Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo si aad u heersaraysa loogu soo dhaweeyay magaalada Wajaale

 


Tog-Wajaale (TNN)-Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka ka anbobaxay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley halkaas oo ay habeenkii xalay ahaa u hoyden
.
Waftiga Guddoomiyaha oo ay xubno ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Aadan  Ax med Mire Waqaf, guddoomiye ku xigeenka 2-aad Axmed Fag-fagaash, xoghayaha guud Muuse Xaaji Muxumed Guuleed, guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada ee Heer qaran Dr. Saleebaan Daahir C/laahi (Dogox), Xoghayaha Maamulka iyo Qorshaynta isla markaana ah  Gu doomiyaha ololaha dhalinyarada heer qaran Maxamed Xasan Dirir, xildhibaano iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbigaas ayaa gaadhay degmada Wajaale halkaas oo ay soo dhaweyn balaadhan kala kulmeen dadka ku dhaqan deegamada Kalabaydh iyo Wajaale.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo lugtiisii koowaad ka bilaabay magaalada Kala baydh ayaa  halk aas kula hadlay dad aad u tiro badan, kuwaas oo ku soo xoomay markii ay arkeen hugunka g aadiidka guddoomiyeha galbinayay.

Eng.Faysal cali waraabe oo la hadlayay dadkii soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay ayaa  tilmaa may in haddii uu doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo ku  gu ulaysto uu wax ka qaban doono waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto isla  markaa na ay ka gaabisay xukuumadu waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha iyo waftigiisa oo ay dad weyne aad u tiro badani kaga horyimaadeen duleedka magaalada Wajaale ayaa loo gelbiyay xarunta uu xisbigaasi ku leeyahay magaalada Wajaale, halkaas oo uu kula hadlay boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga UCID ayaa ka  sheekee yay taariikhda uu xisbigiisu leeyahay.

Guddoomiyaha ayaa dadka ku dhaqan magaalada Wajaale uga mahadnaqay sida fiican ee ay soo dhaweeyeen.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu dadka reer wajaale kula dardaarmay in maalinta ay gaadho codbixinta ay sida ugu fiican ugu soo dareeraan isla markaana ugu codeeyaan xisbiga UCID ee uu ka sharaxan yahay.


Guddoomiye faysal cali waraabe ayaa dhinaca kale wax laga xumaado ku tilmaamay in  gaadii dka iyo agabka ka yimaada dhinca dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia ay si bilaa hadal ah u soo gaadhaan gudaha Somaliland, halka buu yidhi alaabta iyo bagaashka ka taga dalka  Somal iland ay si dhuumasho ah ku gaadhaan dalkaas waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Walaalayaal haddii aanu doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka dhacdo aanu ku guulaysano waxa aanu joojin doonaa gudniinka fircooniga ah oo la arki maayo islaan yar oo mindiyo  sid ata, waxa kale oo aanu wax ka qaban doonaa cusbitaaladeena oo iyana dib u dhici mayso in ay haweenkeeni isku go’aan ama ay umul arooraan, waxa kale oo aanu wax ka qaban doonaa haddii uu alle yidhaahdo camal la’aanta, waxa kale oo haddii aad na doorataan aanu wax ka qaban doonaa tahriibta.

Walaalayaal waxa ayaan daro ah in gaadiidka ama dadka alaabada u sida dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopa ay dhuumasho ku galaan, halkaas ay gaadhaan iyaga oo la dhacay ama la qabqabtay halka ay inaga dadka ka soo jeeda dalka Ethiopia si xor ah u soo gaadhaan  dalkee na, haddii aad na doorataan walaalayaal taasi dib u dhici mayso, waxa aanu todobaadka ugu horeeyaba u hawl geli doonaa sidii aanu isu soo hor fadhiisan lahayn maamulka dalkaas isla markaana waxa aanu kala hadli doonaa sidii aanay u dhici lahayn in uu dalba dalka kale ay  da dkiisu si tuugo wax u gelin lahaayeen”

Geesta kale guddoomiye faysal ayaa mar uu la hadlayay taageerayaashan tirada badan ee isugu soo baxay soo dhaweyntiisa balan qaaday haddii uu doorashada madaxtooyada ku  gu ulaysto in aanay dhici doonin in xaaskiisu ay dalka ka taliso waxaanu yidhi “Walaalayaal haddii aan doorashada madaxtooyada ku guulaysto waxa aan idiin sheegayaa in aanay xaaskaygu talada dalka waxba ku yeelan doonin, cid wax ka weydiinaysaana aanay jirin, waxaanu xisbiga UCID ogolyahay in haweenku ay joogaan guryahooda oo ay ka shaqaystaan,” ayuu yidhi  gud doomiyaha xisbiga UCID.

Waxa kale oo uu xukuumada uu madaxweyne daahir rayaale ku eedeeyay in ay boobtay hantidii qaranka isla markaana saaka oo ugu danbaysay ay iibisay garoonkii kubada cagta ee magaalada Wajaale.

Waxa kale oo isna dadka reer wajaale khudbad u jeediyay xoghayaha guud oo shaaca ka  qaa day in xisbiga UCID uu yahay ka keliya ee hanan kara maamulka.

Guddoomiyaha iyo waftigiisii ayaa markii ay dhamaysteen khudbadii ay u jeediyeen dadka  re er Wajaale u soo jarmaaday dhinaca xaafadaha magaaladaas iyada oo uu guddoomiyuhu si g aar-gaar ah u gacan qaadayay dadka “Miyaad leedihiin cusbitaalo, miyaad leedihiin  xanaan ooyin, miyay caruurtiinu heshaa waxbarasho………” ayuu guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee UCID Eng. Faysal cali waraabe waydiiyay hurin haween ah oo markii ay arkeen muuqiisa isu soo taagay dariiqa, waxaanay ugu jawaabeen isla markaana afkooda ka soo baxday “May gud doomiye, xukuumada maanta joogta magac mooyaane manfac kama hayno………..”guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay in inta ka hadhay cimriga xukuumada maanta joogta ay caruurta siiyaan taxliisha waxaanu yidhi “Walaalayaal waxa aan idin odhan lahaa cimrigii xukuumada maanta joogtaa wuu soo gaabtay, markaa inta ay ka dhacayso caruurta taxliisha iinoo siiya……..

Si kastaba ah ahaatee socdaalka guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa si weyn looga dareemayay magaalada Wajaale, waxaana hudheelkii uu ka degay si raabo-raabo raabo ah u soo gaadhay boqolaal ka mid ah waxgaradka, culimada, ganacstada iyo taageerayaal iyada oo uu  guddoo miyaha degmada wajaale ciidan soo dul dhigay, ka dib markii uu sheegay in guddoomiyaha  xi sbiga UCID uu kaambayn ka dhex wado deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa lagu wadaa in uu caawa dib ugu soo laabto magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal qaatay laba cisho oo uu ku tagay dega amada hoos yimaada gobolka Gabiley.


Source:Hadhwanaag