Foosha Xukuumada Cusub ee la sugaayo

Waxaan u ducaynayaa marka hore
rug-caddaaga Siyaasiga ah Axmed-Siilaanyo xilkaa loo doo rtay
madaxweynaha cusub ee Somaliland in Ilaahay u fududeeyo
Maanta waxa la taaganyahay ayaamihii qalinku qori lahaa Xaalada kala
guurka ee aan ku jirno dhacdooyinkii maalmaha isxiga , waxaana aan
goŽaansaday inaan qalinka u qaato intii awooda y a ah qodoba
muhiima loona baahanyahay in laga faaloodo.
Shacabka Somaliland ayaa 26-kii
bishii aynu soo dhaafnay ee June 2010, u dareeray doorasha dii
madaxtooyada dalka, waxayna cod aqlabiyad ah ku doorteen Madaxweyne
iyo Madaxwey ne ku-xigeen cusub Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ism aaciil (Saylici) oo hoggaamin
doona shanta sano ee soo socda haddii Eebbe idmo,
Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo weli laga sugaayo inuu soo dhiso
dawlad tiro yar oo t ayo leh, islamarkaana aan ku dhisnayd hab
qabiil, laguna raali galinayn Qabiil iyo Cid gaar ah b alse la
raali galiyo Qaranka,cudurka qabiilka ee beelkastaa doonayso inay ka
muuqato shaash ada waa in laga gudbaa, danteenuna waxay ku jirtaa in
aan dowlad kooban yeelano,lagana S haqeeyo horumarka Dalka,
isaga oo madaxwaynuhu kala tashaday tirada iyo qaabka dowlada
Aqoonyahanka iyo waxgaradka Somaliland, habkaasi oo markiiba aad loo
soo dhaweeyey, isla markaana lagu tilmaamay jidka kaliya ee lagu
gaadhi karo markasta horumar,loo baahanyah ay,isla markaana
madaxweynaha cusub waa in uu Shacabka wax qabto balse aanu Cid gaar
ah marna raali galin.
Marka dawlad cusubi Golaheeda wasiirada la dhisaayo waxaa jirta orod
aad badan , waana w ax iska caadiya in dadku uu damac
siayasdeed yeeshaan oo ay cid waliba jeceshahay inay da wlada
ka qayb gasho., Isla markaana codsiyada bataan qaabkasta haloo soo
maree dalabka jagooyinka , mid beelaysan iyo mid macruufadba madaama
wakhtigan lagu gudo jiro soo dhisit aanka Xukuumad cusub,
waxaana iyadana xisbiga ku jira rag miisaan culus ku leh Xisbiga ,
isla markaana muddooyin badan ka tirsanaa, juhdi badan ku bixiyey.
Waxaa cid kastaaba ogtahay inaynaan dhamaanteen dawlada ka wada qayb
gali karayn, maa ha inuu qof waliba u fikiro sidii uu Boos ku heli
lahaa ee waa inaynu dhexda u xidhano ummada Somaliland halka ay
maanta joogto waa la ogyahay ummad baabasan oo aan dhaqaale lahayn
oo dhamaantood aanay waxbarasho wada gaadhin, Caafimaad haba sheegin,
Biyihiina baddi ka wada ooman.,dhalinyaradii shaqo la,aan iyo
tahriib ku jirto(rajo la,aan awadeed).
Waxaynu u baahanahay dawlad kooban oo tayo leh oo shaqaysa, iyadoo
hore la sameeyey g uddiyo loo saaray sidii ay talooyin wax ku
oola iyo qaabka ugu wanaagsan ee munaasib ku ah dhismaheeda oo xataa
aan xisbiga lagu koobin, maadaama waxa la samaynayaa uu yahay wax
dalka iyo dadka oo dhan loo samaynaayo kana dhexeeya ,una
baahantahay in dadka wax laga waydiiyo.
Waxaana loo baahanyahay in dhexda loo xidho ,loona wada diyaar
garoobo, ballantii ahayd is bedel dhab ah inaanu ka samayno
dalkan oo ah Caddaalad, Midnimo iyo Horumar, ,
illaahay waxaanu ka baryeynaa in talo wanaagsan ay inooga soo baxdo,
dawlada la soo dhisa ana inay noqoto tii dalku ku guulaysto,
Sharaf iyo Magac noo soo jiida.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxaan kula talinlahaa waxaad noqotay
Madaxweyne Umadde ed waxkasta oo lagula yimadaana waad ka
gudubtay , cid kasta wax gaara doonaysana waa in aad iska xakameeyso,
cadaaladana aad sugto, waa inaad ka dhabeysaa balantaadii ahayd in
waxqabad dhaba iyo Taariikh wax ku ool ah oo aad uga tagto dalka iyo
dalka, kuna dhiirato soo dhisida xukuumadd kooban oo tayo leh oo
dadka iyo dalkaba wax u qabata
Waxaanu Illaahay uga baryayaa inay noqdo kii dalka ku hogaamiya
Cadaalad iyo Horumar una horseeda dadka iyo dalkaba bash bash iyo
barwaaqo.
Illaahay Jidka Saxda ah hana Waafajiyo. AMIIN>>>>AMIIN>>>>>AMIIN
Qalinkii: Adan Yusuf
Elmi , UK |
|