mahadnaqay madaxda iyo marti-sharaftii ka soo qaybgashay munaasibadda furitaanka SOMTEL, isagoo yidhi "Anagu ma doonayno inaanu soo kordhino mushkilad iyo in shirkaduhu ay isa degaan oo kama  dhiga ynoo fowdo, haddii aan nala kelifin mooyee, halkan kama sheegayo waxa aanu ummadda u qabanno oo waxa sheegay dadkii iga horeeyey, iyaguna way ogyihiin, haday tahay  dh inaca caafimaadja, waxbarashada iyo wax kasta oo ah addeegyada aas-aasiga ah ee  no losha qaybatayada waanu ka qaadanaa, waananu sii wadaynaa, shirakadan [SOMTEL]  w axay ka mid tahay uun md ka qaybqaadanaysa arrimahaa, iyadoo wixii halkan laga  sheeg ay iyo wax kale oo aanu soo wadnaaba ay jiraan."

Mulkille Maxamed Siciid Ducaale(Dahabshiil), isagoo la hadalaya siyaasiyiinta waxa uu si  k aftana ugu yidhi "qolladiina xisbiyada siyaasaddu waxaan u soo jeedinayaa inay sidayada oo kale tartan xallaala u tatamaan [Ganacsatada], oo yooyootanka ay iska daayaan."

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali-Waraabe, oo isaguna hadal  koo ban halkaa ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay shirkadda SOMTEL, gaar ahaan waxa uga mahadnaqay bilaashka ay ka dhigtay adeega isticmaalka moobilllada. gaar  ah aan saddexd murashax ee saddexda xisbi-qaran oo Guddoomiyaha Shirkadda SOMTEL, mu naasibada kaga dhawaaqay in cidkasta oo la soo hadlaysaa ay bilaash kula hadli doonto.


Xogyaha Guud ee Xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa hambalyeeyey maskaxdii ka danbaysay furitaanka addeegyada cusub ee shirakadda SOMTEL, oo ku tilmaamay  addee gyo qiime weyn ugu fadhiya shacabka Somaliland. "Adeedyada noocanii waa tartan  xall ala oo dalka gudihiisa ka dhacay. tartanaddu ha ahaadeen qaar shirkadeed amma  xisb iyeed, Ilaahay waxaan ka baryayaa inay sidan oo kale xallaal u noqdaan." ayuu yidhi  Xog hayaha UDUB.

Xoghayuhu waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi "waxaan qirayaa maalintii magaca  Daha bshiil baxay inay ahayd mid sammadu furnayd Ilaahay guulahaas uu gaadhsiiyey  ummad dan Somaliland mid ka sii sarraysa ha gaadhsiiyo. ninkii magaca Dahabshiil bixiyey waxaan jecelahay in jaa'isad ma guuraana la siiyo."

Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isna hambalyo  balla adhan u soo jeediyey shirkadda, waxaanuu yidhi "Hambalyo aad iyo aad u ballaadhan  ay aan u soo jeedinayaa shirakadda Dahabshiil iyo hasha ay qaranka u qabanayaan ee ay wax badan oo aad loogu baahanyahay halkana ka sheegeen ay innoogu tilmaameen.

waxaa kale oo aan iyagana habmbalyo u soo jeedinayaa shirkadaha kale ee isgaadhsiinta, waxaana halkaa innooga muuqata inaynu markasta ogaano inaan dawladi dal dhisi  kar ayn, dal waxa dhisa shacabkiisa, baayac-mushtarkiisa dhisa waxgaradkiisa dhisa, aqoon yahankiisa dhisa, waxa keliya ee dawladdu qabataa waxa weeyey iyadoo u fududaysa sharciyadii iyo nidaamkii saamiixi lahaa."

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xasan Axmed Ducaale Macallin oo wakiil ahaa  Ma daxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale kaahin oo isagu ka baaqday xafladaas oo  la gu martiqaaday, isla markaana si rasmi ah xadhiga uga jaray shirkaas cusub, ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey waxa uu sheegay in shirkadani ka mid tahay shirkadaha  waddan ka ku aaminay hantidoodii ee horumarka badan sameeyey, taasina ay caddaynayso in  h addii dadku dadaalaan ay wax walba qabsan karaan, isla markaana ay muujinayso in  dal ka gudihiisa wax laga qabsan karo.

“Sida xaqiiqada ah ee la wada ogyahay ma jiro qof hanta uu kelidii leeyahay ku  macaasha a ama aad bay u yar tahay, adduunyadu waxay hore ugu martaa in wax la isku  gaygays to, waxaan dadka reer Somaliland u soo jeedinayaa inay shirkado wada samaystaan oo ay hantidooda isku gaystaan oo la is aamino. Waxase shuraakadu u baahan yihiin in shur uuc adag loo sameeyo oo lagu kala baxo,” ayuu yidhi Md. Xasan Macallin.

Gebogebadii munaasibada, ayaa mobillo,kaadhadh, koofiyado, iyo qallab kaleba la  guddoo nsiiyey dhammaan dadki ka soo qaybgalay oo dhawr boqol oo qof kor u dhaafay.



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacade News Networka (TNN)
Hargeisa/Somaliland
timacadenews@hotmail.com